HOOYO SOOMAALI AH OO DACWO QABTA‏ ( Qormo Aqriste)

0
Saturday June 06, 2009 - 19:57:24 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1001
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HOOYO SOOMAALI AH OO DACWO QABTA‏ ( Qormo Aqriste)

    Waxaan ahay hooyo soomaaliyeed, inkastoo ku noolahay qurbaha haddana qalbigayga wuxuu jiraa dalkeygii hooyo wuxuu jiraa muqdiso meeshan ku dhashay kuna soo barbaaray; inkastoo dhibaato ka aloosan tahay gobollo badan misana muqdisho oo ahayd muraayadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ahay hooyo soomaaliyeed, inkastoo ku noolahay qurbaha haddana qalbigayga wuxuu jiraa dalkeygii hooyo wuxuu jiraa muqdiso meeshan ku dhashay kuna soo barbaaray; inkastoo dhibaato ka aloosan tahay gobollo badan misana muqdisho oo ahayd muraayadda Dalka iyo caasimaddaynii quruxda badnayd waxaa ka baxaya olol aan dameyn waxaa maalin kasto la laynayaa dad aan wax galabsan, waxaa ka jira barakac xooggan iyo salkakac aan walgiis soo marin bulsho taariikh ahaan caan ku ah nabad,dad jacayl iyo soo dhowayn. Waxa ummadda halaajinaayo waxaa horseed u ah dad la yaqaanno oo la dhihi karo hebel iyo hebel dad aan filaynay in ay yihiin islaam kuwa ilaahay ka cabsa dad laakin ku sifoobay mujrimiin wax kasto bannaystay oo si ay ku gaaran hadafkooda gurracan wax walba ka tallabsaday oo iska illoobay in dunuda laga guurayo loona socdo meel aan laga soo noqonayn oo la hor tagi doono


 Ilaahi na abuuray hortiisa xisaab adagna jiri doon
to. Waxaan la soconnaa in dagaal jiro oo meel walbo olo
layso, dagaal wiil kuma dhasho ee waa ku dhintaa. Wali
geey ma iclaamin dagaal wixii nabad lagu waayayana da
gaal laguma helo saldanadna laguma gaaro; dagaal wa
xaa la xiriira khasaaroyin si looga gudbo ay adag tahay oo ugu daran yahay khasaaraha soo gaara niyadda oo  Ummad walaalo ah qalbigooda kala guuro,waxaa ka dhashay wiil la'aan , dad la'aan, diin la'aan burbur iyo barakac abaaro iyo caro Ilaah. Wax badan ayaan qaylo
dhaamiyay oon iri walaayaaloow isu tura, walaayaloow
is cafiya, is qabsada gacmaha wada tashta ee Dalka iyo
Dawladnimada waa idin deeqdaa ee wada hadlaoo la imaada waddaniyad iyo daryeel aad daryeeshaan walaalihiina soomaaliyeed Shacabkeena soomaaliyeed ee xakaaray, dadkaasi nala dhashay oo muddo ah 19 sano aan helin daryeel Dawladeed aan heli horumarka iyo xuquuqda ay muwaadininta dalalka dunida haystaan. Haddaba yaa u diiday xuquuqda aadanimo muwaaddinka Soomaaliyeed? Waxaa u diiday kuwa u eg Soomaali oo qalbi shayadiin ka ah oo mar walba shaar nooc kale soo
gashanaaya. Dhib hadii laga gudbo oo lays yiraahdo Alxamdulillaahi haddana ay qarxayso. Kaba darane wa
xaa dhacday kuwii loo calool waynaa oo lays lahaa waa
wadaaddo oo diinta yaqaan iyo xaq dhawrka aadamiga ayaaba soo guntaday oo burka u soo koray colaad iyo dagaal ba 'an aan hore loo arkin. Meeshii cir laga filaayay ayaa ceeryaamo ka timid, waxaan is lahayn nasri ayaa yimid wax walbo waa laga daawoobi doonaa, waa laysu soo haajiri doonaa. Wadaaddadii waxay noqdeen khawaajiyiin aan diin wax ka ogeen waxay noqdeen kuwo islaanimada ka fog, waxay nqdeen kuwo inkaaran oo diin iyo iimaan aan toona lahayn.
Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed waxaan dacwo ku oogayaa Xasan daahir Aweys, Godane iyo Xasan Turki. waxay iga qabaan oo ay iga halakeeyeen dad fara badan, waxay iga dileen dhallinyaro badan oo ahaa mustaqbalka
dalkeenna soomaaliya waxay iga agoonteeyeen ilmo badan waxay assay u saareen hawen badan waxay la dagaallameen jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed waxay iclaamiyeen dagaal aan dhammaan waxay kala dileen
dad ehel isu ahaa oo is jeclaa. Xasan Daahir Aweys iyo kooxdiisa waxaan u hayaa kiisas badan haddii Ilaah idma
na maalin wax waa laga waydiin doonaa.
Saan hore u soo sheegay dagaal waa kan na kala gaabi
yay waase lama furaan, intii maalin walbo lagu tuman lahaa Shacabka, Dawladda waa in ay naga xoreyso khawaarijta, waa in lagu qaadaa dagaal aan loo kala harin waa in laga tirtiraa dalka diinlawayaasha iimaanka iyo islaanimmada ka baxay. Shacabka Soomaaliyeed ee Banaadir, Bay iyo Bakoo, Jubbooyinka, labada Shabeelle iyo Gobollada Dhexe waa in ay taageeraan Dawladda oo rag iyo dumar sare u kacaan oo iska tuuraan heeryada
khawaarijta ha ahaadaan Shabaab, xisbul Shaydaan, ka
mboony iyo wixii raaca; waa HANNOOLAATO si kale
ma leh waa in laga baxaa xaaladda lagu sugan yahay ee
khatarta ku ah diinteenna iyo jiritaankeenna. Waa in si
kama dambays ah loo kala baxaa. Dawlad xil adag ayaa saaran dooni mayno is jiijid iyo calwin waa in ay ku fara
adeegtaa xoraynta Dalka iyo Dadka.
Waxaan doonaynaa in dhidibbada loo aaso Maxkamad
qaas ah ( Triunale speciale ) hadda oo loo diyaargaroo
baa in la hor keeno kuwa dambiga ka galay Ummadda Soomaaliyeed ee na baday dagaal naf iyo mood lagu waayay, waa farriin iyo dacwad aan qabno haddaan na
hay hooyooyinka soomaaliyeed.
Waxaa kaloo fursad qaali ii ah in aan taageero Culumada saalixiinta ah ee Ahlu Sunna Wal Jameeca oo taageeray
Dawladda una diyaargarobay in ay u jilib dhigaan kuwa
dalka iyo diintaa duullaan ku ah. Waa in aan ka badbaadnaa qabuuro faagatada, kuwa ilmaha kufsada oo dhaxa ku dila iyo kuwa gacmaha qooya walaalkood afar kumi daraadood. Waxaa tihiin kuwii diinta sare u hayay
dugsiyay fidiyay, quraamka kariimka dadka baray kuwa
lagu yiqiin samirka, wacdiga, subacaa iyo shaafiinta waa
idin ducaynaynaa Allah ha idin barakeeyo gacanta sarreysana Allaha idinka dhigoee  waa in aan ku xorownaa Allaahu Akbar iyo gumaca waana guulaysan
doontaan Insha Allah.
 
ALLAHU AKBAR
 
Waxa qortay
 
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
 
            ( Qoorwayne )

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip