Dowlad Maqaarsaar ah Mucaarad Maro ku dheg ah, iyo Maato Madfac u jooga

0
Thursday September 03, 2009 - 12:40:04 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlad Maqaarsaar ah Mucaarad Maro ku dheg ah, iyo Maato Madfac u jooga

    Waxaa si joogta ah u socda dagaaladii ehliga ahaa ee lagu dilayay muslinka aan waxba galabsan iyada oo magacyo iyo muuqaalo xunxun qoloba qolada kale ku tilmaamayso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si joogta ah u socda dagaaladii ehliga ahaa ee lagu dilayay muslinka aan waxba galabsan iyada oo magacyo iyo muuqaalo xunxun qoloba qolada kale ku tilmaamayso

Hadaba waxaan doonayaa inaan wax yar oo kooban ka idhaahdo,
dowlada soomaaliya oo sheegatay inay qaadatay shareecada islaamka oo ku fashilantay

ka dib markay beenaysay balantii ay la gashay ilaahay una sheegtay shacabka masaakiinta ah ee dhibaataysan . ilaa hada waxay dowladu keensataa ciidamo ajnabiya oo oo difaaca sanaad meleteri weli dowladu ma keenin gargaar bani aadminimo eek u socda bisha barakaysan maatida waayeelka iyo agoonta , iyo haweenka roobka iyo gaajada iyo xanuunada ku haystaan banaanada magaalooyinka . ma jiro masuul gaadhay goobaha dadka barakacay iyo masuul gaadhsiiyay deeqa waxay dalxiis ku marayaan madaxweyne shariif iyo ra,iisal wasaare sharma,arke wadamo dhisan oo nabada oo ragii lahaa dhistay iyagana waxayba ku qanacsan yihiin magacyada ay wataan ee aan lahayn waxqabadka buuxa waxaa la gaadhay waqtigii lala xisaabtamayay madaxda sarsare ee dowlada soomaaliya.

Dowlada Federaalka soomaaliya ee madaxweyne shariif ka yahay horjoogaha oo raacday raadkii TFGda oo ahaa keenista ciidamada itoobiya shalay
shariifku waxaa uu ku soo caanbaxay mucaaradka uu kala horyimid dowlada deriska ah ee itoobiya oo nacayb iyo cadaawad iyo colaad guuna naga dhaxayso marnabana aan dann umad soomaaliyeed leedahay ka shaqaynayn haddii xaalka shariif yahay (la jiifiyaana banana la joojiyaana banana) waxay arintu noqonaysaa in meesha aysan dowladi ka jirin ee ay tahay magac u yaal ma jiro masuuliyiinta sare oo ilaa hada ka hadlay xadgudubyada ay ka wadaan gobolka hiiraan iyo galguduud iyo gedo iyo bay iyo bakool. Hadii aysan dowladu isku filnayn ciidankeedu waxaa ila haboon haday dowladaha islaamka ciidan waydiisato haddii aysan haysan taageero shacab iyo mid ciidana waxaa ila haboon inay kalsoonida shacabka haday hanan kari waayeen iska wareejiyaan xilalka ay hayaan oo u dhiibaan dad wadi kara
iyaguna iskaga huleelaan meesha , maahmaah guuna ayaa tidhaahda ( ama waa la muuqdaa ama madasha lama tago)

Mucaaradka dowlada waxaan iyana inoo muuqata inay u xoog wayn yihiin muslinka waxaa cadaana inay sii daayeen faransiiskii gaalka ahaa waxaa cadaana inay markay indhaha ka qadaan kaaraha itoobiya ay orodkooda iyo fadalkooda geelu ka cabayo oo aysan doonayn inay ku jihaadaan ee ay meel walba banaynayaan waxayna banaysteen dhiiga muslinka maatida iyo masaakiinta , waxay dhaceen hantidii umada hantidii qaranka mucaawinadii masaakiinta way ku fashilmeen magacyada ay sheegan jireen iyo balamihii beenta ahaaa ee ay idaacadaha iyo masaajidyada kasii dayn jireen ee ahaa inay yihiin xaq doon .

Xaq doon maah waa xukun doon, nin aan xeerinayn diinta islaamka xukunkeedana xeerin mayo, waayo bilaha xurmaysan , iyo dhiiga laga xaaraameeyay , iyo xoolaha muslinka

Iyo xaqa haweenka iyo xuquuqda iyo xeerka dagaalka intaba niman aan xad ka celi lahayn xeer islaam ma yaqaanaan xukunkiisana shaqo kuma laha ee waa wadaad maro ku dhega oo doonay una xusul duubayaa kursiga ee ilaahay isagaa qaadira ee haynaga qabto fadliga bishaa barakaysan sharkoodana ilaahay iyaga haku koobo .

Maatada soomaliyeed waxaa iyagana haleeshay aafo iyo inkaar ay galabsadeen
Ilaahay cidna ma dulmiyo dad iyagu is dulmiya maahee umadyahay danbi badan ayaad gasheene is cafiya oo caadifada qabiilka iyo cunsuriyada jahliga iska dhaafa

Oo ilaahay baryaa oo iska dhawra oo ka dheera umada ilaahay cuudkooda iyo cirdogoodana amaan siinayaa ilaahay waa caadil oo calool baahan oo soomaan oo cibaada dhaba la timaada

Codkeeda waa maqlayaa ee ilaahay baryaa oo calaalaha kor u taaga dowlada shariif iyo xibiga shirqool iyo al shaqaaq, midna waxba iidiinma soo wado waxaydaan gacmihiina ku keensan

Oo daacadnimadiina ku keensan oo islaamnimadiina ku keensan oo codkiina iyo cududiina ku keensana arki maysaan.

Umada soomaaliyeed weliba gobolada bartamaha iyo koonfurta soomaaliya waxaa haleeshay masiibo ka bilaabatay dulmi, xaqdaro, xisdi , qabyaalad, iyo cadaalad xumo, ee intaas dawadeeda qaata oo ku bedala daacadnimo, xaq aqoon , caloolsamaan , wadaniyad, iyo cadaalad falid.
Wabilaahi Tawfiiq

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip