Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud....qeybtii 20-aad‏….

0
Friday May 29, 2009 - 16:18:44 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud....qeybtii 20-aad‏….

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.


1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?
1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.
2-Su’aal Sheeg todobadii  Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?
2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas.
          4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,
3-Su’aal Sheeg Dhaqtaradii ugu horeysay ee Islam-ka?
3-Jawab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
4-Su’aal Sheeg imisa jeer ayuu Nebiga (NNKH) Cumreestay?
4-Jawab: Wuxu Cumreestay 4 Jeer.
5-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?
5-Jawab: Jawab waxa la-aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.
6-Su’aal Sheeg yaa aas-aasay Magalaada Kuufa?
6-Jawab: Waxaa aas-aasay Sacad Bin Abii Waqaas.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?
7-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 14- aad ee Hijriyada.
8-Su’aal Sheeg sanadkii soomaaliya lagu qabtay shirkii Midowga Afrika?
8-Jawab: Waxa lagu qabtay sanadkii 1971-dii
9-Su’aal Sheeg dalalkii ku buuxiyey Xisaabta Eber (0) ?
9-Jawab: Waa Masar iyo Mesopotomia.
10-Su’aal Sheeg xagee bey u martaa cuntada cunuga marka uu ku jiro caloosha hooyadiis?
10-Jawab: Waxay u martaa Xudunta.
11-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ay siddo kaneecada mideeda dhidig?
11-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Malaariya.
12-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
 
13-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?
13-Jawab: Waa Dhegta.
14-Su’aal Sheeg wadanka ugu dadka yar. Wadama leesku yiraahdo Igad?
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusino  6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su'aal  Sheeg asxaabtii uu Rasuulka (NNKH) u doortay inay Qur’aanka soo dagaya uruuriyaan?
2-Su'aal Sheeg ninkii ugu horeeyey ee Qur’aanka uruuriya?
3-Su'aal Sheeg kumuu ahaa asxaabigii uu abuu-bakar u xil saaray ama madax uga dhigay asxaabtii soo ururineesay quraanka?
4-Su'aal sheeg Magaca Buurta Afrika ugu dheer?
5-Su'aal Sheeg Wax marka ay siyaadaan sii naaqusa?
6-Su'aal Sheeg meeshii ugu horeesay oo soomaaliya ah Misana diyaarad lagu weeraro?
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab:  Wuxu u doortay Sayid Bin Thaabid, Ubaya Bin Kacab, Mucaad Bin Jabal, Mucaawiye Bin Abuu Sufyaan, iyo Afartii Khaliif.
2-Jawab: Waa Abuu-Bakar Sadiiq Rc.
3- Jawab: Zayd Binu Thaabit Rc.
 4-Jawab: Waa Kalaminjaaro.
 5-Jawab: Waa Dayaxa.
6-Jawab: Waa Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu  dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.
Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay la socdeen casharadii hore.

1-Su’aal  Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka saxuuf?
2- Su'aal Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
3- Su’aal  Sheeg Nebigii dabka lagu tuuray?
4- Su’aal Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Jubba?
5- Su’aal Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) oo uu maro webiga Shabeele?
6- Su’aal Sheeg xayawaanka aabihiis ka xun hooyadiisana ka wanaagsan
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
 
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:- adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip