Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud qeybtii 21-aad‏‏

0
Friday June 05, 2009 - 16:52:44 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 8978
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud qeybtii 21-aad‏‏

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

 

1-Su’aal Sheeg Sida aan ognahay todobada asxaabi ee ugu axaadiista badan ka wariyeen Nebiga (NNKH)
Waxay kala ahaayeen 1-Abuu hureyra rc. 2-Caa’isha Binti Abiibakar rc. 3-C/laahi Bin Cabaas rc. 4-C/laahi Bin cumar rc. 5-Jaabir Bin c/laahi. 6-Aanis Bin Maalik. 7-Sacad Bin Maalik. Hadaba Abuu hureyra Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
1-Jawab: wuxu ka wariyey 5374 Axaadiis.
2-Su’aal Sheeg imisa Axaadiis ayey Caa’isha Binti Abii Bakar Rc Imisa ka warisay Nebiga (NNKH)?
2-Jawab: Waxay ka warisay 2210 Axaadiis.
3-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cabaas Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
3-Jawab: Wuxu ka wariyey 1660 Axaadiis.
4-Su’aal Sheeg C/laahi Bin Cumar Rc Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
4-Jawab: Wuxu ka wariyey 1630 Axaadiis.
5-Su’aal Sheeg Jaabir Bin C/laahi Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)
5-Jawab: Wuxu ka wariyey 1540 Axaadiis.
6-Su’aal Sheeg Aanis Bin Maalik Imisa Rc Imisa  Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)
6-Jawa: Wuxu ka wariyey 1286 Axaadiis.
7-Su’aal Sheeg Sacad Bin Maalik Imisa Axaadiis ayuu ka wariyey Nebiga (NNKH)?
7-Jawab: Wuxu ka wariyey 1170 Axaadiis.
8-Su’aal Sheeg halgankii uu Axmed Gurey kaga soo hor-jeeday Xabashida Sanadkii uu bilowday?
8-Jawab: Wuxu bilowday Sanadkii 1528-dii
9-Su’aal Sheeg halgankii Axmed Gurey uu kaga soo hor-jeeday Xabashida Sanadkii uu dhamaaday?
9-Jawab: Wuxu dhamaaday 1542-dii
10-Su’aal Sheeg kumuu ahaa Geesigii Somaliyaded ee Xabashida baray Cunista Hilibka Ceyriinka ah?
11-Jawab: Wuxu ahaa Axmed gurey.
12-Su’aal Sheeg Axmed Gurey imisa sano ayuu Xabasha la-dagaalamaayey?
12-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey 14 sano.
13-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sayid Maxamed Cabdule Xasan?
13-Jawab: Wuxu dhashay Sanadkii 1856-dii
14-Su’aal Sheeg halka uu ku dhashay Sayid Maxamed Cabdale Xasan?
14-Jawab: Wuxu ku dhashay Qoof Fardood ee degmada Buuhoodle ee Gobalka Sool.
Dhex-taal Gaaban.                              
Haddii aan dib idin xusuusino  6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
1-Su’aal  Sheeg yaa lagu soo dejiyey kutubka saxuuf?
2- Su'aal Sheeg kumuu ahaa Ninkii uu Rasuulka (NNKH) uu ku dagay markuu Madiina tagay?
3- Su’aal  Sheeg Nebigii dabka lagu tuuray?
4- Su’aal Sheeg labada degmo uu ka bilowdo xarafka (J) uu maro wabiga Jubba?
5- Su’aal Sheeg labada degmo ama magaalo uu ka bilowdo xarafka (J) oo uu maro webiga Shabeele?
6- Su’aal Sheeg xayawaanka aabihiis ka xun hooyadiisana ka wanaagsan
Jawaabaha waxay kala yihiin”
1-Jawab: Waxa lagu soo dajiyey Nebi Ibraahim Cs.
2-Jawab: Wuxu ku dagag Abuu Ayuub Al ansaari.
3-Jawab: Nebigii dabka lagu tuuray Waa Nebi Ibraahim.
4-Jawab: Waa Jilib iyo Jamaame.
5-Jawab: Waa Jowhar iyo Jalalaqsi.
6-Jawab: Waa Baqasha.

Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahantay barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadato. Si’aad u hesho casharadii ku dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaa adde050@hotmail.com, Si’aad u hesho dhamaan casharadii horey kuu  dhaafay. Anagana waxaa ku balan qaadeenaa inaad hesho dhamaan casharadii horey ku dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay la socdeen casharadii hore.
1-Su'aal Sheeg Aayada Kulmisa dhamaan xuruuruf hijaa'iga?
2-Su'aal Sheeg Yaa lagu soo dejiyey Kutubta Injiil?
3-Su'aal Sheeg imisa kiilo meter ayuu kodka Xiraa u jiraa Magaalada Makka (Makkah)
4-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Badan?
5-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Yar?
6-Su'aal Sheeg Kumuu ahaa Aabihii Ciidan Soomaaliyadeed?
Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
 
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip