X.Daahir oo Xabaalaha Xamar Badiyay.Maqaal..

0
Sunday May 31, 2009 - 12:41:59 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1081
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    X.Daahir oo Xabaalaha Xamar Badiyay.Maqaal..

    Maxeey soo kordhiyeen X.Daahir iyo kooxdiisa dagaal doonka ah & Al Shabaab ?????

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxeey soo kordhiyeen X.Daahir iyo kooxdiisa dagaal doonka ah & Al Shabaab ?????

Waxaa markiiba kuu muuqanaya barakac,burbur iyo gumaad ku wajahan shacabka somalia ee ku dhaqan magaalada xamar xabaalo aaad u faro badan iyo barakac iyo burbur ayaa laga dhaxlay imaansha X.Daahir iyo Al Shabaab,inta la ogyahay waxaa barokacay in ka badan 50.000 caruur hooyooyin duqeey oo maati ah xamarna deganaa,waxaa la dhahaa inta aanad falin ka fiirso X.Daahir weli waxaa uu ku socdaa ka fiirsasho laįan ku wajahan xabaalaha oo sii badanayaa iyo burburka xad-dhaafka ah ee ku habsaday shacbkii ku dhaqanaa xamar,

haddii xil lagu raadinayo in xabaalaha oo la badiyo lagu gaari karo mansab ama xil waxaa ila quman in aan dib u milicsano taariikhda mugdiga ah oo eey somalida soo martay,waxaa dalka sii joogi lahaa Maxed Faarax Ceeydiid,C/aahi Yusuf Axmed Nin meeli u cadahay meeli ka madaw ilama aha in X.Daahir uu sumcad ku dhex leeyahay umada somalia balse waxaa uu lumiyay fursad qaali aheeyd oo lagu badbaadin karay shacabka ku dhaqan xamar maantase waxaa uu ku dhex dabaalanayaa d!hiiga xaqdarada lagu daadshay.


Dagaal dabadii waa wada hadal maxaa dhalinyarada loo gumaadaya marba haddii wada hadal imaandoono ????? Qaranka somalia cidii hogaanka u qaban laheeyd waa mid ka imaanaya Somaliland, Puntaland iyo koonfur marba haddii talada aanan laguu dhaafeeyn maxaad xiligaan dhalin yarada ugu gumaadeeysaan dagaalka xaqdarada ah, Maxed Faarax Caydii iyo Cali Mahd gumaad dabadii C/aahi Yusuf oo Puntland ka yimd ayaa Villa Somalia fadhiistay suįasha jirtaa waxaa eey tahay sow ma mudneeyn wada hadal in eey xilka ugu dhiibaan ruux uun inta eeyan iska gumaadin shacabka,weli tii-baa socota alow sahal amuurah.
 
Dhaliisha ugu weeyn waxaan dusha ugu tuuraya maaha oo kaliya dowlada balse mucaaradka garan waayay badbaada dalka,diinta iyo dadka eey ka dhasheen doonayne in dagaalka in uu sii socdo, xisbul Islaam & al shabaab


waxaa qumaneeyd walow eeyan hal hadaf kuwada socon maadaama laba magac eey kala wataan in eey ogolaadaan wada hadalka taageeraana nabada ayaga oo hadafkoodu yahay in eey dowlada ku cadaadiyaan diidmada xiriirka Ethiopia iyo dowlada Islaamka ah iyo in eey noqdaan sidii xisbu Laah oo runtii ah xisbiga ugu weeyn dalka Lubnaan xaqiiqdiina sharaf iyo sumcada ku dhax leh dalka iyo caalamka carabta oo dhan,

Xisbul laah waxaa uu ka mid yahay baarlamaanka dowlada Lubnaan waxaana uu dowlada ku dhex leeyahay wasiiro, xubnaha xisbu laah waa kuwa marwalba ku cadaadiya dowlada Lubnaan qaabka eey wax u rabaan balse aragtida Xisbu Islaam iyo Al shabaab ma ahaa mid dheer lehne badbaadinta dalka,diinta iyo dalka,aragtidooda guracan waa mid eey ku soo jiidanayaan in dalka uu gumeeysi !gacanta u galo waxaan is weeydiiyaa cajalada ku duuban al-shabaab meesha eey ka gadmeeyso halka xisbul islaam uu yahay mid Nin iyo qabkiis waayo waxaa cadaatay in eeysan jirin hadaf cad oo eey ku kasban karaan kalsoonida shacabka iyo rabitaanka nabada ee shacabka.
 
 
Sheekh Shariif waxaan leeyahay Ethiopia waa cadowga ugu weeyn somalia lamana sheegin mel aan ku heshiinay balse waxaa eey xoog ku haysataa shacab Somalia oo aad ugu dulman dhulka Ilaah ku abuuray,

waxaad ogaataa in sumcada dowlada Islaamka ee aad Amiirka ka tahay waxaa hoos u dhigaya sumcadeeda in eey ka mid tahay markii aad garab iyo gaashaan ka doontateen Ethiopia waayo waxeey murti somali leedahay doqon ila dhashaa iiga roon diracyo Axmaaraad somali somalia baa leh, waxaa quman in aad dib ugu noqotaa nabada iyo wada hadalka mucaaradka waayo ayaga ayaa ku huran oo somalia ah,waan ognahay in eey diideen.

balse ogow diidmadaa waa mid sumcadooda eey hoos u rideeyso, Maquuste waxa looga guuleeystay waxaa eey aheeyd nabada ayaan rabnaa, waxaan kugu wargelinayaa in aadan dib noogu celin waxa aan ka soo gudubnay ee qabiilka ah balse in aan ka miro dhaliso shareecada Islaamka qaabkii lagu dhaqan gelinlahaa dalka somalia iyada ayaa na deeqda iyada ayaana ku heleeynaa nabada iyo wada!noolaanshaha.

Somaliada waxaa eey dhahdaa libaax nin ganay iyo nin galadayne og waxii aan soo marnay koleey waaad ka warqabtaa shacabka waa daalay dagaalna xal maaha, Dalkaan waxuu ka dhaxeeyaa somalia, yaanan qaab qabiil laguugu qasbin in aan ku difaacdidi qaranimada somalia,waayo xilka somalinimo waxaa uu u dhaxeeyaa difaacdeeda somali oo dhan maaha in Mudulood dhalin yaradiisa lugaha looga jaro sida Cali Mahd ku fuliyay dhalin yarada Mudulood


Waxaį somali faro badan eey la yaaban yihiin xagee dhaanka loo wadaa, Ethiopia miyaa naloo maceeynayaa ,Ethiopia miyaa naga difaaceeysa xisbul islaam iyo al shabaab xagee caqligu jiraa, waxaan ka xumahay in weli eey nagu qasan tahay Ethiopia oo xaqiiqdii ah cadowga somalia ugu weeyn aduunkaan aan ku nool-nahay,

waxaan aad ugu xumaaday markii shaqsiyaad xil ka haya dowlada islaamka ah in eey Ethiopia u magan noqdaan soona abaabulaan dagaal lagaga hortagayo somalida miirku ka maqan yahay ee garan waayay in eey nabad iyo wallaaltinimo ku wada noolaadaan, Cumar Xaashi miyaa maanta xuduuda ku sheega Ethiopia iyo Somalia ka abaabulaya dagaal lagu qabsado G/ Hiiraan waxaan is weeydiiyay Cumar Xaashi maxuu dhaamaa Maquuste xaqiiqdii waxba balse waxaa ka sii liita Cumar Xaashi oo og in Maquuste huwantii uu watay iyo xulufadiisa 50.000 gaarayay ee Ethiopia in dalka laga xoreeyay maalin cad,waxaa eey suįasha tahay haddiiba Ethiopia dalka lagu soo celinayo maxaa loola diriray ?????
 
Somalida waxaa eey dhahdaa Macal cune muuqan doonee dowladii hamiga loo qabay waxaa bar-bar-xaaraan ka dhigay markii eey u carareen Ethiopia soona kaxeeysteen ayaga oo hadafkoodu yahay in eey baro kiciyaan, gumaadaan caruurta, haweenka iyo dhalin yaharada g/hiiraan iyo guud ahaan dalka oo dhan,waxaa la dhahaa inta aanad falin ka fiirso oo aan ugu jeedo dowladii-islaamka aheed waxaa hoos u dhacaday rajadii iyo sumcadii iyo hamigii dowladnimo ee loo qabay markii Ethiopia eey ka dhex muuqatay seexada siyaasada somalia, shacabkii dalka joogay iyo qurba jooga somalia waxaa eey niyada gashadeen haddii Ethiopia dalka laga xoreeyo dadka somalia waa ka baxayaa dhibka dowlada islaam ah oo nabada iyo wada noolaanshaha ka shaqeeysa ayaa la heliyaa, balse arinkaas waxaa waxba kama jiraan ka dhigtay markii dowladii islaamka aheeyd eey garan weeydo maslaxada siyaasda dhaqan iyo dhaqaale ee ku wajahan cadowlaga Ethiopia in eey ku jaan gooymweeysay siyaasadeeda islaanimo ee ku wajahan mida E!thiopia.
 
 
 
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip