HADDII AAN DIIDNO MUSLIN-NIMO MASIIXIYIIN MIYAAN NOQONAA?.‏ FAALO AQRISTE...

0
Monday June 01, 2009 - 10:56:54 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADDII AAN DIIDNO MUSLIN-NIMO MASIIXIYIIN MIYAAN NOQONAA?.‏ FAALO AQRISTE...

    Shacabka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 12 milyan, wuxuu sheegtaa laguna sheegaa inay yihiin muslimiin 100%, sidaas awgeed dad badan ayaa aamin-sanay in haddii ay Soomaliya ayka dhalato Dowladda dhaqan gelisa ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, misana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Soomaaliyeed oo lagu qiyaaso 12 milyan, wuxuu sheegtaa laguna sheegaa inay yihiin muslimiin 100%, sidaas awgeed dad badan ayaa aamin-sanay in haddii ay Soomaliya ayka dhalato Dowladda dhaqan gelisa ku dhaqanka Shareecadda Islaamka, misana wadanka ka saartay Ciidamada Itoobiya kuwoodii ku sugnaa jiray gudaha Soomaliya, inay dhammaanayso shidada Soomaaliya ee soo jiitameysey ku dhowaad 20 sano, shidadaas oo lagu waayay dad badan oo qiimo weyn ugu fadhiyay qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale shidaddaan waxaa lagu waayay ka faa'iidaysashadii kheyradka alle ku maneystay wadanka Soomaaliya iyo karaamihii qof kasta ee Soomaali ah uu lahaan jirtay professor PH.D. ilaa qofka aan wax qorin (illiterate)

Waxaa nasiib-wanaag ah, inay Soomaliya ayka dhalato Dowlad go'aansatay ku dhaqanka shareecada Islaamka ee uu hogaaminaayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Ahmed Xafudulaahi, Dawladda Sheekh Shariif, waxay ku marti-qaaday miiska wada hadalada cid-kasta ee wax tabaneysa, waxayna  Dowladdu wadanka ka saartay Ciidamaddii Itoobiya oo Soomalidu inteeda badan ay dhibsan jirtay ujeedka Ciidamo Itoobiya ah.

Waxaa nasiib-darro ah, inay arrintu noqotay Kooxkii meel u caddahay, meel ayaa ka madow oo guud ahaan Soomaliya waxaa ka socda dagaalo, gaar ahaan caasimada Soomaliya ee Muqdishu waxaana ka soconaaya  dagaaladdii ugu xumey iyo barakicii ugu badney ee abediyan soo mara Xamar, intaas waxaa ka sii daran inay dagaaladaan ay wadaan  dagaalyahanniin Ajnabiyiin  ah una badan Aasiyada waqooyiga ( South Asian fighters), dhalinyaro Soomaliyeed ee laga soo uruuriyay gobaladda Soomaliya iyo qaar laga soo uruuriyay Soonka shanaad Zone 5 ee  ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Su'aalaha dad badan isweydiinaayaan, waxay yihiin waa maxay sababta uu Soomaaliya  dagaalka wuxuush-nimada ah uga sii socdaa, mar haddii ay Dowladdaan midnimada  qaran ey qaadatay ku dhaqanka Shareecada Islaamka,  misana ay dowladdu ciddii wax tabaneysa ay ku soo dhoweynaysaa miiska wada hadalada iyo iyadoo ay Dowladda midnimada qaran ay gayiga Soomaaliya ay ka saartay Ciidamadii Itoobiya iyadoo la kaashatay beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaliya.
 
Su'aasha kale ee aadka leesu weydiinaayo waxay tahay waa maxay hadafka ay u dagaalamaayaan kooxahaan isku bahaystay la dagaalanka dowladdaan  qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka, yaysa kala yihiin kooxaha dagaalamaaya?,
 
* Wakiilo ururo caalami ah oo  aan doonaynin deganaashaha Soomaliya oo ku dadaalaaya inay  Soomaliya ay ka  sii  jirto fowdo ( chaotic) si ay Soomaliya ay gabbaad ( haven) ugu noqoto hoggaamiyayaash ururrada ka takooran dunida inteeda kale.
 
* Dad yar oo   aamin-san  in haddii ay Soomaliya ayka dhalato dowlad qaran inay qasaaro ugu jiri-doonto.
 
* dhowr oday oo qaba fikirkii uu qabi jiray Gen. Ceydiid 1991dii oo ahay cad kaanow amba ku cunay amba ku ciideeyay.

* Dhalinyaro yar yar oo laga dhaadhiciyay, wax aan jirin ( Brain Wash) oo badankood  ay wataan dhalasho wadamada heer Galbeedka sida:- Waqooyiga Ameerika ( North America, UK, Sweden, Holland iyo Australia iyo meela kale, Dhalinyaradaan oo  saaqidiin ( loosers),  ku noqday wadamadii ay tageen.
 
*Shaqsiyaad  masraxa siyaasada Soomaaliya ka dhex muuqan jiray  19kii sano ee la soo dhaafay, haystana meleeshiyaad ku heyb ah iyo xoogaa hub ah oo aan hadda xil ka hayn Dowladdaan midnimada qaran, oo fursad u arka in la rido Dowlada Sh. Shariif.
 
* Is-maamul gobelleedyo ku guuleystay inay deegaanadooda ay nabadeeyaan, sameystayna ismaamul goballeed Madaxweyne ilaa Duq magaalo, ayaa guluf ugu jira siday adduun weynaha uga dhaadhici lahaayeen in la go'doonsho dadka ku nool muqdisho iyo goballada ku dhow dhow iyadoo lagu eedeynaayo deganaasho la'aanta Soomaliya ka jirtay 19 sano ee la soo dhaafay iwm.

 

Su'aasha ugu danbeysa waxay tahay, haddii la diidan yahay Dowladdaan   qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka,Dowlad masiixi ah miyaan dhisanaa?,  haddii ay jawaabto tahay maya Masiixiyiin  noqomeyno, waa in aan difaacnaa Diinteyna,  dadkeyna, dalkeyna, karaamaha uu leeyahay qofkasta ee Soomaali ah iyo dowladdaan qaadatay ku dhaqanka shareecada Islaamka?.

 

Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Nairobi, Kenya.

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga,
Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip