maxaad ka taqaana Dalka Indonesia, war bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada).

0
Wednesday July 22, 2009 - 20:35:55 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    maxaad ka taqaana Dalka Indonesia, war bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada).

    Xubinteeni Kororso Aqoontaada oo ka baxa had iyo jeer shabakada warsheekh ayaa waxa maanta idin bilaawnay qeyb cusub oo aad uxiiso badan taa oo kaga jawaabeeno codsiyada aqristayaasha ayaa waxa ku qaadaa dhigi doonaa hada taariikhda wadamada aduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubinteeni Kororso Aqoontaada oo ka baxa had iyo jeer shabakada warsheekh ayaa waxa maanta idin bilaawnay qeyb cusub oo aad uxiiso badan taa oo kaga jawaabeeno codsiyada aqristayaasha ayaa waxa ku qaadaa dhigi doonaa hada taariikhda wadamada aduunka mid kamid ah inagoo ka sheekeen doono dhamaan qaranka maalintaas aan falaanqeen doono dhaqankiisa, luqadiisa, iyo qeybaha kala geidsan ee bulshada

 

 

Indonisiya waa wadan dhaca Koonfur bari Eshiya kuna kala yaal labada bad weyn ee Indian iyo Pacific waa wadan wada jazeerada ah .

Badka eey ku fadhiso isku geeyntoodu waa 1,919,440 sq km(dhul 1,826,440sq km)+ bad(93,000sq km).

Wadama eey xaduudaha la leedahay waxaa kamid ah East Timor 228 km, Malaysia 1,782 km, Papua New Guinea 820 km.



Cimilada wadanka indonisiya waa eey kulushahay oo waxa eey gaartaa 40 lakin dhinaca buuraleyda ayaa ah diirimaad kheeyraadka dabiiciga ee Alle ku maneystay indonisiya waxaa laga xusi karaa Shidaal, gaska dabiiciga, dahab, qalin, copper.

Dadka ku nool wadanka indonisiya ayaa lagu qiyaasa 241,973,879 (warbixintii ee soo saartay qaramada midoobey (bishii July 2005 ).

Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxaa lagu sheegaa sedan:
0-14 sano: 29.1% (labka 35,823,456/dhediga 34,590,631)
15-64 sano: 65.7% (labka 79,447,560/dhediga 79,449,399)
65 sano iyo kaweyn: 5.2% (labka 5,526,389/dhediga 7,136,444) isla warbixinti eey soo saartay qaramada midoobe sanadkii (2005).

Dadka wadanka u dhashay waxaa la yiraa dhalasho ahaan Indonesian waxa eeyna ukala baxaan 5 qoomiyadood oo kala ah Javanese 45%, Sundanese 14%, Madurese 7.5%, coastal Malays 7.5%, other 26%

Diimaha eey heestaan dadka u dhashay wadankan ayaa kala ah Muslim 88%, Protestant 5%, Roman Catholic 3%, Hindu 2%, Buddhist 1%, other 1% sidaa daraadeed indonisiya ayaa ah wadanka ugu muslimiinta badan aduunka sidoo kale luuqadaha wadanka looga hadlo ayaa kala duwan waxaana kamid ah Bahasa Indonesia(Malay), English, Dutch.

Caasimada wadanka waa Jakarta magaalooyinka ugu caansan waxaa kamid ah Aceh, Bali, Banten, Bengkulu, Gorontalo, Irian Jaya Barat, Jakarta Raya, Jambi
Wadanka xornimadiisa waxa uu qaatay sanadkii 17 August (1945) waxaa kajira wadanka xisbiyo siyaasadeed waxana laga xusi karaa kuwooda ugu awooda badan sida Crescent Moon iyo Star Party ama PBB [Yusril Ihza MAHENDRA, Godoomiye]; Democratic Party ama PD [Subur BUDHISANTOSO, Godoomiye]; Functional Groups Party ama Golkar [Yusuf KALLA, gudoomiye]; Indonesia Democratic Party-Struggle ama PDI-P [MEGAWATI Sukarnoputri, gudoomiye]; waa haweeneey hada kahor mar ka noqotay wadanka madaxweyne .

Indonesiya waa xubin kamid ah qaramada midoobe sidoo kale waxa eey xubin fir fircoon ka tahay ururadan: APEC, APT, ARF, AsDB, ASEAN, BIS, CP, FAO, G-15, G-77, IAEA, IBRD, ICAO, ICC, ICFTU, ICRM, IDA, IDB, IFAD, IFC, IFRCS, IHO, ILO, IMF, IMO, Interpol, IOC, IOM (observer), ISO, ITU, MIGA, MONUC, NAM, OIC, OPCW, OPEC, UN, UNAMSIL, UNCTAD, UNESCO, UNIDO, UNMIL, UNOMIG, UPU, WCL, WCO, WFTU, WHO, WIPO, WMO, WTO.



Lacagta wadanka laga isticmaalo waa Indonesian rupiah (IDR) halkii dollar lacagta wadankaas waxa eey u dhigantaa 8,938.9 qiimaha lacagta wadanka aayaa aad u hooseesa lakin dadka wadanka ku nool waa dad muruq maal ah oo ku tiirsan wax soo saarka beeraha iyo kaluumeeysiga.

Hadaba akhristaha sharafta lahoow intaa laguma soo koobi karo taariikhda indonesiya lakin waxaan idinku soo gudbin doonaa barnaamijyadeena dambe dhaqanka iyo nolosha dadka ku nool wadankan iyo hanaanka waxbarasho iyo goobaha dalxiiska iyo tamashleenta loo tago haduu alle idmo.



Sidoo kale waxa aan idin leenahay hadaanu nahay bahdda barnamijkan ee aan uga hadalno wadadama aduunka filo war bixino kale aan ku jeex jeexi doono wadamo kale oo aduunka ah si aan kaaga haqabtirno.
Soo saaraha barnaamijka Caaqil Anwar Dini

Isku dubaridaha Wariye Xassan Cabdi Xirsi (Xasan Cadde)
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip