Qiso Cajiib ah oo Dhex Martay Haweeney Alla Cabsi Badan iyo Nin Ilaah-diid ahaa.‏

0
Sunday July 19, 2009 - 13:50:37 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1499
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Cajiib ah oo Dhex Martay Haweeney Alla Cabsi Badan iyo Nin Ilaah-diid ahaa.‏

    Haweeney Duq ah Alla ka cabsi badan ayaa waxay daris la ahayd nin mulxid ah, ama diidan jiritaanka Ilaahay (sw). Mar walbo waxay dadku ku dhahdaa: “Mahad Ilaahay baa leh”. Hase ahaatee ninkii mulxidka ahaa ayaa aad u dhibsaday kalmadaas,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haweeney Duq ah Alla ka cabsi badan ayaa waxay daris la ahayd nin mulxid ah, ama diidan jiritaanka Ilaahay (sw). Mar walbo waxay dadku ku dhahdaa: “Mahad Ilaahay baa leh”. Hase ahaatee ninkii mulxidka ahaa ayaa aad u dhibsaday kalmadaas, asaga oo ku yiri Mu'minadii:

 “Hadalkan jooji, Ilaahay ma jiree.” Waxaa timid abaar dadka dhib u gaysatay, dadkaasi waxaa ka mid aheyd duqdii mu'minada ahayd. Ninkii mulxidka ahaa ayaa wuxuu maalin maqlay iyadoo Ilaahay (sw) tuugaysa oo leh: “Ilaahayow baahi baa I hayso ee kaalmo I sii. Ilaahayow gaajada naga baabi'i oo barwaaqo noo keen.” Markaas ayuu damcay inuu ku ciyaaro duqda mu'minada ah. Kadib ayuu intuu jawaan reeshin ka buuxiyay saq dhexe u dhigay albaabkeeda. Markay soo kacday ayay aragtay cuntadaan albaabka u taalo. Markaas ayay farax dartii la tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay baa mahad leh.” Mulxidkii ayaa ka soo booday gurigiisa, kuna dhawaaqay: “Haye, ma sheekadaas ayaad keentay? Ilaahayga aad sheegayso ma jiro, cuntana kuma siinin, ee anaa kuu keenay.” Duqdii ayaa intey qososhay, kadib tiri: “Alxamdullilah. Ilaahay intuu cunto I siiyay ayuu hadana shaydaan iiga soo qaaday.”

Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar.
Fiiro Gaar ah: Qofkii isku xiraa Allaah SW Qofkaas waa qofka kaliya ee liibaanay Adduun iyo Aakhiraba.
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip