Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 22-aad

0
Friday June 12, 2009 - 13:23:43 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 22-aad

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso.


1-Su’aal Sheeg Magaca Abaan-duulaha Cali Bin Abii Daalib Rc?

1-Jawab: Waxaa la-yiraahdaa Malik Ashtar Rc.

2-Su’aal Sheeg Kumuu ahaa Macalinkii ugu horeeyey ee reer Madiina Qur’aanka Baray?

2-Jawab: Waa Muscab Bin Cumeyr Rc.

3-Su’aal Sheeg Magaca Nebi Luud Aabihii ?

3-Jawab: Waxa weeye Haaraan, Wuxuuna ladhashay Nebi Ibraahim Cs.

4-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu-bakar ?

4-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Maka (Makkah).

5-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku dhashay Abuu Xaniifa Rc?

5-Jawab: Wuxu ku dhashay Magaaladda Kuufa ee dalka Ciraaq.

5-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Abii Xaniifa ?

5-Jawab: Wuxu dhashay 80-kii Hijriyadda.

6-Su’aal Sheeg Magaca Magaaladda uu ku aasan yahay Abuu Xaniifa?

6-Jawab: Wuxu ku aasan yahay Magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq.

7-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhintay Abuu Xaniifa ?

7-Jawab: Wuxu dhintay Sanadkii 150 Hijriyadda, da’diisuna waxay aheyd 70 Sano.

8-Su’aal Sheeg yaa u qaada jirka Oxygen-ka iyo Nafaqada?

8-Jawab: Waxaa u qaada Dhiiga.

9-Su’aal Sheeg waa imisa lafaha hadalka loo adeegsado?

9-Jawab: Waa 44 lafood.

10-Su’aal Sheeg qanjirka ugu weyn Bili’aadanka

10-Jawab: Waa beerka.

11-Su’aal Sheeg Qudrada Imisa ayaa biyo ah?

11-Jawab: Waxa biyo ah 20%. Boqolkiiba Labaatan.

12-Su’aal Sheeg tirade dowladaha aan Badda laheyn?

13-Jawab: Waa 26 dowladood.

14-Su’aal Sheeg dhererka Badda Cas?

14-Jawab: Waxaa weeye 2240 km.

Dhex-taal Gaaban.

Haddii aan dib idin xusuusino  6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay.

Waxay kala ahaayeen”

1-Su'aal Sheeg Aayada Kulmisa dhamaan xuruuruf hijaa'iga?

2-Su'aal Sheeg Yaa lagu soo dejiyey Kutubta Injiil?

3-Su'aal Sheeg imisa kiilo meter ayuu godka Xiraa u jiraa Magaalada Makka (Makkah)?

4-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Badan?

5-Su'aal Sheeg Magaca loo-yaqaano Neefka Caanaha Yar?

6-Su'aal Sheeg Kumuu ahaa Aabihii Ciidan Soomaaliyadeed?
Jawaabaha waxay kala yihiin”

1-Jawab: Waa Suuratul Fatax.

2-Jawab: Waxa lagu soo dejiyey Nebi Ibraahim Cs.

3-Jawab: Wuxu u jiraa 5 kiilo mitir.

4-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Madi.

5-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa Badho.

6-Jawab: Waxa loo-yaqaanaa General Cabdule Xersi (General Daa’uud)

Ugu danbeen waxaa u maahad celineenaa dadkii ka soo wada jawaabay iyo kuwii jawaabaha qaar ka soo saxay. Iyo kuwii isku dayey iney ka soo jawaabaan balse aanan haleelin jawaabaha. Dadkaasi waxaanu lee-nahay maanta haddii aad qaladeen Insha’allah beri ayaad sixi doontaan.Sidoo kale dadka ku cusub barnaamijkaan aan ugu magac-darnay Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud. Haddii aad u baahan tihiin barnaamijkaan inaad ka qeeb-qaadataan, Si’aad u heshaan casharadii idin dhaafay , Waxaad kala soo xiriiri kartaan baashi053@hotmail.com Si’aad u heshaan dhamaan casharadii horey idin  dhaafay. Anagana waxaa idin balan qaadeynaa inaad heshaan dhamaan casharadii horey idin dhaafay Insha’allah.

Hadaba 6-da su’aaladood iyo jimcaha soo socda. Hal isbuuc ayaad heesataa shaqo wanaagsan. Adiga oo isticmaalaaya maskax dagen, maxaa yeelay su’aalaha aan idin weydiin doono. Waxay la socdeen casharadii hore.

1-Su'aal Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta diinta) Qarsoodi ehayd?

2-Su’aal  Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?

3-Su’aal Sheeg baarlabaankii ay ku shiri jireen kufaartii qureysheed maxaa la oran jiray?

4-Su’aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu Noqonaayaa wax carfoon.

5-Su'aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu noqonaayaa mid kamid ah dalalka caalamka?

6-Su’aal Sheeg Masaajidka ugu faca-weyn ee ku yaala degmada C/casiis ee magalada moqdisho Sanadkii ladhisay ?

Dabcan su’aalahaan iyo jawaabahoodaba horey ayaan u soo daabacnay. Waxayna la-socdeen casharadii aan soo qaadanay

Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan
gacal053@hotmail.com
 
Waxaa isku soo daba-riday Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip