Taariikhda dhalashada Soomaalida maxaa ka wada dhigey 1-da Janaayo? By Deeqdarajo.

0
Sunday June 14, 2009 - 22:27:53 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda dhalashada Soomaalida maxaa ka wada dhigey 1-da Janaayo? By Deeqdarajo.

    Magaca qofka, meesha uu ku dhashay,xiliga uu dhashay iyo sawirka muuqaalkisa waa 4ta sheey oo ugu muhiimsan nolosha qofka marka uu ku hoos noolyahay dal sharci iyo dowlad ay ka jirto, meel kasta oo aad tagto aduunka maanta 4 taasi sheey ayaa lagu wee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaca qofka, meesha uu ku dhashay,xiliga uu dhashay iyo sawirka muuqaalkisa waa 4ta sheey oo ugu muhiimsan nolosha qofka marka uu ku hoos noolyahay dal sharci iyo dowlad ay ka jirto, meel kasta oo aad tagto aduunka maanta 4 taasi sheey ayaa lagu weeydiinayaa, aqoonsi kasta oo aad wadatana in laga helaa waa qasab.

 Laakiin dadka Soomaalida ah ee u haajirey dalalka meelo ka mid ah aduunka waxyaalaha ay ku dhibtootey waxaa ka mid ah ugu yaraan 3 ka mid ah 4 taasi shuruud, muuqaalkiisa ma ahan mid lagu dhibtoodo waxa kaliya oo uu qofka u baahanyahay waa in sawirkiisa laga qaado.

 Hal qodob oo ah taariikhda dhalashada ayaa ugu xiiso baddan oo aan si faahfaahsan ugu falanqeyn doonaa maqaalkani. Saraakiisha socdaalka iyo waliba kuwa sirdoonka ee la socda macluumaadka dadka dalka ku nool waxay ku wareersanyihiin sababta keentey in Soomaalida oo dhami ay hal taariikh u wada dhashaan, layaabi meeysid haweeney wasaarada arrimaha gudaha ka shaqaysa oo leh „maxaa Soomaaliya koowda bisha koowaad miyey wada dhashaan?”. “ maxaase dhamaantiin Cabdi iyo Maxamed idinka wada dhigey?”.

 Bal qof Soomaali ah si caadi ah u weeydii taariikhda dhalashadiisa, dad aad u yar ayaa saxaya taariikhda ay dhasheen, qofka waa ay sahlantahay in uu kuu sheego inta sanno ee uu jirro laakiin ka fili meeysid in uu kuu sheego bisha iyo maalinta uu dhashay, markii ugu horey-sey ee uu tagay Home Affair-ka ee la weeydiiyey taariikhda dhalashadiisa ayuu qortey taariikh isku aadan oo uusan hilmaami doonin taasoo ah koowda bisha koowaad iyo sanadka uu dhashay oo uu dib u xisaabid ku samaynayo isagoo ka shidaal qaadanayo inta sanno ee uu aaminsanyahay in uu jirro.

 Soomaalida oo caadi ahaan dad xoolo dhaqato ah isla markaasina aan wax qorin oo dad hadla ah, ayaa keeneysa in badankood aysan oqaanin maalinta uu qofka dhashay, kuwa ku hoos dhashay nidaam dow-ladeed iyaguna waalidiin-tooda ma ahayn kuwa ca-ruurta diiwaangaliya inta baddan mar hadii uusan il-maha isbitaal ku dhalan, ni-daamkii jireyna waajib kama dhigin in ilmaha la diiwaan-galiyo wallow tirakoobyada guud lagu xisaabtami jirrey dhalashada caruurta.

 Sidaasi darteed waxaa iska caadi ah in uu qof ku faano in uu isbitaalka Banaadir ku dhashay taasoo uu ola jeedo “waan garanayaa taariikhda aan dhashay, caasimadana waan ku dhashay”.

 Laakiin ka waran ninka kumanaan lacag ah ku qarash-gareeyey u dabaaldagista maalinta uu dhashay markii loo sheegey oo loo diiwaan-galiyey taariikh cayiman oo uu dhashay? Ninkani oo aanan horey u garan jirrin maalinta uu dhashay ayaa xaflad dhalasho sameeyey markii ay ku beegantay taariikhda dhalashadiisa ee sharciga ugu taala.

 Wallow dadka ay sheegtaan inta baddan taariikho isku aadan sida lixda bisha lixaad, sideeda bisha sideedaad iyo wax la mid ah, hadana koowda bisha koowaad ayaa ah tan ugu baddan ee dadka ay sheegtaan, waxaa isweeydiin leh maxaa dadka u diidey in ay taariikho kale sheegtaan oo kala duwan? Mala oran karaa Soomaalida xasuusta ayay ku liidataa mise waxay ka tahay is dhibid la,aan howl diidnimo ah?.iyagoo aan isku taxluu-jineynin in ay maskaxda ka xifdiyaan taariikhda ay sheegtaan ee kala gadisan.

 Maxamed Muuse Nuur (Deeqdarajo)

Deeqdarajo100@hotmail.com

Tell: 27721277344.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip