DOWLADAHA IYO SHAQSIYAADKA KA LEH DANAHA SOOMALIYA:(Maqaal Aqriste

0
Sunday June 07, 2009 - 21:47:45 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DOWLADAHA IYO SHAQSIYAADKA KA LEH DANAHA SOOMALIYA:(Maqaal Aqriste

    Sida aad lasocotiin kadib markay burburtay Dowladii soomaliya wixii ka dnbeeyay 1992-dii waxaa soo ifbaxayay dowladu ku heshiiyay in ay Soomaliya ka faa,iideestaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aad lasocotiin kadib markay burburtay Dowladii soomaliya wixii ka dnbeeyay 1992-dii waxaa soo ifbaxayay dowladu ku heshiiyay in ay Soomaliya ka faa,iideestaan.  
Khawaarijta iyo ganacsatadooda dhiig miiratadu waxay ka faa’iidaysateen dawladaha iyo hay’adihii iyo shaqsiyaadkii danaha ka lahaa Soomaaliya. Fursaddaas ay ka faaķidaysteen waxaan ka xusi karnaa laba qaybood:
 
 Waa tan koowaade, dawladaas ama hay’adahaas waxay taageerayeen inaan waddanka dawlad ka dhalan, waxay fashalinayeen isku day kasta oo hishiis ama nidaam ka iman karo; taas oo fursad baaxad weyn u noqonaysey wahaabiyada Khawaarijta, xag dhaqaale, siyaasad, ciidan, bulsho iyo xag kastaba.
 
 Waa tan labaade, waxaa dawladaha, hay’adaha, iyo shakhsiyaadka taageera wahaabiyada(khawaarijta) u suurtoobaayey in iyagoo ka faaiidaysanaya dawlad la’aanta ay wahaabiyadooda u taageeraan si ka baxsan nidaamka iyo sharciga, waxayna ku gacan siiyeen inay si khaldan uga faaiidaystaan kaalimihii iyo hay’adihii dawladda IWM.
dowladahaas waxaa kamid ah:
 
1. Dowladda Eriteeriya
2. Dowlada Ethiopia
3. Dowlada Maraykanka
4. dowlada Talyaaniga & Israai,il
 Dowlada Eriteeriye waxay taagyeertaa Mucaaradka uu Hugaamiyo xasan Daahir Aweeys.
Xasan Daahir markuu uu kawaramayay taagyeerada Eriteeriya talafeshinka Al-jazeera laanta afka carabigaa ayuu cadeeyay in ay taagyeerto halkaas oo ugu duceeyay Eriteeriya(ilaahay qayr badan ha siiyo dowladaan waxay naga taagyeertay ladagaalanka dowlada gaalada ushaqaysa iyo shacabka uhiiliya) taariikhdu markay ahayd 29/05/2009
 Dowlada Ethopia waxay taagyeertaa Dolad walboo Somalia kadhalata ayadoon u dhamaytirin taagyeerada.
 Maraykanku waxa uu taagyeeraa wahaabiyada Nuucyadeeda kala duwan Sida Al-shabaab, raas kanbooni iyo jabha islaamiya.
Shaqsiyaadka danaha gaarkaa kalesoomliya:
o usama Bin Laadi oo taagyeera kooxda khawaarijta Axmed Godane (Abuu zubayr) usaama waxa uu ku tilmaamay dowlada shariif Gaalo in ay sameesteen loona sameeyay in Iaamka lagu baabiyo.
Dagaalka magaalada madaxda soomaliya ee muqdisho kasocda Usaame waxa uu u soo diray Asxaabtiisa soomaliya canjal maqal ah kadibna waxaa bilawday dagaalka hada socda:
 
o madaxwaynaha Eriteeriya waxa uu taagyeeraa Xisbul Islaam oo hugaamiyo Xasan daahir waxa uuna ku tilmaayay in wixii ayaga kazoo hara ay yihiin Gaalo!!
 Dowlada Israa,il iyo Talyaaniga waxa ay taagyeeraan Khawaarijta al-shabaab Cilaaqada ka dhaxeesa oo ah iib geynta Lafaha Culimada ay kasoo bixiyeen Qabuuraha si ay lacag milyaan ugu noqdaan
 
 Dawladaha deriska waxaa ku yaal saldhigya aad u dhibaato badan, oo laga taageero qaarado kale. Saldhigyadaasi, waxay ka mid yihiin xarumaha wahaabiyadu(Khawaarijta) uga soo duusho Soomaaliya, waxayna ku taamaan inay Soomaaliya ka dhigtaan saldhigga ugu muhiimsan caalamka.
 Waxay Fursad ka dhigtaan colaadda muddada dheer u dhexeysey Soomaalida iyo Itoobiya, oo ay uga faaiidaystaan wejiya kala duwan oo aan dan u ahayn labada dhinac midna.
 Waxay ka faaiidaystaan dalka keenya oo dhaqan ahaan maamulkiisa lagu sheego mid leh fursada badan oo ay ka faaiidaysan karaan, sidaas darteed, Kenya waa saldhigga ugu muhiimsan ee wahaabiyadu(Khawaarijta) sanada badan ku lahaayeen Geeska Afrika.
 Dalka jabbuuti waxay sanadahan danbe wahaabiyadu(Khawaarijtu) u arkayeen meel ay isku halayn karaan, waxayna uga faaiiadysteen:
 
1) Qaybta sahanka wahaabiyada(Khawaarijta) ee Uruka tabliiqa oo dalka Jabuuti si wayn uga hir gashay.
2) Dalka oo aad uga hooseeya dhinaca aqoonta iyo barashada diinta islaamka, kuna yar yihiin culammada aqoonta u leh raddiga bidcada, iyo
3) Arrima kale oo xasaasiya, hubinna u baahan.
 
Sidaas awgeed dhammaan fursadihii aan soo sheegnay ma heleen midawga wahaabiyadu(khawaarijta) haddii aanay ka faaiidaysan qaladkan ay galeen dawladaha iyo hay’adaha danaha kaleh iyo shaqsiyaadka Soomaaliya.
 
 
 
 
 
 
BY:ABDIRASHIID ALI ADOOW
JUNAYDI99@HOTMAIL.COM
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip