B/Weyne, Galcad iyo B/Xaawo waxay iska xoreeyeen (Qorme Aqriste)

0
Wednesday August 19, 2009 - 06:47:02 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    B/Weyne, Galcad iyo B/Xaawo waxay iska xoreeyeen (Qorme Aqriste)

    B/Weyne, Galcad iyo B/Xaawo waxay iska xoreeyeen masiibadii sanoo-yinkii u danbeeyay Soomaliya oo dhan silica ku haayay ee loo yaqaan ( heer Gafuur duub), shacabka Soomaliyeed wuxuu aad ugu farxay jabka heer gafuur-duubeed, ka soo gaaray daagaanada k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

B/Weyne, Galcad iyo B/Xaawo waxay iska xoreeyeen masiibadii sanoo-yinkii u danbeeyay Soomaliya oo dhan silica ku haayay ee loo yaqaan ( heer Gafuur duub), shacabka Soomaliyeed wuxuu aad ugu farxay jabka heer gafuur-duubeed, ka soo gaaray daagaanada kor ku xusan, waxay hambalyo iyo bogaadin u diraayaan, dadka ka soo jeeda deegaanadaas is-xureeyey iyo mas'uuliyiintii hogaaminaysay.

Hadaba su'aasha taagan waxay tahay yaa geli-doona kaalinta afaraad (4) oo iska xoreyn-doona gafuur-duubtaan ku soo duushey dalka Soomaliya oo dhan, dadkii Soomaaliyeed, gaar ahaan inta ah wax ku ool, diintii, calankii Soomaliyeed, dowladnimada Soomaliyeed iyo dowladaha deriska la ah Soomaliya.

Dhinaca kale, shacabka Soomaaliyeed ilaa hadda wuxuu aad raali uga yahay dhaq dhaqaaqa ciidan ee ahlu sunah wal jamaaca ka wado dhammaan deegaanada Soomaliyeed, laakin su'aasha taagan waxay tahay ahlu sunah wal jamaaca ma waxay qoriga u qaaday inay difaacan diinta Alle, dalka lagu soo duulay iyo Dowladda FKMGS, mise waa urur diimeed cusub oo ah xukun-doon?.

Siday aniga ilatahay, haddii ay ahlu sunah wal-jamaaca qoriga u qaaday difaaci-taanka diinta alle, dadka iyo dalka lagu soo duulay, waxay aragtidu u dhow dahay inay dhamaaneyso shidadii Soomaliya ee soo jiitameysay (19) sano iyo dhowr bilood.

Laakin, haddii ay ahlu sunah wal-jamaaca ay qoriga u qaaday inay xukunka dalka ku qabsado Shaati Diimeed cusub, arrantu waxay noqon-doontaa jug jug meeshaadii joog, lasa ar-kidoonee.

Ramadaan Kariim dhammaan muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Ummada Soomaliyeed oo 100% muslin ah.

Xil. Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com

 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip