Burbur adduun iyo aakhiro; Waxay diin iyo xukun islaam ku sheegeen: adeegsiga beenta, munaafaqadda, qabyaaladda, shirqoolka, daadinta dhiigga muslimiinta, xalaalaynta bililiqada, is nacbaysiinta shacabka, kala fogaynta ummadda, khiyaanada, boobka, dhaca, naxariis darrada, fursad siinta cadawga dalka iyo diinka, fara ka bixinta dalka IWM.
Waxay ku farxeen guul darradii ummadda iyo weliba guul darradooda. Waxaa ugu yar guul darrada ay isu geysteen, waxay iska qaadeen dalladdii ama hooskii ay harsanayeen.
Sidaas darteed, dhammaan tacaddiyadii iyo jiha wareerkii ka dhacayey magaalada iyo soomaliya waxaa danbigeeda loosarinayaa Al-shabaab.
Arrimahan oo dhan waxay Al-shabab ku beddesheen inay dagaallamaan, iskana jeexjeexaan teendhooyinkii ay harsanayeen, waxayna doorteen inay qaadaan masuuliyadda dhibaata kasta oo dalka ka dhacda; waxay dhex istaageen meerta meertadii qabqablanimada ee lagama baxaanka ahayd. Wayo:- &Waxay xaqiiqadoodii tuseen dad badan oo wadaaddo u haystey Waxay galeen dakane aan ka soo waaqsi lahayn waayo inta badan Dadka aylayeen iyo qabiilooyinka ay la dagaallameen waxay isugu jireen kuwa taageersanaa, kuwa ay isku fiicnaayeen, iyo kuwa aan colaad u qabin Al-shabaab.
Waxay abuurteen colaad aan horey loogu hayn Qabiilooyin dhan ayey bareen heerka ay gaarsiisan tahay cadawtinnimada iyo xadgudubka Al-shabaab.
Waxay Al-shabaab kala irdhoobeen siyaasiin, ganacsato, saraakiil iyo wax garad aanay awel isku xumayn iyo weliba kuwa ay isku fiicnaayeen Waxay dusha saarrteen mushaakilladii horey loogu hishiin la’aan.
Waxay cirka ku shareereen isu soo dhowaanshihii la raajaynayey ee ahaay dowladnimada Waxay fareesh ka dhigeen dagaalladii laga soo daalay ee duugga ahaa Waxay sababayaan in dadkii ay la dagaallameen usoo adeegsadaan shisheeye iyo Ajnabi, taasoo laga yaabo inay dhaliso cawaaqib xumo, ama in dalkuba faraha ka baxo. Waxaa xaqiiqa ah oo cid dafiri kartaa yartahay in siwayn loo jeclaa in shacabku ka xoroobaan dhibaatooyinkii jihada u diiday.
Dhanka kale, waxaa ayaan darra ah inay beddelaan kuwa iyaga ka xun kun mar iyo dheeraad, sida ku cad xaqiiqooyinkii aan soo ogaannay kana soo bixi doonta tallaabooyinka ay damacsan yihiin. Culummada diinku mar kasta way sheegi jireen baadilnimada Al-shabaab (khawarijta) iyo in wax shuqul ah aanay ku lahayn diinta islaamka.
Inta badan qaybaha kala geddisan ee bulshadu si u qalanta uma qaadan wacdiga nasiixada iyo talada culammada Waayo, dadku waxay ahaayeen Qayb u hiillisa Alshabaab.
Qayb aan dheg u dhigin nasiixada culammada Qayb u argta culamma Iskhilaafsan!!! Qayb sheegta inay ogyihiin khaladka Al-shabaab laakiin haday sheegaan ka baqi jiray in ay dilaan Qayb dareen muujisa laakiin aan gaysanayn ficil u qalama IWM.
Inta badan arrimahan waxaa kallifayey danayn la’aan, wacyi yari iyo khiyaanada Al-shabaab oo ahayd mid aad u qorshaysan.
Maanta waxaa muuqata in Al-shabaab si ficil ah uga marqaati kaceen digniinihii iyo khatarihii culammada baraarugsan ka sheegayeen Walxahaan oo dhan waxay ka mid yihiin natiijooyinkii kasoo baxay fursadihii ay ka faiidaysteen Al-shabaabka isku magacawday (Al-shabaab Al-mujaahidiin.)
Intaas waxaa u dheer qofka adduunka ugu danbiga iyo xumaanta badan hadduu iyaga raaco waxay ku magacaabaan sheekh, wadaad, xaaji, amiir, iyo islaami. Dhanka kale, qofkii iyaga wax ka sheegaa waa cadawga tawxiidka, gaal u shaqeeya yahuuudda IWM. Qofka dadka ugu sharafka badan, kan ugu cilmiga badan, ama weliga karaamaysan haddii aanuu iyaga raacsanayn waxay ku sheegaan wax kasta oo xun, siiba haddii uu fahamsanyahay khiyaanooyinkooda. Waxay dadkaas u adeegsadaan caay xan iyo canbaareyn aan loo meel deyin. Waxay fool xumeeyaan, marin habaabiyaan, baabi’yaan difaaca iyo wada-jirka ummadda.
Waxay marin habaabintaas ku magacaabaan Jihaad, saxwa, xarakaat iwm ayagoo ku duulay Gobalo shareecada islaamka lagu xukumo oo baabi,iyay qabuurihii ku yaalay sida Galgaduud Hiiraan Baardheere Bay iyo Bakool iyo Gobalka Gedo. Ma aha Soomaaliya oo keliya, waddama badan ayey iska hor keeneen, sababna u noqdeen in gaalo qabsato.
Waxay khilaaf dhex dhigaan dadkii halka mad’hab ahaa, halka saf ahaa, si awooddoodu u wiiqanto, markaas ayey muslimiintii noqotaa kuwa aan iska dhicin karin ciddii ku soo duusha.
Dalka Jeejniya intay suufiyadu u ahayd culammada wey iska difaaceen quwaddii Ruushka, laakiin waxay balanbaleen markii uu soo gaaray maal gelintii khilaafka ee khawaarijta. Waxay markiiba ku billaabeen kani waa suufi, kani waa khuraafi, mawliidka nabiguu dhigaa, waa shirki, waa ashcari, waa calmaani, kitaabka wax kuma xukumo IWM.
Halkaas ayeyna ku kala jabeen jejniyiintii guulaysnayd, waxayna ka dhigeen jejniyiintii burbursanayd. Sidaasoo kale waxay ku sameeyeen Af-gaanistaan. Waxay burburiyeen awooddii reer Afgaanistaan ee ka adkaatay midawgii Soofiyeeti.
Waxaa afgaanistaan la wareegay Daalibaan oo ka amar qaadata shakhsiyaad Al-shabaab ah.
Khawaarijta afgaanistaan qabsatay waxaa dhab ahaan hoggaaminayey Usaama bin laadin oo uu diyaariyey Maraykanku Usaama wuxuu ka mid ahaa madaxda xaafiiskii Maraykanku sameeyey ee maktabul-ukhuwah.
Khawaarijtu wey jebiyeen hoggaamiyaashii reer afgaanistaan, khilaaf iyo kala furfur badan kadib; laakiin maxay sameeyeen markii Maraykanku ku soo duulay? Maalmo gudohood ayey uga carareen caasimaddii af gaanistaan iyo dhammaan magaalooyinkii waawaynaa. Lays weydiin maayo furfurkii, luggooyadii iyo shir qoolladii ay u geysteen dalka Falastiin, ilaa iyo hadda khawaarijtu waxay ka mid yihiin fursadaha Yahuudda. Lays weydiin maayo kii ay u gaysteen Ciraaq
junaydi99@hotmail.com |
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
AL-SHABAAB IYO SOMALIA: FAALO AQRISTE....
Sida ku cad xogagta aan soo ogaannay fursadahan ay ka faaiidaysteen al-shabaab waxaa ka soo baxay burbur dhan kasta ah. Burbur dhinaca diinka, dalka, akhlaaqda, midnimada, xiriirrada iwm.