MAXAA KALA HAYSTA BEESHA CAYR IYO XASAN DAAHIR!!!..MAQAAL AQRISTE..

0
Monday June 01, 2009 - 11:11:07 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAA KALA HAYSTA BEESHA CAYR IYO XASAN DAAHIR!!!..MAQAAL AQRISTE..

    Beeshan oo ah beesha uu kasoo jeedo Xasan Daahir waxaa dagaalka loo geliyey hab ku dhisan shirqool ay iska kaashadeen dad aad u naxariis daran oo aan wax dan ah ka lahayn beesha iyo guud ahaan masiirka iyo badbaadada ummadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Beeshan oo ah beesha uu kasoo jeedo Xasan Daahir waxaa dagaalka loo geliyey hab ku dhisan shirqool ay iska kaashadeen dad aad u naxariis daran oo aan wax dan ah ka lahayn beesha iyo guud ahaan masiirka iyo badbaadada ummadda.

Waxay arrimuhu u dheceen sida soo socota:-
 
Beesha Cayr waxay ka mid ahayd fursadihii ugu muhiimsanaa ee midawga maxaakimta wahaabiyada, waxay si qabiil ah dagaalka u geliyeen inta badan mallaysiyadii hubaysnayd ee beesha.
 
Waxay dhagar qabayaashu beesha u sheegeen in ay jihad ku jiraan, wixii ka dhintaana ay jannada gelayaan. In ay la dirirayaan hoggaamiyaal gaaloobay. Col Xasan Daahir wuxuu idaacadda BBC iyo idaacadaha gudaha ka sheegay: wiilashu waxay geli jireen dagaal qabiil haddana waxaan gelinay dagaal ay jannada ku gelayaan.
 
Beesha waxay leedahay Culamma waawayn oo caan ka ah Soomaalida dhexdeeda iyo caalamkaba, waxayna in badan sheegeen “in diinta looga baxayo in jihaad lagu sheego daadinta dhiigga muslimiinta”
 
Laakiin waxaa is weydiin mudan sababta beeshu u khilaaftay culammadeeda, maadaama erayga Jihaad uu yahay shicaar diini ah, culammaduna tahay cidda keliya ee aqoonta iyo xaqa u leh caddayntiisa?
 
Jawaabtu way caddahay, beeshu waxay gacanta u gashay shirqool siyaasadeed, Ee uu hugaamiyo Xasan Daahir mid dhaqaale, iyo bulsho oo si aan naxariis lahayn loogu huwiyey magaca diinta iyo qabiilka; waxaana ugu weynaa sababihii shirqoolkaas diyaariyey:

• U diyaaar garawga shirkii carta,
• Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo
• Mirihii ka dhashay difaacaas.
Diyaar garawgan wuxuu lahaa horudhac iyo olole abaabul badan huwanaa, waxaana inta badan diyaarinayey shaqsiyaadkii looga itaalka roonaa qabqablanimada.
Dadkii diyaarinayey isbeddelkan waxay u arkayeen in beesha cayr muhiim tahay arrimo jirey awgood, beesha ruuxeedu way danayneysey arrintaas.
C/Qaasim wuxuu dhexda u xirtey siduu uga faaiidaysan lahaa guuxaas cusub, laakiin sida la ogyahay beeshu ma raacsanayn Xasan Daahir , mana doonayn inay hoggaankooda u dhiibato C/qaasim, sidaas darteed, waxay madaxooda siyaasadda u doorteen Dr Maxamuud Maxamed Culusow.
 
Weliba Culusoow waxaa laga doonay meel dheer oo wuxuu degganaa dalka Mareykanka, meesha C/Qaasim uu joogay magaalada Muqdisho.
 
Laakiin C/qaasim waxaa taageera siinayey gacma ka baxsan beesha, taas waxay keentay in c/qaasim ruuxeesu beesha ugu hanjabo inuu burburinayo rabitaanka beesha, haddii aanay isaga dooran. Sidaas ayuuna ku marooqsaday xilkii beesha, kadibna wuxuu soo qaatay jagadii ugu sarreeysey ee laga soo qaatay shirkii Carta.
 
C/qaasim wuxuu ka badbaaday dacaayaddii awoodda badnayd ee Wahaabiyada. Uma canbaarayn sidii ay u canbaareyn jireen hoggaamiyaalkii isaga la midka ahaa, bal waxay u suurta geliyeen inuu isu arko amiirul-muuminin ummadda imaam u ah. Taas waxay gaartay in C/qaasim uu ku sheego hoggaamiya kooxeedyadii ka soo hor jeeday gaalo ka hor timi qaranka, diinka, dadka iyo dalka.
 
Sidaas awgeed, waxaa beesha aad looga dhaadhiciyey inay difaacaan madaxweynohooda, waxaana beesha lagu abuuri jirey colaado qabiil iyo shakhsiyaad loo tusayey inay khatar ku yihiin madaxweynohooda iyo jiritaankoodaba.
 
Shirqoolladan, waxay fulintii Cayr kusoo koobeen:
• C/qaasim oo lagama hadlaan ah.
• Ganacsato iyo odayaal yar oo ku shaqeeya aragtida C/qaasim ee Dowladnimo doonkaa.
• Nabaddoonno iyo hoggaamiya dhaqameedyo uu ugu cadcad yahay C/Daahir ugaas Nuur oo ku shaqeeya aragtidooda.
 
Intaas waxaa dheeraa idaacadaha ugu waawayn magaalada iyo BBc-da laanta afka Soomaaliga, oo dadka u soo gudbinayey barnaamijyo lagu marin habaabinayo beesha iyo shacabkaba.
 
Arrimihii kale ee looga faaiidaystey beesha waxaa ka mid ahaa: soo bixitaankii madaxweynanimada C/llaahi yuusuf, waxaana loo sheegay inuu soo baxay bahalkii cuni lahaa. Waxaa lagu qanciyey inuu Itoobiya ugu yeeranayo siduu uga aarsan lahaa una baabi’in lahaa beelaha hawiye gaar ahaan Cayr.
 
Arrintaas waxay uga faaiidaysteen al-itixaadku muqaddisnimadii C/qaasim!! ee ay horay u diyaarsadeen; waxay ku celcelanayeen in C/laahi yuusuf ahaa ninkii wiiqay dawladdii Cayr!!! Ayna gunnima tahay inaan laga aarsan.
 
Waxay aad uga sii faaiidaysteen iska hor imaanshihii C/llaahi yuuusuf iyo wasiirradiisii awoodda ku lahaa magaalada muqdisho.
 
Waxay ka faaiidaysteen hadalladii kul-kulaa ee ka soo yeerayey c/llaahi yuusuf, idaacadaha wahaabiyaduna qaadaa dhigayeen si ay u kiciyaan bulshada, xamaasadduna faraha uga baxdo.
 
Ka faaiidaysiga fursadahaas waxaa saacidayey samaynta ururkii ay u bixiyeen Badbaada qaranka, samata bixinta ee lagu dhisay magaalada balcad ee gobolka Sh/Dhexe.
 
Ururkan wuxuu ahaa mid ay dan wadaag ku ahaayeen dhaqdhaqaaqa Uu hugaamiyo Xasan Daahir iyo hoggaamiyaashii Muqdisha ee wasiirrada noqday.
 
Hishiiskan la eeday waxaa ka dhashay in ay u gudbaan sidii ay isula dhisi lahaayeen gola deegaan iyo maamulka gobolka Banaadir.
 
Hishiiskan wuxuu ku dhmmaaday fashal, kadib markii qaybi dooratay guddoomiye degaan, oo ah nin u dhashay beesha Cayr, qayb kalena ka biya diidey.
 
Kuwii diiday guddoomiyaha waxaa ugu cad-caddaa M/ed Qanyare iyo Muuse Suude, siiba Qanyare.
 
Khilaafkan wuxuu ka mid ahaa fursadihii Xasan Daahir iyo Asxaabtiisu uga faaiidaysteen beesha Cayr, waxay dadka ku beer laxawsanayeen: “waxaa la diidanyahay xilka Cayrku helay”
 
Markii uu dhacay dagaalkii lagu shirqoolay Cayrka waxaa la maqlayey warqaadayaalkii Xasan iyo Asxaabtiisa oo dhahaya: dagaalka Qanyare waxaa loogu aarayaa guddoomiyihii Cayrka ee uu ishortaagay iyo erayo la mid ah.
 
Arrimahaan aan kor ku soo sheegnay oo dhan waxay keeneen in halkii nin ee beeshu gacanta ugu jirtey ee ahaa C/qaasim uu ku guulaysto in si miyir la’aan ah uu beesha u geliyo dagaal aan wax dan ihi ugu jirin.
 
Dagaal khasaaro u ah adduun iyo aakhiro, dagaal si ridda ah loogu been abuurtay diinta islaamka, dagaal ay madaxiisa iyo mijihiisa hayaan Xasan Daahir iyo Asxaabtiisa iyo kuwii soo adeegsaday.
 
Waxaa yaab leh habka dagaalkan loo geliyey beesha. Dulucdu waxay tahay waxaa dhici jirey dagaallo baadil ah oo ku dhisan isku dhaca qabaa’ilka. Dagaalladaas waxay Soomaalidu u galaan arrimo ay isku haystaan, sida madaxnimo, dhul, hanti,ismaan dhaaf IWM.
 
Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan iyo nidaam looga xaalo ama loo xalliyo dagaalladaas, wayna ka hishiiyaan hadii aanay lug ku lahayn fara gelin shisheeeye.
 
Laakiin dagaalkan uu Hormoodka ka ahaay Xasan waxba kuma laha meelna kama soo gasho beeshan lagu dhakray dagaalka, waayo beesha Cayr:
 
• Lama yiraahdo Midowga Maxaakimta,
• Lama yiraahdo argagaxiso,
• Lama yiraahdo Al-itixaad,
• Cidna mas’uul ugama dhigan inay dhahaan dad gaaloobay ayaan la diririraynaa,
• Xaq uma lahayn beeshu inay ku duusho qabiilooyin iyo degaanno iyadoo difaacaysa magacyada aan soo sheegnay,
• Dan uma ahayn beesha in loo abuuro colaad gaara.
• Xaq looguma lahayn inay u dakanoobaan wahaabiyo.
 
Intaas waxaa ka daran, waxaa lagu dagaal geliyey magac diin, culammaa’u-diinka beeshuna waxay caddeeyeen in aanay diin ahayn. Waxaa loo sheegay in dagaalkoodu jihaad yahay, culammada beeshuna waxay sheegeen in uu diinka ka baxayo qofkii jihaad ku sheega dagaalkan dhiigga muslimiintu ugu daadanayo sida xaq darrada ah.
 
Haddaba haddii culammada beeshu sidaas aaminsan tahay dadkii sida indha la’aanta ah loo gelshey dagaalka lagu taageerayo Xasan iyo Asxaabtiisa maxay qiil ka dhigan doonaan? Ma la xisaabtami doonaan kuwii shirqoolkan ku riday markii xaqiiqadu u caddaato.
 
Shaki ugama jiro inta garashada leh in masuuliyadda dagaalkan uu qaadayo C/qaasim Salaad Xasan, Xasan iyo Asxaabtiisa iyo kuwii ku taageeray; waayo:
 
1. Xasan iyo Asxaabtiisu Cayr haybad iyo awood toona kuma lahayn beesha dhexdeeda.
2. Tan labaad Xasan Daahir iyo Asxaabtiisa kale wax awooda uma lahayn inay dagaal geliyaan beesha Cayr.
3. C/qaasim ruuxiisu wuu joogi jirey isagoo wahaabi ah, wax awood ahna uma lahayn inuu fuliyo shirqoolladan Xasan hormuudka kayahay ee naxariis darrada ah. Laakiin waxaa fursaddan siiyey xilkii uu ka soo qaatay shirkii Carta.
 
Caalimiin iyo waxgarad badan ayaa qaba in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo shacabkiisa reer jabbuuti kula xisaabtamaan dadka didaalkoodii u beddeley shirqoolka.
 
Si gaara waxay madaxweyne Geelle uga rajaynayaan inuu Soomaalida ka dhayo nabarrada ka soo gaaray diyaarintii C/qaasim Salad Xasan, kaasoo ah shakhsi dhibaatadii hore kusoo kordhiyey argagax iyo jaha wareer aan horey loo arag, sida:
 
• Colaadihii oo dib loo soo cusboonaysiiyey iyagoo huwan magac cusub.
• Dagaalladii iyo kala aarsigii qabiilka oo loo bixiyey magac diin.
• Daadintii dhiigga ummadda oo lagu sheegay Islaami, jihad, tawxiid iyo nimco Ilaahay looga xamdiyo.
 
Anagu waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii uu Muqdisho kula kulmay mudane Cisman Axmed Yusuf oo ahaa ergaygii dawladda jabbuuti wakiilka uga ahaa qabanqaabada shirka Soomaalida.
 
Ma illoobayo sidii wanaagsanayd ee uu noo dhegeystay hadalkeena, wuxuuna aad u garawsaday khatarihii aan uga sheegnay shirka iyo sida looga badbaadi karo.
 
Wuxuu noo soo jeediyey inaan qoraal ugu dhiibo madaxweynaha iyo wasiirkiisa dibadda, maadaama aan waqtigaas aan aheen Aqoon yahaniinta Beesha.
 
Waxaan u sheegnay in dhibaatadii laga sheeganayey hoggaamiyaalka kooxaha ay ka daran tahay in dalka gacanta loo geliyo kooxaha Xasan iyo qolada uu hugaamiyo ee barnaamijkoodu sida gaarka ah uga muuqanayo shirka Carta.
 
Waxaa nasiib darro ah in digniintaas aan wax laga qaban inkastoo mudane Cismaan uu aad u qaatey una fahmay.
 
Waxaa kaloo nasiib darro ah in shirkii Carte aanu ahayn markii 1aad ee wax lagu soo dhisay Jabuuti ay colaado hor leh ka dhex dhaliyaan Soomaaliya.
 
Guud ahaan qaabkii diyaaar garawga shirkii carta, Difaaca natiijada ka soo baxday, iyo Mirihii ka dhashay difaacaas. wuxuuna gogol dhig u noqdey fursad ka mid ah fursadaha Xasan Daahir ka faaķidaysatey ee abuurey xaalka Soomaaliya maanta ka jira ee ah in dhiig badan uu daato labara kiciyo dad badan oo muslimiin ah.
 
Waxaa diyaariyay qoraalkaan Aqoonyahaniinta Beesha cayr.
 
 
Xaafiiska Aqoonyahiniinta Beesha:
junaydi99@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip