Maxaad ka taqaanaa wadanka Burunaay,Warbixin sawiro wadata

0
Friday August 14, 2009 - 19:52:40 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa wadanka Burunaay,Warbixin sawiro wadata

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen maalin walbo oo Arbaca ah, Akhristayaal maantana ku soo dhawaada war-bixin kooban oo aan idinkaga soo diyaarinay wadanka Burunaay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen maalin walbo oo Arbaca ah, Akhristayaal maantana ku soo dhawaada war-bixin kooban oo aan idinkaga soo diyaarinay wadanka Burunaay.

 

 


 

Brunei ama Saldanada burinaay waa wadan dhaca koonfur bari Asia, saldanada ka-talisa wadankaan ayaa ahaan jirtay saldanad xoog badan oo qarniyadii 14-aad iyo 16-aad katalin jirtay xeebaha Sarawak iyo Sabah oo hada raacsan wadanka Malaysia iyo Sulu Archipelago oo ah jaziirad koonfur galbeed uga taal wadanka filibiin, inkastoo markii dambe ay guluf colaadeed oo lixaad leh ku soo qaadeen wadamada reer galbeedka, gumeesta haba ugu horeeyaan Spain iyo Portuguese si ay u wiiqaan xukunkii Saldanadi burinaay.


Qarnigii 19-aad gumeystihii reer galbeedka waxa ay ku guuleesteen in ay u kala qeybiyaan labo, waxaana gumeysanayey dalka Ingiriiska sanadihii 1888-kii ilaa 1984-kii lakin waxaa laga fara maroojiyay 1941-kii ilaa 1945-kii oo sy gacanta u gashay wadanka japan dagaalkii labaad ee aduunka mudo 5 sano ah maamulkiisa halkaa ka jiray.

Badka ay ku fadhiso isku geeyntooda waa 5,770 sq km(dhul: 5,270 sq km+ Bad: 500 sq km).


 
Burunei ayaa ah wadan isku filanaansho ka gaaray xag walba oo la xariirta nolosha dadka wadanka ku nool haba ugu horeeyso caafimaadka, waayo dadka dalka u dhashay xanuun walba oo la soo gudboonaado ayaa waxay  helaan  dabiibid lacag la’aan ah(free healthcare).
Dhaqaalaha wadanka ayaa ku tiirsan dhoofinta shidaalka iyo gaaska dabiiciga.


 
Hab dhaqanka dadka u dhashay wadanka ayaa ah wadan si wey saameen ku leh dhaqanka wanaagsan ee diinta islaamka taa oo mamnuuc ka ah in dalka dhaxdiisa qamro lagu sameeyo iska dhaaf in lagu iibiyo'e, sidoo kalana aanan laheyn waxa loo yaqaan night clubs inkastuu yahay wadan aqoonta iyo dhaqaalaha aad uga sareeyo.
Lacagta wadanka Bruneian dollar halkii US dollar waxa uu u dhigmaa 2.22 Bruneian dollar.

Dadka ku nool wadankan ayaa waxaa lagu sheegaa 372,361 warbixintii ka soo baxday Qaramada midoobe sanakii (July 2005).
 
Wadanka waxa ku nool qowmiyado kala duwan sida Malay 67%, Chinese 15%, indigenous 6%, other 12%. Dadka dhalasha ahaan waa Bruneian.
Isku celceliska dadka wadankan ku nool ayaa waxaa lagu sheegaa da’dooda sidan:
0-14 sano: 28.6% (lab 54,342/dhadig 52,084)
15-64sano: 68.4% (lab 134,908/dhadig 119,814)
65 sadno iyo kaweyn3% (lab 5,301/dhadig 5,912).
 
Caasimadiisu  waa Bandar Seri Begawan, dalkuna waxa uu xornimo qaatay 1 January 1984 kana xoroobay wadanka ingiriiska. maalinta qaranku waa 1 January 1984.
Wadanka malahan xisbiyo siyaasadeen waayo waa boqortooyo dhaxal ah.


Burunei waxa ay xubin ka tahay qaramada midoobe sidoo kalana waxa ay xubin katahay ururadan: APEC, APT, ARF, ASEAN, C, G-77, IBRD, ICAO, ICRM, IDB, IFRCS, IMF, IMO, Interpol, IOC, ISO (correspondent), ITU, NAM, OIC, OPCW, UN, UNCTAD, UPU, WCO, WHO, WIPO, WMO, WTO.



Maqaalka Xiga kala-soco Wadanka Combodia Insha'Allah.
Soo Saaraha Caaqil Anwar Diini.
Isku duba-ridaha Wariye Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia.....

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip