Kulan Baroor Diiq 11-August oo ah maalin xasuus ku leh saxaafada Somaliya oo lagu qabtay S/africa (Sawiro)

0
Tuesday August 12, 2008 - 19:59:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Baroor Diiq 11-August oo ah maalin xasuus ku leh saxaafada Somaliya oo lagu qabtay S/africa (Sawiro)

    Munaasabada ay soo agaasimeen ururka saxafiyiinta soomaliya ee south africa oo hadii la soo gaabiyo loo yaqaabo SOJASA ayaa waxay baroor diiq u sameeyeen ALLAHA u naxariistee Ali Iman Sharmaarke iyo Mahad Ahmed Elmi 11-kii agoosto ee Sanadkii 2007-di

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabada ay soo agaasimeen ururka saxafiyiinta soomaliya ee south africa oo hadii la soo gaabiyo loo yaqaabo SOJASA ayaa waxay baroor diiq u sameeyeen ALLAHA u naxariistee Ali Iman Sharmaarke iyo Mahad Ahmed Elmi 11-kii agoosto ee Sanadkii 2007-dii ku geeriyooday magaalada muqdisho ayaa maantay waxaa lagu qabtay bellevelle hall ee magaalada cape town ee dalka koofur africa.

 



             

 11-kii agoosto ee Sanadkii 2007-dii,waxay u ahayd warbaahinta Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed maalin murugo ah, gaar ahaan waxay muragadaasi si gaar ah ay u taabatay dadka aqoon iyo wadashaqaynta la lahaa ALLE HA U KALA NAXARIISTEE Cali Imaan sharmaa’arke iyo Mahad Axmed cilmi, iyo dadkii dhageesan jiray barnaamijyadii uu soo saare ka ahaa mahad axmed cilmi oo labada maalin kaliyah lagu wada dilay Magaalada Muqdisho xili ay ku guda jireen howlahooda shaqo.


 
          Cusmaan Xasan Cali fantastic oo ah afhayeenka ururka somali jornalists Assocation of south africa ayaa aad ugu dheeraaday ka shekayntii iyo wanaagii Ali imaan iyo mahad axmed isagoo sheegay in muddo ah ay isakala soo shaqeeyeen idaacada Horn africa wuxuuna shegay markii qadka talefoonka loogu soo shegay geerida naxdinta leh ee sxbkiisa mahad uu aad ugu naxay tilaabna uu qaadi waayay naxdin darteed


 
      Sidoo kale waxaa munaasabaadsi ka hadlay gudoomiyaha ururka SOJASA Mohamed Muuse Nuur isagoo shegay in ay ahayd maalin murugo lahedd 11 agoosto ee sanadkii tagay wuxuuna ku nuux nuuxsaday wanaagii uu ka sameeyay Mahad Axmed Cilmi markii uu joogay dalkani koofur africa isagoo hormar la taaban karo gaarsiiyay saxafiyiinta habaabka ku ahaa dalkani iyo gacan qabashadii saxafiyinta u soo qaxday dalkani sidoo kale wuxuu gudoomiyaha sheegay in CAli Sharmarke uu ahaa shaqsi aad ugu weyn dhamaan bahda saxaafada soomaliyeed.


   
            Inta badan wariyayaashiika soo qeybgalay sanada guurada ka soo wareegatay dilkii ali iman iyo mahad dhamaantood waxey muujiyeen in dhibaato culus ay ku dhacday saxaafada Somalia si loogu baxaana ay adagtay bahada saxaafadane ay ka go,an tahay in dhibkaasi jiro ay u shaqeyn doonaan bulshada
  
      Bahda saxafaad ugu baqaaya dhamaan soomalada sidii gacan bir loogu geysan lahaa sidii cadalaada loo hor keeni lahaa kuwa ka dambeeyaa falalka waxashnimada ah oo logula ugaarsado saxafiyiinta soomaliyeed
 
Maxamed Muuse Nuur
deeqdarajo100@hotmail.com
cape town south africa

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip