Fuliyihii iyo Bisleeyihii Nabadeynta Jabuuti Xiligii Ee Dowladii Raisulwasare Cali Geedi

0
Tuesday July 07, 2009 - 12:10:36 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fuliyihii iyo Bisleeyihii Nabadeynta Jabuuti Xiligii Ee Dowladii Raisulwasare Cali Geedi

    Ex-Raisulwasare Cali Geedi waxa uu kusoo beegmay xili aysan dhagaha masuuliyiinta midowgii maxkamadaha aysan maqali karin kalimada heshiis iyo nabadeyn isuna heysteen awooda keliya ee nidaamkeedu ka soconayo dalka. Awoodaas oo aheyd mid si gaara loog

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex-Raisulwasare Cali Geedi waxa uu kusoo beegmay xili aysan dhagaha masuuliyiinta midowgii maxkamadaha aysan maqali karin kalimada heshiis iyo nabadeyn isuna heysteen awooda keliya ee nidaamkeedu ka soconayo dalka. Awoodaas oo aheyd mid si gaara loogu bahdili jirey masuuliyiinta ka soo jeeda caasimada, waqti dheerna wadey dilal arxandaro ah oo loo geysan-jirey siyaasiyiinta & aqoonyaha uu ka midka ahaa alaha ha u naxariiste marxuum Cabdulqadir Yaxye.

 

 

Tusaale waxaa inoogu filan, gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir mudane Cade Gaabow oo ahaa masuul nabdeed oo aad uga soo horjeedey dagaalada rabayna in nabad & wadahadal lagu dhameeyo dhibaatadana laga qaado bulshada gobolka banaadir si ay maamul ay leeyihiin oo adeegyada guud u qabta u helaan.

Waxaa markhaati madoonta ah sidii loola dhaqmey loona bahdiley gudoomiyaas oo la gaarsiiyay heer madax ka mida maxaamkiintu ugu maahmaahan " Doofaar iyo ey ayaa yiri maroodi noo garqaad oo kii qurux badan sheeg mid walbana waxa uu ku hanjabay haddii uusan asaga dhihin waad qurxoon tahay..." sidoo kale waxaa xusid mudan Cade-Gaboow sidii awooda maamulka gobolka looga fogeeyay loona liiday xitaa furitaankii dekeda iyo garoonka diyaaradaha safka ugu dambeeya la fariisiyay, lacagtii sacuuudigu ku deeqay nadiifinta gobolkana laga leexsadey qandaraas hosaadna lagu siiyay nadiifinta gobolka injineer si gaar ah loo xushay, gudoomiyahaas waxaa la gaarsiiyay heer uu dhaho " Waxaan leeyahay Maxaakiimta haddii aad aqoonsateen DKM ah maxaa anaga noo aqoonsan la'dihiin ilayn waxa aan nahay Maamulkii ay DKM ahi u soo magacawday Gobalka Banaadir".

Sidoo kale waxaa xusid mudan bahdilkii lagula kacay Ex-Madaxweynihi hore ee Somaaliya oo ahaa siyaasi nabada Somaaliyeed jecel kaasoo lagala degey gaarigiisa laguna qasbay inuu lugeeyo. Sidoo kale waxaa xusid mudan dilalkii loo geystay aqoonyahanadii, saraakishii iyo culama’udii gobolka ee sida gaarka loo ugaarsadey. Sidoo kale waxaa xusid mudan sidii looga horyimid dowladii Ex-raisulwasre Cali Geedi uu horkacay ee uu rabey inuu sumcadii & sharafkii caasimada dib ugu soo nooleeyo ilaa lagaarey in qaraxyo lagu qaarajinayo lala beegsado lana tuso inuusan aheyn shaqsigii ku haboonaa xilka uu ku magcaaban yahay loona tuso beelaha Somaaliyeed & bulshada caalamka dad ahaan & shakhsi ahaan awood u laheyn inuu nabdeeyo caasimada Somaaliya ee uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Xiligii Nabad u Bisleeysiinta Gobolka

Waxaan wada xusuusana xiligii ay waxgaradka, masuuliyiinta dhaqanka, siyaasiyiinta, culimada, haweenka iyo dhalinyarada gobolka ay bilaabeen kulamo lagu abaabulayo kacdoon gobolka loogu bisleysiinayo u hogaansamida nabada & dowladnimada loogana xoroobayo xasuuqa, duliga iyo bahdilka lagu hayo dadka degaanka. Waxaa xusid mudan kalimad lama iloobaan ah oo kasoo baxdey kulan ka mida kulamadaas taasoo ahayd "Qax mahurto waaye ama deexda aa loo qaxaa ama Galgaduud aa loo qaxaa"

Runtii waxaa mar qura is bedeley aragtidii bulshada gobolka waxaana u sawirmey sawir muujinaya waxa hortaagan nabadeynta & maamul u sameynta gobolka banaadir. DFK oo taageera ka heleysa ciidamada dowlada Itoobiya hal asbuuc gudihii kula wareegay gacan ku heynta caasimada & dhamaan goboladii kale ee ay maxaakiimtu gacanta ku hayeen. Tasoo keentay in masuuliyiintii maxakiimtu ay noqdaan qaar dhintey & qaar dalka dibadiisa u bacsada, akhirkiina sahashay inay ogolaadaan inay qaab dhismeedkoodii hore wax ka badalaan sameystaan isbaheysi ay kula mudoobayan bulshada rayidka haweenka & qurba joogta iyo xeer la jaanqaadi kara xeerarka wadamada gobolka & caalamka.

Xiligii Dowladii Raisulwasare Nuur Cade

Ex-Raisulwasare Nuur Cade waxa uu kusoo beegmay xili ay dhagaha masuuliyiinta Isbaheysiga Mucaaradku maqali karaan kalimada heshiis iyo nabadeyn, lagana jebiyay islaweynidii & awoodii ay hore u lahaayeen, loona bisleysiiyay inay si nabad & wadahadal ah xalka ku raadiyaan, heshiis awood qeybsi ahana la yeeshaan DFKMG.

Raisulwasaare Nuur Cade oo ah siyaasi ruug cadaa ah oo khibrad badana u leh arimaha cakiran ee Somaaliya ayaa waxaa uu heley fursadaa qaaliga ah isagoo la kulmay mucaarad loo awood sheegtay oo si ficliyan ah loo bisleeyay diyaarna u ah inaysan fursad dambe oo nabadeyn ah iska lumin sidii tii shirkii Khartuum. Tasoo ah mida dhalisay heshiiska taariikhiga ah ee dhexmarey DFKMG & ARS laguna dhisay baarlamaan & xukuumad balaaran oo lagu mideysan yahay.

Runtii hadii uu Ex-Raisulwasare Nuur Cade kusoo beegmi lahaa xiligii Ex-Raisulwasare Cali Geedi waxaa dhici laheyd in Nuur Cade la marsiiyo wadadii & bahdilkii Gudoomiye Cade-Gaboow la marsiiyay ama waxaa dhici laheyd in lagula dhaqmo sidii loola dhaqmay ex-Raisulwasaare Cali Geedi ee dhowrka jeer la isku dayay in la qaarajiyo sababtoo ah waxaa uu wajihi lahaa mucaarad ay ka buuxdo kibir, islaweyni & quursi siyaasadeed oo macno daro ah. Aakhirkana waxa uu ku qasbanaan lahaa inuu qaato talaabadii ay qaadatey dowladii Ex-Raisulwasaare Cali Geedi ee aheyd in si awood leh loogu bisleysiiyo nabadeynta & dowlad wadaaga.

Wabilaahi Towfiiq

Diyaariye

A. Moalin

ammoalin@yahoo.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip