Maxaad ka taqaanaa dalka Singapore waa dal ceynkee ah war-bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada)‏

0
Friday August 07, 2009 - 17:36:30 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa dalka Singapore waa dal ceynkee ah war-bixin kooban oo laga diyaariyey (Daawo Sawirada)‏

    Singapore waa wadan dhaca koonfur bari Asia waxaana aas-aasay wadankaan gumeeystihii Ingiriiska sanadka markuu ahaa 1819kii, sidoo kale waxa eey kamid noqotay gobol katirsan dalka Malaysia sanadkii 1963-kii lakin laba sano kadib ayeey gooni isku taag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Singapore waa wadan dhaca koonfur bari Asia waxaana aas-aasay wadankaan gumeeystihii Ingiriiska sanadka markuu ahaa 1819kii, sidoo kale waxa eey kamid noqotay gobol katirsan dalka Malaysia sanadkii 1963-kii lakin laba sano kadib ayeey gooni isku taagtay loona aqoonsaday wadan xor ah.


 





Badka ee ku fadhiso isku geeyntooda waa 692.7 sq km(dhul: 682.7 sq km + Bad: 10 sq km).

Singapore waa Jaziirad u dhaxeysa labada wadan ee Malaysia iyo Indonesia , cimilada wadanka waa kuleyl huur badan leh sidoo kalana roobku ku badan yahay .

Wax soo saarka wadanka ayaa aad iskaaga yar oo waxa eey soo saaran eeyna dhoofiyaan malaayga gasacadeesan ee tunaha, lakin wadanka ayaa ah wadan aad horay u maray lehna suuqa xorta ama free Market economy, Wadanka malahan oo lama yaqaano waxa la-yiraahdo isdaba marin ama musuqmaasuq (corruption-free) sidoo kalana waa wadanka ugu nadaafada wanaagsan xaga deegaanka. Waa wadan sicirkiiso aanan kicin oo lajaan-gooyay.

Dhaqaalaha wadanka waxa uu ku tiirsan yahay dakada oo ah meel dunida dacalaheeda oo dhan xarun muhiima u ah, iskuna xirta Asia ilaa waqooyiga Amerikada fog waxyaabaha ugu muhiimsan ee dakada laga dhoofiyo ayaa ah electronic iyo warshadaha.




Lacagta wadanka waa Singapore dollar halkii US dollar waa 2.25 lacagta wadanka.

Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 4,425,720 warbixintii ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).
Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan sida Chinese 76.8%, Malay 13.9%, Indian 7.9% luuqadaha looga hadlo wadanka ayaa kala duwan waxana ugu muhimsan luuqada Mandarin 35%, English 23%, Malay 14.1%, Hokkien 11.4%, Cantonese 5.7%, Teochew 4.9%, Tamil 3.2%. Dadka dhalasha ahaan waa Singaporean.

Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxaa lagu sheegaa da’dooda sidan:

0-14 sano: 16% (lab 366,971/dhadig 342,295)
15-64 sano: 75.9% (lab 1,639,842/dhadig 1,719,829)
65 sano iyo kaweyn: 8.1% (lab 157,636/dhadig 199,147).
Caasimadisu waa Singapore , dalkuna waxa uu xornimo qaatay sanadka markuu ahaa 1965 kana xoroobay Malaysian Federation, maalinta qaranku waa 9 August 1965.



Wadanka waxaa kajira xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan kuwa ugu muhimsana waa :

People's Action Party ama PAP [LEE Hsien Loong]; opposition parties: Democratic Progressive Party ama DPP [LING How Dong]; National Solidarity Party ama NSP [vacant] (SDA group); Singapore Democratic Alliance ama SDA [CHIAM See Tong] (includes SPP, PKMS, NSP, SJP); Singapore Democratic Party ama SDP [CHEE Soon Juan]; Singapore Justice Party ama SJP [Desmond LIM] (SDA group); Singapore National Malay Organization or PKMS [Malik ISMAIL] (SDA group); Singapore People's Party or SPP [CHIAM See Tong] (SDA group); Workers' Party ama WP [Sylvia Lim Swee LIAN.

Singapore waxa eey xubin ka tahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa eey xubin ka tahay ururadan sida APEC, APT, ARF, AsDB, ASEAN, BIS, C, CP, G-77, IAEA, IBRD, ICAO, ICC, ICFTU, ICRM, IDA, IFC, IFRCS, IHO, ILO, IMF, IMO, Interpol, IOC, ISO, ITU, MIGA, NAM, OPCW, PCA, UN, UNCTAD, UPU, WCL, WCO, WHO, WIPO, WMO, WTO.

Somalida wadanka kuma badna waayo waa dal dhaqaalihiisu sareeyo lakin waa jiraan ganacsato meesha wax ka daabusha.

la-soco Arbacada danbe iyo wadanka Burunaay Insha'Allah.
Soo saaraha barnaamijka Caaqil Anwar Diini

Isku duba-ridaha Wariye Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia....

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip