Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 30-aad

0
Friday August 07, 2009 - 17:41:49 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 30-aad

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen jimco walbo. Wuxuuna xanbaarsan yahay macluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

 

 

1-Su’aal Sheeg Salaadii ugu horeysay ee uu Tukaday Nebiga (NNKH)?
1-Jawab: Waa Salaadda Duhur.
2-Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Alla Dartiis u Jihaada?
2-Jawab: Waa Nebi Idiriis Cs.
3-Su’aal Sheeg Wadankii ugu horeeyey ee carbeed oo laga helay Shidaal?
3-Jawab: Waa Dalka Masar.
4- Su’aal Sheeg kumuu ahaa sir hayihii (Xog-hayii) Nebiga (NNKH)?
4-Jawab: Waxa weeye Xudeyfa Binu-Yabaan Rc.
5- Su’aal Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Faras Fuula?
5-Jawab: Waa Nebi Cismaaciil Cs.
6-Su’aal Sheeg Magaca Asxaabigii la-oran jiray Saciid Al-khudriyi?
6-Jawab: Waxa la-oran jiray Sacad Binu Maalik Binu Sinan Rc.
7-Su’aal Sheeg Asxaabigii Nebiga (NNKH) yiri waxaa dileysa Koox Xad-gudubtay?
7-Jawab: Waxa weeye Camaar Binu Yassir Rc.
8-Su’aal Sheeg Sanadkii uu dhashay Sheekh Xasan Barsane?
8-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii 1853-dii.
9-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane magaciisa oo seddexan?
9-Jawab: Waa Sheekh Xasan Nuur Sheekh Axmed.
10-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Imisa sano ayu la-dagalamaayey Gumeystihii Talyaniga?
10-Jawab: Wuxu la-dagaalamaayey Mudo 30 sano ah.
11-Su’aal Sheeg xagee buu ku geeriyooday Sheekh Xasan Barsane?
11-Jawab: Wuxu ku geeriyooday Xabsiga Dhexe ee Magallaadda Muqdisho.
12-Su’aal Sheeg Sheekh Xasan Barsane Sanadkii uu geeriyooday?
12-Jawab: Wuxu geeriyooday Sanadkii 1926-dii.
13-S u’aal Sheeg Meesha uu ku dhashay Sheekh Xasan Barsane?
13-Jawab: Wuxu ku dhashay Tuuladda Barsane oo ka tirsan Gobolka SHabellada Dhexe.
14-Su’aal Sheeg oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii
laga saaray Magaalladda Muqdisho?
14-Jawab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
Dhextaal Gaaban

Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa
ku balan-qaadeynaa inaad hesho wixii horey ku dhaafay Insha'Allah.
Akhristayaasheena qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingow isticmaalaayo makax degan waayo, Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii aan horey u soo daabacnay.

1-Su'aal Sheeg yaa ugu soo hor islaamay reer madiina?
2-Su'aal Sheeg goormay dhacday hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina ?
3-Su’aal Sheeg Haweentii ugu horeesay ee Rasuulka (NNKH) guursaday kadib markay dhibmatay Khadija Bintu Khuweylad Rc dhimatay?
4-Su’aal Sheeg dagmo ka tirsan dagmooyinka dalka soomaaliya oo xuduud la leh Badda Cas iyo Badweynta hindiya?
5-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?
6-Su’aal Sheeg halgankii Axmed Gurey uu kaga soo hor-jeeday Xabashida Sanadkii uu dhamaaday?

Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala lumpur Malaysia.... 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip