Waa maxay ujeedada kadanbaysa xasuuqa wariyaasha?

0
Tuesday June 23, 2009 - 20:10:12 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa maxay ujeedada kadanbaysa xasuuqa wariyaasha?

    Iyadoo sida aad wada ogsoon tihiin guudahaan shacabka somaliyeed aay haysato dhibaato xaga amaan darida ah iyo dowlad laan islamarkaana ay soo noqnoqdaan dagaalo somali badan ay ku waayeen nafsadooda hadana suxufiyiinta somaliyeed ee kahowl gala som

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo sida aad wada ogsoon tihiin guudahaan shacabka somaliyeed aay haysato dhibaato xaga amaan darida ah iyo dowlad laan islamarkaana ay soo noqnoqdaan dagaalo somali badan ay ku waayeen nafsadooda hadana suxufiyiinta somaliyeed ee kahowl gala somaliya ayaa waxaa udheer amaandaridaas ay lawadaagan shacabkooda arimo aad ufara badan oo ugaar ah wariyaasha somaliyeed isla markaana ay uga duwanyihiin shacabka intiisa kalle hadaba aqristow. waa maxay ujeedada kadanbaysa xasuuqa wariyasha ayaad isdhihi kartaa? Sida aad lawada socotaan waxaa 3dii sano ee udanbaysay marba marka kadanbaysa soo kordhayay xasuuqa loo gaysanayo suxufiyiinta kahowlgala wadanka somaliya gaarahan caasimada somaliya muqudisho iyadoo loo geesatay wariyaashan falal iskugu jira dil bareer ah dhaawacyo. Afduub jirdil. Hanjabaadyo joogata ah taana ay soo dedejisay in suxufiyin kahowl geli jiray somaliya ay iska huleelaan guudahan wadanka somaliya si ay nafsadooda uga badabaadiyan dhibaatooyinkaas murugada badan iyagoo kala aaday ninkastaba meeshii uu awood ulahaa intabadana ay joogaan wadamada deriska la ah somaliya sida kenya.yugadha iyo itoobiya halka qaarna ay soo gaareen qaaradan yurub islama markaana ay weydiisteen qaar kamid ah wadamada yurub magen gelyo halaka qaarana ay ku tala jiraan in ay hada iska soo cararaan somaliya oo sida aad wada ogsoontihiin ay sameeyen shaqa joojin cabsi iyo walaac ay ka qabaan in laqaarijiyo sida loo qaarijiyay saxibadoodii hore iyagoo sheegen suxufiyiin farabadan oo muqudisho kahowl geli jiray ay cadeeyeen in ay joojiyeen howlihii wariyanimo kadib markii sanad kaan gudihiisa ilaa iyo 5wariye lagu toogtay muqudisho kuwo kalana lagu dhaawacay laguna afduubatay. Hadaba hadii aan aqristow idiin xasuusiyo wariyaashii muqudisho lagu dilay waxa kamid ahaa :- 1-cali iman shirma arke 2-mahad axmed cilmi 3-bashiir nuur gedi 4-nasteex daahir salad 5-duniyo muxudiin nuur 6-siciid tahliil axmed 7-xasan mayow xasan 8-c isaq warsame gaadaco 9-muqtaar maxamed hiraabe Iyo wariyaalkalle iyadoo ay dhaawac meen suxufiyiin aad ufarabadan halka kuwo kale xuriyadooda laga qaaday taasna ay keentay in kudhawaad 50suxufi ay iska hulelaan somaliya mahan oo kaliya meelaha ay wariyaasha lagu dhibateeyo muqudisho hase ahaatee gobalada kale ee maamuladu kajiran ayaa ayagana lagu wax yeeleeyaa wariyaasha sida Somaliland iyo puntland iyadoo wariyaal badan xuriyadood ay kaqaadeen marar badan maamulada kajira gobaladas marka aan soo qaadano puntland waxaa lagu xiray wariyal badan oo kahowl geli jiray idaacadaha puntaland inkastoo maalmo kadib lasoo daynjiray waxaa kamid wariyaashan lagu xiray puntaland wariye cawale oo hada jooga talyaaniga ayaa iicadayay in uu galay xabsi kuyaala magaalada boosaaso oo loogu tala galay dadaka dilayaasha sida dadka dila geesta islamarkaasana lageliyay dhulka hoostiisa oo uu inbadan kujiray halkaas kadib markii uu sawiro kasoo qaaday wariye ajnabi ahaa oo koox hubaysan ay afduub ugu haysatay gobalka bari sandii 2007 markaasna ay mamulku xabsiga utixaabeen muda kadib aya laysoo daayay ayuu yiri wariye cawaale oo hada kamid ah wariyaasha megen gelyada ujooga talyaaniga taasna ay keentay in uu iska soo baxo somaliya si uu iga bad baado xarig danbo oo ay ugeestaan maamulkaasi sidoo kale maamulka Somaliland ayaa ayagana wariyaal badan uxir xiranyihiin marka aan soo qaadano wariyihii wargeeska haatuf ee kasoo baxa magalada hargaysa ayaa inmudaaba waxa uu ku xirnaa xabsi dhulka hoostiisa ah oo kuyaala magalada hargaysa iyadoo lagu eedaynayo in uu wax kaqoray arimah maamulka Somaliland sidoo kalana waxaa magalada hargaysa lagu xiray wariyaal katirsanaa Tvga unefersal oo ayagana in mudaa xiranaa hadaba markaan usoo noqono ujeedada laga leeyahay dilka wariyaasha ayaa ah in ayna ogolayn inta badan maamulada kajira somaliya in xaqiiqada kajirta goobaha ay wariyaasha kaholw galaan inta badana aysan ogolayn cidkasata oo soomaliya xilqabataa amaba aan dhehee afrika in xaqiida uu ku shaqeeyo maamuladooda la ogaado amaba shacabkooda loo soo bandhigo taasna ay miciin bedeen in ay meeshaba kasaaraan wariyaasha islamarkaana oo ay hal hal utoogtaan haba udaratee muqudisho oo noqotay meesha lagu gugaarsado suxufiyiinta hadana xoogaga gacanta kuhaya somaliya ay isku tuur tuuraan marka ay dhado in ladilay wariye si ay iska figayso cidkastaba oo ay ku eedayan cidba ciday mucaarad santahay hadaba somaliyay wariyaha xadhorw Mahamud CabduLLahi EgaLe(maxamudkoronto) Masuulsare114@hotmail.com
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip