Maxaa ka taqaan Jaamacadda Kuis ee Dalka Malaysia? War Bixin (Daawo Sawirada).‏

0
Thursday June 18, 2009 - 21:21:25 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka taqaan Jaamacadda Kuis ee Dalka Malaysia? War Bixin (Daawo Sawirada).‏

    Akhritayaasheena Qiimaha iyo Qaayaha lahow waxaa halkaan idin-kugu soo bandhigeynaa war bixin aan ka soo diyaarinay Jaamacadda Kuis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhritayaasheena Qiimaha iyo Qaayaha lahow waxaa halkaan idin-kugu soo bandhigeynaa war bixin aan ka soo diyaarinay Jaamacadda Kuis.



Waxaa socod dhanka lugta ku booqday Jaamacadda Kuis, waxaana igu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadda Kuis.

kaasow lagu magacaabo Ayaanle Maxamuud Salaad. (Selangor International Islamic University College (KUIS) jaamacadda waxaa la-aas aasay sanadkii
1995 wuxuuna hoos tagaa Golaha Diinta ee Gobolka Selangor oo ah gobolka ugu hormarsan dalka Malaysia, Darisna la ah caasimada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.

Jaamacada waxay caasimada u jirtaa 25 KM. Kuliyadaha college jaamacadeedka waxaa ka mid ah kuliyada kalkaaliyaasha, dhaqaalaha, xisaabta, maamulka,
macluumaadka iyo teknoolajiyada, isgaarsiinta, multimediyada, shareecada Islaamka, waxbarashada, luqadaha, ganacsiga, dhaqaalaha nidaamka bangiga Islaamka.



College jaamacadeedka waxaa dhigto in ka badan arday gaarayso 5,000 waxaana ka qalin jabiyay sidoo kale arday ku dhow 6,000. ardayda dhigato waxay u badan
yihiin Malaysian balse waxaa wax ka dhigto arday ka kala yimid dalal badan oo ka tirsan qaaradaha Asia iyo Africa iyo Yurub iyo Waqooyga Amerika.


sida wadamada canada, finland, emaaraatka, saudi arabia. Soomaaliya Chat. ayagoo barta maadooyinka islaamiga ah, sababtoo ah waxay ku baxaan Luqada ingiriiska

oo ah af ay wada fahmi karaan ugana fudud afka carabiga maadama aysan wax basic ah ka haysan, taasoona ah sabab ay uga so door bideen wadamada carabta...

jaamacadda waxaa sidoo kale wax ka dhigo macalin soomali ah oo haysta  Shahaado  PHD of islamic studies, kasoo wadankan malaysia joogay in ka badan 10 sano,
Jaamacada waxay leedahay guryo khaas u ah oo ay ardaydo seexdaan, balse dadka diidan inay dhex dagaan jaamacada waxay guryo ka kareysan karaan guryaha u dhaw dhaw  jaamacada.

Waxaa laga helaa xarunta jaamacada dhamaan qalabka casriga ee waxbarasho iyo wixii wax ka gaysan karo dardar galinta waxbarasho ee ardayda jaamacada.

Jaamacada waxay leedahay nidaam adag oo Islaami ah. loomana ogolo ardayda inay u dhaqmaan sida ay doonayaaan ama xirtaan dharka ay rabaan.

Gabdhaha waa ku waajib inay xijaabtaan, wiilashana looma ogola dharka adag sida “Jeans” iyo funaanadaha ku dhagan wiilasha. Jaamacadda Waxay leedahay xarumaha shirarka iyo Masjid aad u qurux badan.

Xarunteeda shirarka waxa 12-ka bishaan ku shiray xisbiga ugu wayn axsaabta mucaaradka ee dalka Malaysia. Jaamacada waxay qaadataa dhamaan ardayda la kulanta shuruudaha loogu talagalay.

Ugu danbeen Jaamacadda waxay ardayda qaadataa Bilaha November iyo april ilaa dabayaaqaada bisha May.

Sidoo kale Jaamacadda waxay qaadataa mar walbo ardayda aan luqada English-ka sifiican u garaneynin. Taasow siisa 4 ilaa 5 bilood koorsada Luqada English-ka.

Kadib-na waxay toos u bilaabi karaan Maadooyinka ay bixiso Jaamacadda, qaas ahaan ardayga wuxu sitoos ah u bilaabi karaa Maadada uu doonaayo.

Jaamacadda markaaad xareysaneyso wax qarash ah lagaama rabo.

Hadaba wixii faah faahin intaas dheer waxad kala soo xiriiri kartaan Madaxa isku xirka Ardayda Soomaaliyadeed: aqoon114@live.com ama 0060123360041.

 

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)

Email: adde053@hotmail.com

Kuala Lumpur Malaysia.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip