Dood kadhalatay Xijaabka dumarka Muslimiinta

0
Thursday March 17, 2022 - 19:30:38 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 314
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood kadhalatay Xijaabka dumarka Muslimiinta

    Xijaabka sida laga soo xigtay maxkamad taariikhi ah oo xukuntay talaadadii, ayaa lagu sheegay xukunkaasi in xijaabku yahay dhaqan, ee aanu la xiriirin diin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xijaabka sida laga soo xigtay maxkamad taariikhi ah oo xukuntay talaadadii, ayaa lagu sheegay xukunkaasi in xijaabku yahay dhaqan, ee aanu la xiriirin diin


Saddex xaakim oo fadhigoodu yahay koonfurta gobolka Karnataka, ayaa taageeray mamnuucista xijaabka, ee ay dowladdu kusoo rogtey dugsiyada iyo kuliyadaha, iyaga oo ku sababeeyey in xirashada xijaabka aaney muhiim u aheyn Islaamka.

Xukunka ayaa yimid kadib markii uu soo if baxey dood laga qabo xirashada xijaabka, taasoo maxkamadd sare ay gaartey, iyadoo racfaan lid ku ah xayiraadda la gudbiyey saacado kadib amarkii maxkamadda sare.

Balse khuburada dhanka sharciga iyo culumada, ayaa bilaabay iney miisaamaan, iyadoo isku dayaya iney kala fur furaan waxa uu xukunka uga dhigan yahay wadan dadkiis kala duwan yihiin, oo ay caan ku yihiin qolo waliba soo bandhigidda caqiiqadooda.

Xudunta xukunka waa waxa loogu yeero "imtixaanka lagama maarmaanka ah" - oo loo isticmaalo in lagu go'aamiyo haddii shay lagama marmaan u tahay diin iyo in kale, taasoo maxkamadaha Hindiya isticmaalkooda ay sii kordhayaan, si ay u xalliyan khilaafaadka la xiriira diin.

Xijaabku ma lagama maarmaanbaa Islaamka dhaxdiisa?

Tani waxey aheyd su'aasha keentay dhageysiga oo saldhig u ah xukunka oo ka kooban 129 bog.

Dadka gudbiyey dacwadda, ayaa ahaa koox gabdho Muslimiin ah, oo laga mamnuucay iney ku dhex xirtaan xijaabka fasalada inta ay ku jiraan, gaar ahaan kuliyadaha dowlada ee degmada Udupi ee Karnataka - way mudaaharaadayeen, balse kuliyadda kama aysan tanaasulin mowqifka ay istaagtey, waxeyna arrintu markii dane ku dhamaatey maxkamad.

Gabdhaha ayaa ku dooday in mamnuucista aysan aheyn kaliya takoor, balse ay caqabad ku tahay xauquuqda ay u leeyihiin xoriyadda hadalka iyo diinta. Waxey yiraahdeen in diintooda ay fareyso iney madaxdooda dabooshaan.

Dowladda ayaa arrintaas kahor timid, iyadoo sheegtay in culeyska uu saaran yahay dadka soo codsadey iney caddeeyaan in xijaabku uu yahay dhaqan diimeed oo "muhiim ah".

Kow iyo toban maalmood Kadib, oo hadallo kulul iyo dibu dhac ku yimid go'aanka, maxkamaddu waxey soo gaba gabeysay in dadkii dacwoonayey "si xun ugu guul dareysteen" iney caddeeyaan muhiimadda xijaabka.

Iyadoo soo xiganeysa maxkamadda aayado kamid ah Qur'aanka kariimka ah, waxey xukuntay in; haddii aan looggu hoggaasamin xijaabka sida looggu tala galey, kuwo aan xiranin xijaabka ayaa noqonaya kuwo dambi ku dhacey, Islaamkuna wuxuu luminayaan sharaftiisa, diintuna waa ay baaba'aysaa.

Ardeyda kuliyadaha kala duwan, ayaa mudaaharaad ka dhan ah mamnuucista xijaabka ka hor sameeyey goobta la yiraahdo Park Circus ee dowladda Karnataka Febraayo 12-ka, 2022 magaalada Kolkata ee dalka India.

XIGASHADA SAWIRKA,MAGNUM PHOTOS

Qoraalka sawirka,

Muran ka dhashey xijaabka ayaa dhaliyey mudaaharaadyo dhawr ah

Sidaa darteed, waxay ku dartey mxakamadda xukunkeeda, in maamulka gobolka xaq u leeyahay inuu dajiyo darees aanu xijaabku qeyb ka aheyn, waxey meesha ka saartey diidmada ardeyda, iyadoo xeerku yahay "xakameyn maangal ah" oo qeyb ka ah xuquuqda dastuuriga.

"Wixii aan diin ahaan waajib aheyn, sidaas darteed lagama dhigi karo arrin muhiim ah oo diina, iyada oo loo marayo kicin dadweyne ama doodaha xamaasadda leh ee maxkamadaha," ayaa lagu yiri amarka.

Laakiin khuburada dastuurka iyo aqoon yahanada sharciga, ayaa sheegaya in tani aysan ahayn su'aalu taalla maxkamadda iney go'aan ka gaarto. "Waxaad dhex galeysaa cilmi aad u ballaaran, oo qareennada iyo garsoorayaashu ay yar tahay aqoonta ay u leeyihiin," ayey tiri qareen sare oo ka tirsan maxkamadda sare Rebecce John.

Ka bood Twitter boggan, 1

Dhammaadka Twitter boggan, 1

Presentational white space

Imixaanka lagama maarmaanka ah - kal hore iyo waqti xaadirkanba

"Marka ay timaado diin, ma jirto hal qaab oo loogu wada dhaqmo, waxaad arkeysaa diin gaar ah, laakiin haddana qof waliba uu si gooni ah ugu dhaqmayo," Ms John ayaa sidaasi tiri.

"Xitaa xijaabku waxyaabo badaa ayuu astaan ugu yahay dad badan oo kala duwan, sida ugu fudud ee lagu cambaareyn karaa waa in la yiraahdo waa dulmi, laakiin adduunka oo idili, waxaa loo adeeg sadaa calaamad saldhig u ah iska caabin. Markaa, ma qeexi karno waxa muhiimka ah. Marka la eego sida saxda ah, dadku waxey u qaataan sababo kala duwan.

Markay maxkamaddu sidaasi sameyso, ayey ku dartey, maxkamaddu dumarka waxay ka xayuubisay mas'uuliyaddooda, iyadoo yareyneysa doorashooyinkooda adag, iyo kuwo isku xiran oo ah kuwo fudud.

Dastuurka Hindiya wuxuu u oggolaanayaa maamulada gobolada iney xakameeyaan xaqa xoriyadda diinta, iyadoo loo eegayo nidaamka guud, caafimaadka iyo anshaxa. Laakiin ku dhaqanka diinta , taasoo loo isticmaalo in lagu go'aamiyo dhaqamada lagu ilaalinayo xaqa xoriyada diinta, iyadoo ay ka dhalatey maxkamad.

Maxkamadda sare waxey markii ugu horeysay adeegsatey ereyga "qeyb muhiim ah oo kamid ah diinta" sanadkii 1954-tii, iyadoo eegeysa in dhaqanku uu yahay lama huraan, xitaa haddii uu meesha ka saarayo ama keenayo in "isbeddel aasaasi ah oo diinta" la sameeyo.

"Tani waxey awood siisay bulshooyinka heysta diimaha, ayuu yiri aqoon yahan sharci iyo professor Deep Das Acevedo. "Wixii ka baxsan awoodda dowladeed ee lagu xakameynayo ama isbeddelka, si wax ku ool ah, waxaa go'aamin doona bulshooyinka diinta laftooda heysta."

Gabdho Muslimiin ah oo wax ku baranaya dugsi macmal ah oo ku yaalla teendho laga dhisay tuulada Charund, 8-dii bishii November, sanadkii 2005-tii

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xukunka ayaa saameyn doona malaayiin gabdhood oo Muslim ah oo xirta xijaabka iskuulada

Laakiin waqti kadib, ayey ku dartey, maxkamadaha Hindiya waxey bilaabeen adeegsiga afkaar gaar ah, si ay u sameeyaan cagsiga, taasoo ah iney xakameeyaan arrimahan laftooda.

"Marka, afkaarta gaarka ah ayaa kasoo jeeda asalka diinta, iyadoo loo wareegayo waxa muhiimka ka ah diinta," ayey tiri.

This is unlike in other countries such as the US, where courts accept a plaintiff's assertion that a given practice is religious, without questioning it further.Tani waxey ka duwan tahay dalalka kale, sida Mareykanka, halkaas oo maxkamaduhu aqbalaan soo gudbinta dacwadaha, ee ah dhaqanka iyo diimaha, iyada oo aan laga weeydiin su'aalo kale.

Laakiin gudaha Hindiya, maxkamaduhu waxey qaadanayaan go'aankaas, iyadoo aan kala sooc laheyn, ayey sheegeen khubaradu.

Wax kala doorasho

Sanadkii 2017-kii, maxkamadda sare ee Hindiya, ayaa mamnuucay farriinka deg dega ah Islaamka, iyadoo sheegtay in aanu aheyn qeyb lama huraan ah oo diinta kamid ah, isla markaana aanay jirin wax ilaalinaya. Sanadkii 1994-tii maxkamadda sare xalisay muran dhuleed taagnaa oo u dhaxeeyey Hinduga iyo Muslimiinta, iyadoo sheegtay in masaajidku aanu "muhiim" u ahayn ku dhaqanka Islaamka ama salaadda, iyadoo meel kasta lagu tukan karo. Markaa waxey xukuntay in dhulka ku hareereysan masaajidka la siin karo Hinduga.

Sanadkii 2018-kii, makamadda ayaa mar kale adeegsatey tijaabada, si looggu oggolaado dumarka Hinduga ah ee dad kasta leh iney galaan macbadka Sabarnimala, kaasoo taariikh ahaan xaddiday haweenka da kasta leh. Maxkamaddu waxey sheetay in xanibaadda aysan aheyn "dhaqan diimeed oo muhiim ah".

Sanadkii 2016-kii, maxkamadda sare ee Kerala, ayaa baadhey Qur'aanka kariimka ah, waxeyna sheegtay in qoraalka madaxa daboolaya uu yahay waajib diini ah, sidaas darteedna, loo arkay inuu muhiim u yahay Islaamka. Waxaa la dhageysanayey codsi ay gudbiyeen ardey loo diiday inay qaataan xijaabka ayna galaan imtixaan caafimaad, oo ay ku sababeynayeen inuu awood u siinayo xijaabka in ardeydu qishaan.

Dadka u gudbiyey dacwada maxkamadda Karnataka waxey tixraaceen xukunkan, laakiin markan maxkamaddu way diiday dooddooda.

"Maxkamadu waxey u codsatey imtixaanka si aan is waafaqsaneyn, iyadoo si is daba joog ah u bedeshay habka lagu go'aamiyo muhiimadda, si dhab ah u wiiqday xoriyadda diinta," aqoon yahan shaci yaqaana, Faizan Mustafa, ayaa ku qorey buuggiisa jaamacadda sanadkii 2017-kii, ee cinwaankeedu ahaa Xoriyadda Diinta ee Hindiya.

Waxa uu ku dooday in imtixaanku hadda xadidayo baaxadda xoriyadda diinta ee dastuurku damaanad qaadey.

Maxkamadda sare ee Karnataka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Xukunka maxkamadda sare ee Karnataka ee lagu taageerayo mamnuucista xijaabka, ayaa si weyn loogga dooday

Dhanka kale, khubaradu ma hubaan sidoo kale waxa noqon karo fikrad gaar ah oo dhaama diinta.

"Haddii aan heli lahaa jawaab fudud!" Ms Acevado, aya tiri. "Runtu waxey tahay ineysan jirin wax la yiraahdo caqiido qumman. Waxaan rajeynayaa in sharciyada aan farsameyno iyo dadka fasiraadda oo ku dhaqma ay u sameeyaan si cadaalad ah oo deeqsinimo ah intii suurtagal ah. Laakiin taasi mar walba ma dhacdo. Mana dhicin. 'macnaheedu maaha in ku dhufashada caqiiada saxda ah iney xallin doonto dhammaan dhibaatooyinkayaga."

Ms John waxey sheegtay in xoogga la saarayo doorashada.

"Yaan ku niraahnaa doorashada haweeneyda iney xirato xijaabka si wanaagsan loogama fekerin?" Ms John ayaa soo bandhigtay su'aashaas.

"Haddii ay waajib tahay inaad sameyso dhar gaar ah, waa in uu ahaa wax ay ka wada tashadeen guddiga oo dhan. Haddii aad ka hor istaagtaan ardey dhiganeysa fasalo gaar ah iney muujiyaan astaamahooda diinta, taas waxey noqoneysaa takoor ama faquuq lid ku ah koox gaar ah.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip