MAANSADII QARAN IYO QABIIL Waa Qalinkii iyo Hal_abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

0
Tuesday July 21, 2009 - 19:24:30 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADII QARAN IYO QABIIL Waa Qalinkii iyo Hal_abuurkii Cabdiraxiin Hilowle Galayr

    Bismilaahi Raxmaani Raxiim Maansadan waxan curiyay marka aan arkay in soomaaliya maahine uusan aduunka korkiisa jirin dad qabiil isticmaala dadyawga islaamka ahina ay isku gartaan iskuna xidhiidhiyaan si ehelnimada iyo muxrimka loo ogaado inagun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Maansadan waxan curiyay marka aan arkay in soomaaliya maahine uusan aduunka korkiisa jirin dad qabiil isticmaala dadyawga islaamka ahina ay isku gartaan iskuna xidhiidhiyaan si ehelnimada iyo muxrimka loo ogaado inaguna uu yahay cudurka ina dabar jaray hadaba maansadan oo ah dood dhexmaraysa qaran oo ah bulsho is haysata oo isku maba da iyo isku mawqifa oo calan iyo sumad keliya ka dhaxayso iyo qabiil oo ah kala qaybsanaanta iyo qatarta ugu weyn ee dalkeena qaribtay


Hadaba maansadii oo ay is waydaarsanayaan qaran iyo qabiil waa tan ee ka bogasho wacan
 
Qabiil
 
Indhawaale qaafkeed
Qorshaheeda suugaan
Qalinkaan ka jirayoo
Ma qaabaynin maansada
Aan qotomiyo maantoo
Qiyaas aan u dhiga oo
Qoondeeyo saan rabo
 
Qabiil laysku raacoo
Qorshe lagu sameeyaa
Qayb laysku siiyoo
Qolo laysku doortaa
Qodob noogu taalee
Qaranow maxaad tahay
Qabsatayoo dadkaygii
Waadiga iga qaadooo
Qulubka igu beeray
Dadkaan kala qoqobayee
Qayba meel kusoo xidhay
Adigaa qaribayooo
Qoolkii ka saaroo
Qaranimo ku sheego
Qoom kaliya baad tihiin
Dadkii ugu qudbeeyee
Qorshahaagu waa maxay
 
Qaran
 
Anigu qaran ayaan ahay
Qaribka iyo xumaatada
Qaladka waa dhibkaygoo
Qasaaraha dadkayguna
Qaxarkayga weeyaan
Qandaraaska xumaha iyo
Qiyaamada dalkeeniyo
Qandhadaa na haysaa
Qabiil waa daraadaa
Quruxdii dhulakaygii
Qiimahaan lahaan jiray
Qabiilbaa  qaribayoo
Qamdariiran naga dhigay
Inta qaafilka ahee
Qorshahaaga fulisana
Maalinbaa lasoo qaban
Qool baan ku xidhayaa
Xukun baa la qabadsiin
Qaladkaagu wuu bixi
Qaranimo way iman
 
Qabiil
 
Qaranow war li,idaa
Soomalida is qalatee
Qabiiladan iswada nacay
Midba qaytan meeshiis
Miyaad qaran ka dhigiyo
Wax u qaybin karaysaa
Oo ay kuwada qancaayaan
Waa mid aan qabsoomayn
Kala qaybsanaantiyo
Kala qaaraanaantiyo
Qaxa iyo dagaalkiyo
Qatliga iyo xumaatada
Qorshahayga weeyaan
Isqabsiga gacmaha iyo
Quluubtoo is fahantaa
Qandho iyo xanuuniyo
Qaribkayga weeyaan
Qaranoow ayaamahan
Qarnigan aynu noolnahay
Qaaradaha aduunyada
Quful bay I saareen
Qoyska aan la noolahay
Aadna ii qadariyaa
Qoomka aadka ii jecel
Een qalad sax uga dhigay
Qabuuraha ku wada guray
Qaafiliinta soomaal
Qaxoontiga aduunyada
Ayaan qayb wadaagnaa
Mana iga qancaayaan
Imana quudhsan karayaan
 
Qaran
 
Aduunyadu qiyaasiyo
Qaab bay ku socotaa
Qaadir uu ku talo galay
Qoomkii qilaafana
Qasaare iyo hoogiyo
Qoomaamaa sugaysoo
Qayr ku gaadhi maayaan
Qarankeenii soomaal
Qabiil baa u baas baxay
Kala qaybshay shacabkii
Qolo way dhamaatoo
Qabriyaday u hoydaan
Qolana waa ka dhoofeen
Qumanow dalkoodii
Qolo waa curyaamiin
Qaybaa jidhkii maqan
Qolona qaraxa dhacayiyo
Qiiqiyo raasaastiyo
Qoomamey dhex joogaan
Qolona waa tan dheregtaye
Qasaaraha ku naaxaha ah
Qolona waa qoryooleey
Qabiil bay u raran yihiin
Qiyaas lagu fekero iyo
Qorshe maleh ujeedo leh.
 
Qabiil
 
Qabqablaha dagaalkiyo
Wiilka qoriga haystaa
Qalbigayga weeyaan
Odayada qaribanee
Qaybiya xumaatada
Qoladayda weeyaan
Qarash baan ku siiyaa
Inta qaafilka ahee
Qabiilkuun u heestaa
Waa qaybtii aan helay
Qorshahayga fulisee
Qaranoow war li,idaa
Qurba joogta oo idil
Qaybta gudaha joogta
Weli aanan qaxinee
Anigaw qudbeeyoo
Way qaybsan yihiinoo
Qof I diidi karayoo
I qilaafa kuma jiro
Qalin iyo saxeexiyo
Quwad baan ku haystaa
Weligaaba qiirood
Ama qayli qaranoow
Maadigaa I qaban kara
Qasnadayda furi kara
Qorshahayga heli kara
Waa qabsaday dalkaagii
Waana qaribay dadkaagii
 
Qaran
 
Kuwa qixiya maatida
Kuwa qalayaa shacabkee
Qalabka isu haystoow
Miyaaydaan qatoobayn
Mar qudhana qushuucayn
Miyaydaan qalbi lahayn
Miyaydaan is qabanayn
Qalalaase  joogta ah
Iyo qaybsanaantani
Qaran lagu gaadhee
Qorshihiinu waa maxay
Dad qabiil xeraystoo
Marba qaab ka dhigayoo
U qabiran ayaad tihiin
Adigoo qaracanooo
Qorax_yaala shacaboow
Miyaa weli qabiilkii
Qandiga  aad ku haysaa
Is qabsada  gacmaha oo
Quluubtiina wada saxa
Isu qira walaalnimo
Qaladkii dhexdiinana
Saamaxaad ka qaatoo
Qaadirkiin ka wada baqa
 
Qabiil
 
Kan aqriya quraanka
Ee qaariga islaamka ah
Qabiil baan ku sheegaa
Qorshe ayuu wataayoo
Wuu idin qaldaayaa
Ka qabsada dhegaha oo
Qulqulaan idhaahdaa
Kan qorshaha wanaagiyo
Qandaraaska samahiyo
Wada qaranimoo idil
Qaybaha xumaantiyo
Qoon baan u yeelaa
Qatar baan ku sheegaa
Dadkuna wayga qaataan
Qaranow I nabad geli
Qoomkayga  ii dhaaf
Qoodhaa iyo xeradaa
Qaaradaha aduunyada
Qolo kale ma haystee
Qaranimada iga daa
Qiirada wadaninimo
Qushuucaa islaanimo
Qaribkayga weeyaan
Qudhbaxayga weeyaan
Qaranoow i nabad geli. !!!
 
Qaran
 
Soomali qubaneey
Soomaali qalaneey
Adigaa qabiil jecel
Qolo qolo u kala baxay
Qaxarka iyo dhibaatada
Qaribkiyo dagaalada
Qarash baad ku bixisaan
Qaranimada dadkaygii
Qandho iyo xanuuniyo
Qalqal baad ka qaadaan
Kan qiyaasta wada ee
Qawlkiisu sammo  yahay
Qas ayaad ku sheegtaan
Durba waad qaribaysaa
Qorshihii saxda ahaa
Qaadiru raxmaankoow
Qafuuroow  allahayaw
Naga qabo waxyeelada
Qalad oodhan naga saar
Qaafiliinta nagu jira
Rabow qaayimiinta ah
Adaanay kaa qarsoonayn
Adaa qaybka maqan oge
Naga qari allahayaw
Qaranimo dalkaygiyo
Quluub wada samaatiyo
Nabad aan qabyo ahay
Qaniyaw na gaadhsii
 
Aaamiin aaamiin aamiin
 
Waa Qalinkii iyo Hal_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle  Galayr
abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip