(Faalo Aqriste) Aan Ku Baraarugno,Talo Xambaarsan Danta Soomaaliya
- Visits: 1356
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Soomaali idilkeed waa salaaman tahay mel kasto aad joogtiin. Cidna loogama sheekeynayo maanta xaaladda Soomaliya meesha ay marayso. Waa ka wada dheregsannahay in jiritaankeennii uu khatar ku jiro maxaayeelay waxaa soo baxay kooxo wax damiir la yiraahdo aan lahayn oo si ay ku gaaraan danahooda u bannaan yihiin wax kasta. Runtii dhib wayn oo qiyaas aan lahayn ayaa jira waxaana dallaalo laga sugayaa Ilaahi na abuuray ee konkan iyo inta ku dul nool iska leh. Wax badan waa hadalnay aniga iyo dad ila mid ah si an dadka wax ugu sheegno waxaana joognaa maanta in afkii uu juuqda gabay. Waxaa la marayaa marxalad aad u adag maalinba maalinta ka dambeysa ay ka sii darayso. Waxaa uu maanta hadafkaygi yahay in aan wax ka iraahdo dadka ha ahaadeen rayid ama culumo oo isku dayaaya in aay soo jeediyaan talooyin. Talo ma xuma ayada kuguma noola ee adaa ku nool laakin nasiib darro saan u arko waa talooyin aan soconayn ee fadhiid ah lagana dhaxlayo jug jud meeshaadi ka joog, saa darteed aan la qaadan karin abadan. Qofka qaan gaarka ahi oo maskaxdisa fiyodahay xaq iyo baadilna garawsho u leh waa in uu soo bandhigaa wax salka ku haya run iyo caddaalad ee uusan iskaga hadlin wax uun sheeg. qofka nuucaasi ah warkiisa waa in uu noqdaa mid wax dhisa oo wax ku ool ah.
Waxaa jiraan runtii dagaalo aad u kharaar oo wali inta
taariikhdu ogtahay aan na soo marin, kuwaasoo ay ka
dambeeyeen bur bur iyo baaba' dhinac kasto laguna socdo in la waayo jiritaan soomaaliyeed; waxaan ku soconnaa in dadkii somaalida ahaa oo asal u lahaa geyiga soomaaliyeed la isir tirtiro soomaaliyana loo hibee
yo qowmiyado kale; waxaana si ay arrintaasi u fusho
u xil saaran kuwa midabkeenna leh, noo eg diin iyo wada
dhalashana nala wadaaga ayaa u magacaaban fulinta
ujeeddada aan soo sheegay ee ah naaadguurinta isirka
Soomaaliyeed. Waxaa la yiri haddii cadaawadaada badato cindigaada la kulmiyaa, taasina waxay na faraysaa in aan isla baadi goobno maxaa no talo ah iyo waxa noo dan ah. Waxay maraysaa in dadka qaarkood kaddib markii jahawareer ku dhacay ay soo jeedinayaan arrimo aan xal noqonayn oo haddii xitaa ay suura galaan laga sii dhaxli doono balaayo midda jirta ka sii daran.
Haddaan qalinka ku adkeeyo ujeeddada qoraalkan nuxur
kiisa; waxay la xiriirtaan in aan ku baraarujiyo dadka talo
dhaafin waayay in ay ku baaqaan in Dawladda ay is casisho ama Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka tanaa
sulo Madaxwaynenimada Dalka Soomaaliya. Bal u fiirsa
da haddii dawladda KMG ah ay is casisho maxaa ka dam
beyn doono?
Sidii Rejiimkii loo riday waa tee Dawlad Soomaaliyeed e saldhigatay? Waa kuwee ragga inta meel isugu yimid ku wada heshiiyay nidaam iyo axdi ee meel marsaday. Ma dhici kartaa haddii Sheekh Sharif xukunka ka dago kuwa maanta dhammeeyay Ummaddii burburiyay Dalkii oo hadda aad moodo ujeedo midaysan in ay leeyihiin in ay ku heshiin donaan xukunka dalka?
Runtii waxaa innoo muuqata in waxa maanta taagan in ay ka daran maahine in ayna marnaba ka soo raynaynin! Waxaa kaloo waydiinayaa ninka ku taliyay in Dawladda is casisho yuu is leyahay alleylehe hebel baa istaahila ee
qaban kara talada laguna towfiiqaa? Ragga xalaalaystay dhiigga walaalaha ee aan la gabban in ay ku kacaan wax
uu ka xishoodo gaalka aan ashahaadan talada ma u dhiiban lahayd? Warkaasi ka soo yeeray dadka qaarkiis oo ah mid aa laha fiirsan ee aan la lafa gurin waa in laga noqdaa oo Ummaddan boholyowday aan la sii jaha waree
rin.
Soomaaliya waxay u baahan tahay badbaadin Um
madda Soomaaliyeed Dawlad iyo Shacab waxaa looga
baahan yahay in gacmaha ay is qabsadaan qaadaanna
tallaabo kasto tallaabadii ku habboon sidii Qarankaan loo
badbaadin lahaa. War ma noqonaayo Sheekha ha is casilo ama Dawladda ha is casilo; taasi waa berkii u bilnaa in la gaaro meel aan ka soo noqosha lahayn oo ah dantii kuwa soo beecsatay soomaaliya oo barnaamijko odii ugu hirgalay siday doonayeen uguna talo galeen.
Waa in loo dhabar adaygaa mucjisada socota waa in Dawladda loo hiilliyaa maxaayeelay waa mid ku taagan xaqa waa waddada kaliya ay ku jiri karto soomaalinima da,waa midda kaliya ee muwaadinka soomaaliyeed sharaf ku lahaan karto, waa waddada keliya aan iskugu soo noqon karto, waa dariiqa kaliya aan ku mideysnaan karno, waa cidda keliya ee na damaanaqaadi karto. Runtii waxba nooma hayaan rag ayagaba naftooda meel ay la galaan heli karin, rag dunida oo dhan col la ah, rag cidina ay ka aqbalayn in ay Soomaaliya madax ka noqdaa. Waa rag habeemba meel u hoysa oo ah haadkii waayay geed uu ku hoydo. Kuwaasi haddaan runta laga indho saabanayn Soomaaliya ehel uma ahan danna nooguma jirto
Waxa socda waa baadil waana wada ogsoon nahay waxa
ka dambeeya. Wallaahi haddaan laysku tashan oo aan
garab la yaqaanno Shacabka uu ka imaan waa la gacan
geli doonaa Qaranka Soomaaliyeedna waa laga wayi do
naa qariiradda dunida. Ishii meel dheer wax ka arkineyn
iska dhac. Fadlan ha la joojiyo wararka macna darrada ah oo aan ku qotomin wax cilmi ah waxna ku ollin oo xal
aan jaha wareer ah maahine wax kale saa'idneyn. talo
waa midda loo baahan yahay ee ha la abbaaro midda
dhabta ah oo salka ku haysa aayatiin wacan.
WA BILLAAHI TOWFIIQ
waaa qortay
Faduma Axmed Maxamuud Cadde
( QOORWAYNE )
(Faalo Aqriste) Aan Ku Baraarugno,Talo Xambaarsan Danta Soomaaliya
Soomaali idilkeed waa salaaman tahay mel kasto aad joogtiin. Cidna loogama sheekeynayo maanta xaaladda Soomaliya meesha ay marayso. Waa ka wada dheregsannahay in jiritaankeennii uu khatar ku jiro maxaayeelay waxaa soo baxay kooxo wax damiir la yiraah