Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ururka Somali Journalists Association Of South Africa (SOJASA) ee ku yaala Magaalada Cape town ayaa si kulul loogu cambaareeyey afduubka Agaasime Jeekey, iyadoo afduubkaasina uu qeyb ka yahay tacadiyada lagula kaco Saxafiyiinta Soomaaliyeed.
SOJASA, ayaa ugu baaqay kooxaha afduubka ku haysta Agaasimaha Tv-ga Universal ee koonfurta Somalia Ibraahim Maxamed Jeekey inay si deg deg ah xoriyadiisa dib ugu soo celiyaan.
Wariye Jeekey oo gaari uu saarnaa lagala dagay 2-dii bishan June ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn ujeedada ka dambaysa afduubkiis, iyadoo sida muuqata ay gacanta ku hayaan xoogaga dagaalada kula jira Dowladda KMG Somalia.
Saxafiyiinta Somalia, ayaa waayadii ugu dambeeyey wheel u noqday tacadiyo kala duwan oo xambaarsan falal isugu jira Dil, dhaawac, jirdil, Afduub iyo cagajugleyn daran, taasi oo ay naftooda qaaliga ah ku waayeen saxafiyiin badan, halka qaar kalana ay dalka kasoo carareen si ay naftooda ula badbaadaan.
Warsaxaafadeedkaasi waxaa ku saxiixnaa Gudoomiyaha Ururka Somali Journalists Association Of South Africa (SOJASA) Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo).
Senior Somali Journalist
C/risaaq C/laahi Maxamed
http://www.warsheekh.com/
Saxafiyiinta Soomaaliyeed Ee Koonfur Africa Oo Codkooda Ku Biiriyey Cambaareynta Afduubka Agaasimaha Tv-ga Universal.
CAPE TOWN – Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Africa (SOJASA), ayaa si daran u cambaareeyey afduubka lagu haysto Agaasimaha Telefishinka Universal ee Koonfurta Somalia Ibraahim Maxamed Jeekey.