Ninkii waxa xamar ka socanaya Jihaad Moodayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada (Ra’yi)

0
Friday August 08, 2008 - 10:13:25 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii waxa xamar ka socanaya Jihaad Moodayoow ku quuso hooyooyinkii nadaafada (Ra’yi)

    26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan.

 


 

26kii Decembar 1979 ciidamadii soofeetigii burburay oo qalabkoodu uu dhanyahay tiradoodana lagu qiyaasay 100kun ku dhowaad ayaa la wareegey oo qabsaday afqaanistaan. Dowlada Maraykanka oo ay markaa ku xafiil-tamayeen soofeetiga maamulka (dunida) ayaa markiiba u aragtay in arinkaasi khatar ku yahay amaankeeda iyo amaanka wadamada ay saaxiibka yihiinba sidaa darteed waxay bilawday inay abaabusho ciidam "hab diimeed" ku dagaalama oo loo bixiyey Mujaahidiinal Afghan, kuwaasoo lagu qanciyey 'In dhul muslim lagu soo duulay isla markaasna Jihaad waajibay". Raga xilgaas waxay hayeenba dhigay ee jahaadka Maraykanku homuudka ka ahaa u dareeray waxaa ka mid ahaa
Sh. Cabdallah Cazaam alla ha u naxariistee oo ahaa falastiini ku noolaa Urdun iyo Osama Binladen hogaamiyaha kooxda al qaacida ee xiligan.



Jabhadiihii mujaahidiinta loo bixiyey waxaa saldhig looga dhigay magaalada bashaawar ee wadanka Bakist! an Waxaana dhinac walba kaga soo furmay hub casri ah oo maraykanku ku deeqay iyo lacag hagar la'aan ah oo wadama carabta ee batroolka lihii ay u hureen jahaadka ujeedooyinka badan huwanaa ee ruushka lugula jirey.
 
Ugu danbayntii dhimasho iyo burbur badan ka dib waxaa lagu guulaystay in soofetigii laga saaro afqaanistaan, laakiin howshii halkaa kuma dhamaan nimankii dagaalyahaniita ahaa ee la isaga keenaya aduunka daafihiisa waxaa mid waliba ku soo noqday wadankiisii isagoo xanbaarsan figrado argagaxiso oo xag jira doonayana in dowladihii ka dhisnaa wadamiidiisa uu manja xaabiyo abuurana dowlado ay iyagu maamulaan oo hogaankeeda hayaan. Waxaa intaa dheer magaalada bashaawar oo ah halkii la dejiyey dagaalayahaniintii la dagaalamayey ruushaka waxay isu rogtey goob fowdo ah oo amaan daro baahday ka jirto, waxayna ku caan baxday ilaa maanta aynu joogno meesha ugu mukhaadaraadka badan Bakistan iyo gobolkaba. Dowlada maraykanka oo lahayd figrada asaasida mujaahidiinta! afqaanistaan iyadoo is lahayd xiligaa ku xumee ruushka si ay ! ugu noqo to Vietnam oo kale ayaa waxaa ay ilaa maanta kula jirtaa dagaal mujaahidiintii ay iyadu abuurtay dagaalkaas oo saameeyey nolosha baniaadamka caalamka ku nool oo dhan.



Qabsashadii ciraaq 2003 waxaa aad uga carooday suniyiinta ciraaq oo ah dadkii uu ka dhashay madaxweynihii hore Saddam Xuseen (Allah ha u naxariistee), waxayna bilaabeen inay marti geliyeen dabley ka kala timi daafaha dunida oo ku doodaya inay yihiin Mujaahidiin doonaya inay wadanka ciraaq ka xoreeyaan gaalada ku soo duushey, dadka reer Anbaar oo lagu yaqaan marti soor iyo gobonimo waxay u fidiyeen taageero hiil iyo hooba leh dagaalyahaniintaas u soo gurmadey, nasiib xumo mudo yar ka dib waxay bilaabeen inay ku amar kutaag leeyaan dadkii reer ciraaq ee soo dhoweeyey, waxayna faraha ka laabteen la dagaalankii maraykanka oo waxay u jeesteen laynta shacabka ciraaq oo ay ugu horeeyaan reer Anbaar.


`
Sheekooyinka yaabka leh ee arxan darada ha ee dhacay waxaa ka mid ah in Argagixis! adu maalin maalmaha ka mid ah soo dhigeen meel kaalin ah oo shidaalka laga qaato booyad weyn oo ay sheegeen in uu ka buuxo Batrool lacag la'aan ah oo ay dadkii ugu yeereen inay qaataan Batroolkan bilaashka ah, gobolkaas oo ay xiligaas ka jirtey shidaal yari dadkii oo yar iyo weyn leh waxay ku qamaameen si ay wax uga helaan batroolka la sheegay inuu bilaash yahay, xataa waxaa dhacday in dadkii baabuurta watey qaarkood baabuurtii joojiyeen oo jirikaano la soo yaaceen. Nasiib xumo marka cadadkii ugu badnaa ee dad ahi ku soo xoomeen booyada hareeraheedii ayay mar kaliya remote ku qarxiyeen booyadii oo ay ka markii horeba ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxaa..........!! ugu yaraan 190 qof oo ay ku jiraan caruur, dumar iyo waayeel ayaa goobtii ku naf waayey, dhaawacuna waa tiro beelay.

Ugu danbayntii waxay ku kaliftay shacabkii reer Anbaar inay samaystan ciidan u gaar ah oo ay buxiyeen "Saxwatul Anbaar" kuwaasoo la dagaalama! kooxaha argagixisada ah ee ay markii hore moodayeen mujaahidiin u soo gurmaday inay dalkooda la xoreeyaan, laakiin ay cadaatay in hadafokoodu yahay dhiigyacab-nimo iyo arxan daro.
 

Anigoo tacsi u diraya ehelka hooyooyinka la xasuuqay hadana waxaan jeclahay inaan dad badan oo u haystey in xamar jihaad ka socodo ay ku quustaan xasuuqa hooyooyinka ogaadaana in hadafku yahay yaraysi dhiig islaam iyo soomali layn.
 





Wallaahu Aclam
Cabdiraxman Xariri
xariri@hotmail.com

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray, Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha Fakirka  akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, Mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga,

Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid.
Hadii Aad Dooneyso  fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip