Maanso (MUQAAWAMADU WAA TEE) W/Q: xasan mohamed xasanali11@hotmail.com

0
Saturday August 15, 2009 - 16:24:55 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso (MUQAAWAMADU WAA TEE) W/Q: xasan mohamed xasanali11@hotmail.com

    Maansadaan waxaan ugu magac daray muqaawamdu waa tee,waana silsilad u banaan dhamaan abwaanada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda da'da yar ee dameeya xaalada dalkooda iyo cidii kale ee wax ka oran kartaba in ay ka qaybqaadato silsiladan,taas oo ja

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadaan waxaan ugu magac daray muqaawamdu waa tee,waana silsilad u banaan dhamaan abwaanada soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda da'da yar ee dameeya xaalada dalkooda iyo cidii kale ee wax ka oran kartaba in ay ka qaybqaadato silsiladan,taas oo jawaab u doonaysa erayga muqaawamo kaas oo ay cidwalba boorkiisa dhegsatay.


waxaan si gaar ah ugu halqabsaday saaxiibkay Galayr oo aan rajaynayo in uu jawaabta ugu horaysa ka soo bixin doono laakiin waa mid ka qayb galkeedu cidwalba u furan ahay.

dhamaan bajajka soomaaliyeed ee maalin laha ahna waxaan rajaynaynaa in ay dhiiri galiyaan suugaanta iyo xal u raadinta xaalada dalka.

Inkakastoonan Maalmahan
Titrin Maansadaydii
Inkastoon Mashquuloon
Mashaqada dalkaygiyo
Masiibada dadkaygii
Uga haray Macaankiyo
Miinlayda gabaygaba
Maantana ma mariyeen
Hadaan garan Muqaawamo
Maqsadkeedu wuxuu yahay
Ama mowqifkeedaba
Keebaase ugu Mudan
oo loo malaynkaraayaa
Malaayiintan kooxee
Midwaliba Midii kale
miinada wax laysiyo
Madfacoo kadaraniyo
Masaamiirta qaraxdaa
ula fadhiyo Meeloo
Garku Wada madowyahay?

Si aanaan u murugoon
Macnahana u Gaarnaa
Adaa Macalin weynehe
Mu'alifkii GALAYROOW
Bal noo muuji Meeshaad
Wanaagii Mudaysoo
xaqa uu ka muuqdoo
Inuu yahay Muqaawamo
Loo malayn Karaayaa?

Ma Maxaakiimtii shalay
Qabqablihi MUquunshoo
Intay Miiska nabadiyo
Madashii yimaadeen
Madaxnimadi qaatoo
Shacabkii Matalayaa?

Ma Maamulihi shuurada
oo intuu jago Maroorsaday
Isyaas mgansanaayoo
Gaal Meel u jiifoo
Yahuud Maamulaysaa?

Ma Maquustihii beri
Dalka Maamulaayoo
Asagoo Musaafira
Marti galisay Yemen baa?

Ma Maamulkii Carteedee
Maalbadan Samaystoo
Maandeeq Hasheenii
Tolkiisii u Maalaa?

Ma shirkii Maslaxadaba
Lagu Masabidaayoo
Muqdishoow ka dhacayoo
Mahdi uu Malaayiin
Meelcidlaa ka helay iyo
Xubnihii ka Muuqdaa?

Ma mujaahidiintii
Caydiid Mideeyoo
Intay Maxamed saareen
Magacaan lahayn iyo
dalki Mool ku ridaybaa?

Ma midaanan garnayn
Midkood Mucawid-taynkii
Marko joogi jirayoo
Waziir uu Mudnayn iyo
Jago lagu Manaystaa?

Ma moor yaanti beelaha
Abidkood Matali jiray
oo Magacoodi Doorshaa?

Ma askari Maskiinoo
Mudo soo shaqeeyoo
Masaajidda dhexdoodii
Madaxa looga toogtaa?

Ma Shabaabka maalmahan
Maatadi Xasuuqoo
Mabda'ooda kaan wadan
Miladaba ka saaroo
Cidda Maamulaysiyo
Hadafkooda Moogbaa?

Ma Maafiyada Badohoo
Maraakiibta Haystoo
Madax Furasho qaataa?

Ma oday Magac lahaayoo
Bulshadana Midayn Jiray
Oo intay inamo Maageen
Madixina ka gooyeen
Mushaarado ku qaateen?

WQ: xasan mohamed
xasanali11@hotmail.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip