RAMADAANKA IYO RAAD RAACA AQOONTA GUUD?

0
Thursday September 03, 2009 - 12:35:52 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RAMADAANKA IYO RAAD RAACA AQOONTA GUUD?

    Madoonaysaa masa rabtaa in aad hesho macluumaad aqoon guug ah oo ku caawinkara inta aad noosha sida su’aalo iyo jawaabo .hadaba hamoogaan ooh aka maqnaan aqristow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madoonaysaa masa rabtaa in aad hesho macluumaad aqoon guug ah oo ku caawinkara inta aad noosha sida su’aalo iyo jawaabo .hadaba hamoogaan ooh aka maqnaan aqristow


Waa barnaamij cusub oo aan ugu tala galnay bisha barakaysan ee ramadaan waana kororso aqoontaada guud ama kedis kaas oo ugu magac darnay (RAMADAANKA IYO RAAD RAACA AQOONTA GUUD) hadaba aqristow hamoogaan bisha barakaysayy in aad faa iidaysato si aad beri u faa iidayso. Waxaana idin balan qaadaynaa in shalaaahu maalinkasta in aan idin soo gudbino barnaamijkaan cajiibkaa oo aad ka baranayso webkan. warsheekh.com Hamoogaan oo haka maqnaan aqristow.

Su’aal iyo jawaab aqoon guud
1.Su’ aal. Waxaad sheegtaa goortii la aas aasay ururka midowga afrika ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay sanadii 1963 kii.
2.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii uu dhacay dagaalkii kowaad ee dunida ?
Jawaab. Waxaa uu dhacay dagaalkii kowad ee dunida sanadii 1914 kii .
3.Su’aal waxaad sheegtaa goortii uu dhamaaday dagaalkii kowad ee dunida ?
Jawaab. Waxaa uu dhamaaday dagaalkii kowad ee dunidda sanadii 1918 kii.
4.Su’aal. waxaad sheegtaa imisa sano ayaa uu socday dagaalkii kowad ee dunida ?
Jawaab. Waxaa uu socday afar sano
5.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii uu dhacay dagaalkii labaad ee dunida ?
Jawaab. Waxaa uu dhacay dagaalkii kowad ee dunida sanadii 1939 kii .
6.Su’aal waxaad sheegtaa goortii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida ?
Jawaab. Waxaa uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunidda sanadii 1945 kii.
7.Su’aal. waxaad sheegtaa imisa sano ayaa uu socday dagaalkii kowad ee dunida?
Jawaab. Waxaa uu socday lix sano
8.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii uu bilowday dagaalkii kowaad ee koofurta sudan?
Jawaab. Waxaa uu bilowday dagaalkii kowaad ee koofurta sudan sanadii 1955 kii .
9.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii uu bilowday dagaalkii labaad ee koofurta sudan?
Jawaab. Waxaa uu bilowday dagaalkii labaad ee koofurta sudan sanadii 1983 kii .
10.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii uu dhacay dagaalkii dhagax tuur ?
Jawaab. Waxaa uu dhacay dagaalkii dhagax tuur sanadii 1949 kii .
11.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii la aas aasay ururkii dhalinyarada ee (S.Y.L) ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay ururkii dhalinyaradda ee (S.Y.L) sanadii 1943 kii .
12.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii ay somaaliya qaaadatay xurnimadeeda ?
Jawaab. Waxaa ay somaaliya qaadatay xurnimadeeda sanadii 1960.
13. Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii uu talada la wareegay maxamed siyaad bare ?
Jawaab. Waxaa uu talada dalka lawareegay maxamed siyaad bare sanadii 1969 kii.
14.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii la aas aasay boliska somaaliyeed ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay boliska somaaliyeed sanaddii 1950 kii.
15. Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii la qoray qoraalka afka somaaliga ?
Jawaab.Waxaa la qoray qoraalka afka somaaliga sanaddii 1972 kii
 
1.Su’ aal. Waxaad sheegtaa goortii lasoo hindisay aalada talefoonka ?
Jawaab. Waxaa la lasoo hindisay aalada taleefoonka sanadii 1875 kii.
2.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii ay jamhuuriyda jabuuti qaadatay xoriyadeeda ?
Jawaab. Waxaa ay qaadatay xoriyadeeda jamhuuriyadda jabuuti sanadii 1977 kii .
3.Su’aal waxaad sheegtaa goortii ay ku biirtay jabuuti jamacadda carabta ?
Jawaab. Waxaa ay ku biirtay jabuuti jaamacadda carabta sanadii 1977 kii.
4.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii ay ku biirtay somaaliya jamacadda carabta ?
Jawaab. Waxaa ay ku biirtay jabuuti jaamacadda carabta sanadii 1974 kii.
5.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii la aas aasay qaramadda midow ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay qaramadda midow sanadii 1945 kii .
6.Su’aal waxaad sheegtaa goortii la aas aasay laanta afka somaaliga ee Bbcy -da ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay laanta afka somaaliga ee Bbc-da sanadii 1957 kii.
7.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii ay qaaddatay xornimadeeda ameerika?
Jawaab. Waxaa ay qaadatay xornimadeeda ameerika sanadii 1776 kii
8.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii uu dhashay sayid maxamed abdulle xasan?
Jawaab. Waxaa uu dhashashay sayidku sanadii 1856 kii .
9.Su’aal. Waxaad sheegtaa immisa degmo ayaa uu ka koban yahay gobalka banaadir?
Jawaab. Waxaa uu ka boobanyahay 16 degmo(lix iyo toban degmo) .
10.Su’aal. Waxaad sheegtaa magacyada degmooyinka gobalka banaadir ?
Jawaab. Magacyadda degmiiyinka gobalka banaadir:
1- Shingani 6- yaashiid 11-wadajir
2-Shibis 7- kaaraan 12-waaberi
3-hodon 8- xamar jajab 13-wardhiigley
4- howlwadaag 9-xamarweyne 14- boondheere
5-heli waa 10-cabdicasiis 15-dharkiinley
16-dayniile
11.Su’aal. Waxaad sheegtaa orad yahankii somaaliyeed ee
1’500 ee mitir billadda dahabka ah ku qaatay?
Jawaab. Waxuu ahaa orad yahan kaas cabdi bile cabdi.
12.Su’aal. Waxaad sheegtaa somaaliya immisa gobal ayay ka koobantahay ?
Jawaab. Waxaa ay ka koobantahay somaaliya 18 gobal(sideed iyo toban gobal).
13. Su’aal. Waxaad sheegta ninkii horeeyay ee somaali ahaa ee ku hadlay 25 luqaddood?
Jawaab. Waxaa uu ahaa nin kaas cumar carta qaalib.
14.Su’aal. Waxaad sheegtaa wadan ku jira jaamcadda carabta markii lagu qoro af carabina ka bilowda alif iyo laam kuna dhamaada alif iyo laam inta
udhexaysa afartaas xarafna markii la qoro noqo naaya rukni ka mid ah arkaanta islaamka
Jawaab: waa dowlada somaaliya (alsomaal) الصومال ال صوم ال

15. Su’aal. Waxaad sheegtaa laba magaalo oo ka bilowda xarafka( J )oo uu maro
webiga jubba ?
Jawaab: Jillib iyo Jamaame


1.Su’ aal. Waxaad sheegtaa intii ay ahaayeen gobaladda dalkeena somaliya sanadii 1960-kii?
Jawaab. Waxaa ay ahaayeen gobaladda dalkeena 8 gobal .
2.Su’aal. waxaad sheegtaa magaca ninkii ugu horeeyay ee yurubiyan ah ee ku hadla 175 luqadood ?
Jawaab. Waxaa uu ahaa ninkaas ninkii la oran jiray magaciisa salfadoor .
3.Su’aal waxaad sheegtaa nin kii sameeyay medebka calanka somaaliya ?
Jawaab. Waxaa uu ahaa ninkaas maxamed cawale liban .
4.Su’aal. waxaad sheegtaa dowladii ugu horeysay ee afrikan ah ee lagu duqeeyay diyaarado ?
Jawaab. Waxaa ay ahayd dowlada somaliya .
5.Su’aal. waxaad sheegtaa goortii lakala qeybiyay qaarada afrika ?
Jawaab. Waxaa laqeybiyay sanadii 1884 kii .
6.Su’aal waxaad sheegtaa goortii la aas aasay caasimada somaaliya ee mogadisho ?
Jawaab. Waxaa la aas aasay 1003 qarni ka hor hada .
7.Su’aal. waxaad sheegtaa dalka uu u dhashay bad mareenkii kiristoofer koloombos?
Jawaab. Wuxuu u dhashay dalmareenkaas dalka talyaaniga.
8.Su’aal. Waxaad sheegtaa ninkii booddada sare ugu bootin dheeraa somaaliya magaciisa ?
Jawaab. Waxaa uu ahaa ninkaas cabdulle nuur waasuge .
9. Su’aal. Waxaad sheegtaa magacyada gobaladda dalkeena ?
Jawaab. Magacyada gobaladda dalkeena waa sidan :-
1-Gobalka baadir 2-Gobalka shabelada dhexe 3-Gobalka hiiraan
4- Golbalka galgudud 5-Gobalka mudug 6- gobalka nugaal
7-Gobalka bari 8-Gobalka sool 9- Gobalka sanaag
10-Gobalka Togdheer 11-Gobalka woqooyi galbeed 12-Gobalka Awdal
13-Gobalka shabeelada hoose 14-Gobalka Bay 15-Gobalka Gedo
16-Gobalka Bakool 17-Gobalka Jubada dhexe 18-Gobalka jubada hoose
10.Su’aal. waxaad sheegtaa dhirirka xuduudda dalkeena bad iyo berriba ?
Jawaab. Dhirirka xuduudda dalkeena bad iyo berriba waa 5500 oo km.3300 waa bad.2.200 waa berri
11.Su’aal. Waxaad sheegtaa goortii la dhisay warshadii sonkorta ee mareeray ?
Jawaab. Waxaa la dhisay warshada mareeray sanadii 1962.kii
12.Su'aal Waxaad sheegtaa magacii loo yaqaanay warshadii caagga ee gobalka jubbada hoose?
Jawaab. Waxaa loo yaqaanay magacaan oo ah (INKAS)
13- waxaad sheegtaa sideebaad abtigaa abti ugu noqon kartaa ?
Jawaab: Waxaad abtigaa abti ugu noqon kartaa waa awoowgaa hooyo oo guursada gabadh aad walaalo tihiin oo aaydaan isku hooyo aheen, hadii gabadhaasi wiil dhasho adna abti baad u tahay isna abtibuu kuu yahay oo hooyadaa ayuu la dhashay.
14-waxaad sheegtaa tiro kayar 100 oo loo qeybinkaro labo isla eg sedax isla eg afar isla eg lix isla eg sideed isla eg
macnaha tiro si isla eg ugu qeybsami karta oo haraa la aan ah ?
Jawaab: tiradii boqolka ka yarayd waa=24.

1.Su’ aal. Waxaad sheegtaa xariiqda dhulka kala qeybisa magaca looyaqaan ?
Jawaab. Waxaa loo layaqaan dhul-bare .
2.Su’aal. waxaad sheegtaa ninkii amxaarada jebiyay qarnigii lix iyo tobanaad ?
Jawaab. Waxaa uu ahaa ninkaas al-sayid .axmed ibrahim (axmed gurey).
3.Su’aal waxaad sheegtaa ninkii ajnabiga ahaa ee soomaaliya lagu dilay isagoo xornimada somaaliya u halgamaaya ?
Jawaab. Waxaa uu ahaa ninkaas kamaalu diin saalax.
4.Su’aal. waxaad sheegtaa bedka dhulka somaaliya ?
Jawaab. Bedka dhulka somaaliya waa 637-km(isku weer ah)
5.Su’aal. waxaad sheegtaa goormuu bilowday goormuusa dhamaaday halgankii axmed gurey ?
Jawaab. Waxaa uu bilowday 1528 wuxuuna dhamaaday 1542 dii .
6.Su’aal waxaad sheegta halkuu ku dhamaadaa webiga shabeele ?
Jawaab. Waxaa uu ku dhamaadaa tuuladda dhaay tubaako oo u dhexaysa jilib iyo shalaambood.
7.Su’aal. waxaad sheegtaa Adolph Hitler goormuu dalka jarmalka madaxweyne ka noqday ?
Jawaab. Waxaa uu ka noqday sanaddii 1933 kii.
8.Su’aal. Waxaad sheegtaa webiga jubba xaguu ku dhamaadaa?
Jawaab. Waxa uu ku dhamaadaa badweyta hindiya .
9.Su’aal. Waxaad sheegtaa magacii loo yiqiin warshadii yaanyada ee gobalka shabelada hoose?
Jawaab. Waxaa loo yaqiin magacaan o ah (ITOP) .
10.Su’aal. Waxaad sheegtaa goormuu cabdirashiid cali sharmaarke dalka somaaliya madaxweyne ka noqday ?
Jawaab. Waxaa uu somaaliya madaxweyne ka noqday sanadii 1967 kii .
11-Su’aal Waxaad sheegtaa oraah-dii Xikamadda laheyd ee uu yiri General Maxamed Siyaad Barre Markii laga saaray Magaalladda Muqdisho?
Jawaab: Wuxu yiri Dal waan ka tagay Balse dad kama aanan tagin.
12-Su'aal Waxaad sheeg goorma ayaa la hir-galiyey madbacaddii ugu horeesay ee caalamka?
Jawaab- waxa la hir-galiyey sanadkii 1940-kii


13- su’aal: waxaad sheegtaa haweeneey ayaa waxa eey guursatay afar nin shanmaalmood gudahood sababtu waa maxaay?
Jawaab: waxaa ay tahay sababtu sedaxda ugu horaysa waa ay guursadeen waxa ayna fureeniyagoon jimaacin kan afaraadna waa uu guursaday waana jimaacay .
14-Su'aal: waxaad sheegtaa aayad qur’aanka kariimka kamid ah oo ka kooban shan xaraf iyo shan dhibcood iyo shan shaqal ?
jawaab.yaayadii quraan waxaa ay ahayd (thuma nadara )

Lasoco berito insha allaahu qeybta (shanaad) EE RAMADAANKA IYO RAAD RAACA AQOONTA GUUD
Qore:Bashir Abdullahi Egale
E-mail:
bashiirweyne008@hotmail.com
Addis Ababa-Ethiopia…….

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip