Waa maanso ay is waydaarsanayaan hogaamiye kooxeedyadii hore iyo hogaamiye diimeedyada ayaa dhaafsanayaa dood ay qolo weliba inay igu saxan yihiin ku muujinayso oo qolada kale ka daran tahay iyaguna ku haboon yihiin hogaanka Qolo welibana fekerkeeda ayay dhiibanaysaa bal waa inaan dhuuxnaa maansadan
Hogaan lumay,
Hogaamiye diimeed
Nin halyeey ahaaba
Ileen heelo tiriyoo
Hees abaari karayee
Horta may taqaanaan
Hogaankii islaamkiyo
Horjoogaheena diintee
Habsamaan xuquuqdiyo
U yaqaan haanaankaba
Inaan ahay hubaashii
Hayeeshee waxaa jira
Kuwa hadafka tuugtii
Hogaamiyihii kooxaha
Haykalkoodii kale
Hada doonayee garo
Shacabyahaw hurdaayaa
Horta miyaad ilowdeen
Dadyaw horumarkeenii
Hadafkii maxkamadaha
Iyo hawlkarnimadii
Iyo hiilkii aan galay
Hogaamiye kooxeed
Aan hanaansho suugaan
Aan habeeyo geeraar
Aan holado murtida hadal
Aan higaadsho erayada
Hal abuurka waaweyn
Hoorsho nuxurka maansada
Hadaanse hoos usoo dego
Hadafka iyo ujeedada
Hadalkayga kala dhigo
Hogaamiyihii kooxaha
Hormuudkoodii baan ahay
Hada waad ogaydeen
Hal wiil oo la dila iyo
Hanti yaroo la boobiyo
Halahoo isbaara ah
Ayaad nagu huruufteen
Dadyahaw nagu habaarteen
Balse waad hesheenoo
Hogaamiyaha diimeed
Haatan waad ujeedaan
Hilibkiina yaa cunay
Hanbadiina yaa liqay
Habraha iyo islaamii
Hooyadii wacnaydee
Aan hore u qixi jirin
Hada yaa banaankiyo
Haleelaha ku daadshoo
Ku hardimaya meeshii
Horta waa su,aaloo
Dadka waan hor dhigaya
Hogaamiyeha kooxdiyo
Hogaamiyeha diimeed
Keebaa halaaga badan?
Hogaamiye diimeed
Hogaankeenii diintiyo
Horseedkii islaamkiyo
Hormuudkiina baan ahay
Umadyahay hurdaysaa
Horta miyaad ilowdeen
Hawlihii maxkamadaha
Habkii nabada loo helay
Dadkuna uu u horumaray
Sawtay halgaadeen
Gaaladu na heereen
Cadaw nagu habsadayee
Kala haadku nagu dhacay
Hadana waxaan ujoogaa
Haybadiina weeyaan
Horukaca dalkeeniyo
Hanaankiisa weeyaan
Hada dowladnimada
Horta waad ogtiinoo
Haddii laysku soo daro
Heeraarka soo tuban
Raga ugu habôonee
Ku hagaagsan baan nahay
Haatan kooxda joogta
Halis weeye shacaboow
Hadafkii maxkamadaha
Horta way ka leexdeen
Hoos wax loogu sheegiyo
Hawl kalay u joogaan
Haybtii aad taqaaneen
Hilinkii maxkamadaha
Haykalkaad ogaydeen
Hada way ka weecdeen
Qolyo kaley la haystaan
Hogaamiyaha kooxdana
Nimankii halaajee
Ka huleela yidhiyee
Ham ka siiyay baan ahay
Haka nixine dirirtiyo
Madaafiicda howle iyo
Hoobiyaha dadkaygoow
Halgankii janada iyo
Hadafkeenii weeyaan
Hogaamiye kooxeed
Habaar kugu dhac wiilow
Hadaad maqashay weligaa
Halkaad joogto weeyaan
Hogaan xumo daraadeed
Iyo horumar yaridaaa
Adigoo heshiis iyo
Heli kara samaantaad
Xumaha u haliishaa
Adigoo hanbada iyo
Inta shacabka soo hadhay
Hakin kara dhibtoodaad
Halaaga u horseedaye
Hada dirirtu waa holac
Halyeey baa yaqaanoo
Hawl yar maaha sheekhow
Adoon hurin colaad baad
Hogaan fiican noqonlayd
Adigoo halyeeyada
Hanadada inoo kacay
Habsamaan aqooniyo
Hanaankii islaamkiyo
U horseeda diintoo
Hadaf xumo ka dhawraad
Hogaan fiican noqanlayd
Hayeeshee dadweynaha
Haatan aad dilaysee
Kuu heelan welibaa
Iyaguna habaaskiyo
Haraadka iyo diiftiyo
Hoy li,ida jeceliyo
Haadaan ku dhacayoo
Belaayada horkacayee
Hadal haan ma buuxshee
Hoga kama danbaysta
Horta waa su,aaloo
Dadka waan hor dhigaya
Hogaamiyahan diintiyo
Hogaamiyaha kooxeed
Kee halis ah shacabow
Keebaa hanbadii jaray
Kee hoy la,aaniyo
Holaciyo colaadaha
Hada wada dadkaygoow
kee baa halaag badan?
Fiiro Gaara:- maansadana maaha mid taageeraysa qolo gaara weeraraysana qolo gaara
Waxaan hal abuurkayga ku cabiray dhibaatada kooxeed ay bulshada ku hayeen waqtigii hore waqtiga hada la joogo . maansaduna way socotaa waxaan inshalaah soo saari doonaa qaybo kale oo ka mida ah maansada Hogaan Lumay
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.comw2ww
Maansadii Hogaan Lumay Qaybtii koowaad
Waxaan maansadan igu dhaliyay markaay arkeen dhamaan bulshada soomaaliyeed hogaanxumada iyo hanaanyarida siyaasadeed ee gobolada koonfureed ee uu mid weliba u horseeday shacabka soomaaliyeed dhibaato . qaxa iyo rafaadka iyo colaadaha aan kal joogsi l