Barnaamijki Kororso Aqoontaada oo Xiiso Gaar ah maanta Leh

0
Friday July 24, 2009 - 20:33:41 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijki Kororso Aqoontaada oo Xiiso Gaar ah maanta Leh

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan, ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan, ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

 

1-Su’aal Sheeg Bilaal IBin Rawaaxa Rc, Yuu Addoon u ahaa?
1-Jawab: Wuxu Addoon u ahaa Umaya Binu Khalaf.
2-Su’aal Sheeg ninka kaliya ee uu Nebigeena (NNKH) Gacantiisa ku dilay?
2-Jawab: Wuxu ahaa Ubaya Ibnu Khalaf.
3-Su’aal Sheeg ninkii dilay Geesigii ugu weynaa Islaamka iyo kii Gaalada ugu weynaa?
3-Jawab: Waa Waxshi Ibnu Xarb I Rc.
4-Su’aal Sheeg Dhulka kaliya ee halmar oo qura Quraxda arkay?
4-Jawab: Waa Meeshii Badda aheyd ee Nebi Muuse Cs, uu Ushiisa ku dhambalay, Markii uu ka Cararaayey Fircoon iyo Ciidankiisii.
5-Su’aal Sheeg Magaaladda lagu dilay Xuseen Bin Cali Bin Abii Daalib Rc?
5-Jawab: Waxa lagu dilay Magaaladda Karbala ee wadanka Iraaq.
6-Su’aal Sheeg Magaca Boqor-weynihii Xabashada?
6-Jawab: Waa Najaashi.
7-Su’aal Sheeg Boqor-weynihii Xukumi jiray Masar?
7-Jawab: Waa Fircoon.
8-Su’aal Sheeg Magacii hore ee loo-aqoon jiray wadanka Zambia?
8-Jawab: Waxa loo-yaqiinay Rhodesia.
9-Su’aal Sheeg Shan kamid ah Webiyada Afrika Ugu dheer?
9-Jawab: Waxay kala yihiin” 1- NILE, 2-CONGO, 3-NIGER, 4-ZAMBAZI, 5-SHABELLE.
10-Su’aal Sheeg Magaca Xogaga Dhaq-dhaqaaga Gobomimo u dirirka ka dagaalama Wadanka Ruushka?
10-Jawab: Waxaa la-yiraahdaa Jijniya.
11-Su’aal Sheeg Magaca Jabhada xornimo u dirirka, ka dagaalamaya wadanka Morocco?
11-Jawab: Waxa la-yiraahdaa Bulisariyo. (Bulzario).
12-Su’aal Sheeg Maxaa laga soo Gaabiyey Nato?
12-Jawab: Waxa laga soo gaabiyey North Treaty Organization.
 
Dhex-taal Gaaban.
Haddii aan dib idin xusuusino  6-dii su’aaladood ee aan idin weydiinay jimcihii la-soo dhaafay
Waxay kala ahaayeen”
 
1-Su’aal- sheeg asxaabigii ugu horeeyey oo yiraahda anigu ma’aqaano sida ey dhaxal u qaadaneeso ayeyo?
2-Su'aal sheeg ninkii ugu warqaadka badnaa reer maka?
3-Su'aal Sheeg maxay kala yihiin muhaajiriin iyo ansaar ?
4-Su'aal Sheeg laba madaxweyne oo soomaali ah kuna dhasheen Degmada Xarar Dheere ee gobolka Mudug ?
5-Su'aal Sheeg warshada sonkor isnaay oo ku taalo magaalada jowhar sanadkii la-aas-aasay?
6-Su’aal Sheeg Sanadkii la-qoray Farta Soomaaliga?
Jawaabaha waxay kala yihiin’
 
1-Jawab: Waa Abuu-bakar Sadiiq Rc.
2-Jawab: Waa Sumeyn Ibnu Camar al iuhari.                                         
3-Jawab: Waa Muhaajiriin waa Asxaabti ka soo haajirtay Makka. Ansaarna waa Asxaabtii loogu yimid Madiina.
4-Jawab: Waxay kala yihiin C/rashiid Cali Sharmarke Alla yaa raxma,iyo C/qaasim Salaad Xasan.
5-Jawab: Jawab waxa la’aas aasay sanadkii 1925-tii.
6-Jawab: Waxaa la-qoray 12 October 1972.

Akhristayaasheyna Qiimaha iyo qaayaha lahow, lix-dii Su’aaladood ee aan idin weydiin jirnay malin walbo  oo jimca ah, taa badalkeed waxaa fursad idin siin-doonaa bal inaad fikirkiina ama ra’yigiina aad ka soo kala dhiibataan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada.
Ka dhiibo  wixii fikirkaaga ah kuna soo hagaaji wardhigley114@hotmail.com
 
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip