HADDAAN NAHAY SOOMAALI MARNABA MA AYNU ARAGNO KHALADAAD KEENA

0
Thursday September 03, 2009 - 12:41:23 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADDAAN NAHAY SOOMAALI MARNABA MA AYNU ARAGNO KHALADAAD KEENA

    Haddaan nahay Soomaali marnaba ma aan aragno wax walba oo wanaag ah,lakiin waxaan aragnaa wixii khaladaad ah oo aynu rabin amase aan raali ka aheyn in ay taaba galaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaan nahay Soomaali marnaba ma aan aragno wax walba oo wanaag ah,lakiin waxaan aragnaa wixii khaladaad ah oo aynu rabin amase aan raali ka aheyn in ay taaba galaan.

Waxaan layaabay markii aan dhagaytay Xildhibaan Soomaaliyeed oo ku an dacoonaya shan iyo toban sano ayaan dekaddii xamar aan hayey,waxaana igaga baxday maal farabadan oo aan la soo koobi karaynin,waxaana ku wareejiyey dowladdii markaas timid,waxaa iyadana meesha ku jirta shan iyo tobankaas sano wixii miisaaniyad ahaa ee ka soo baxday Dekaddii Xamar Xildhimaanku mahayaa wali,mise dowladdii hore ayuu ku wajeejiyey wixii dhaqaalo ahaa ee shacabka soomaaliyeed uu u'hayey illaa hadda dhaqaalahaas waa ay kaa sugayaan halka ay mareen amase ay ku danbeeyeen.

Waxaa kaloo is waydiin mudan Dhulkii Dowladdii hore,hantidii shacabka soomaaliyeed Dhulalkii iyo Beerihii iyagana waan sugaynaaye goormaa iyagana la wareejin doonaa. Haddaaan nahay Soomaali marnaba ma aynu aragno khaladaad keena
laakiin in aanu wax dhalaaceyno aad iyo aad ayey noogu sah lan tahay.

waxaa iyana meesha ku jirta oo ubaahan in la is tusaaleeyo maxaa keenay in laga hadlo Dekedda Xamar oo loo magacaabay Wasiir cusub oo xilkiisa la wareegaya,maxaase looga haddi waayey markuu hayey wasiirkii hore. Taas macnaha ka dan beeya waa khaladaadka ka taagan koonfurta soomaaliya oo mar naba aan u'arag wax walba oo is badal ah wanaag.

Xildhibaanka waxaa oga fiicneed maalka faraha badan ee uu galiyey dekadda Xamar in uu galiyo Dekedda Hobyo oo maanta iyo shalayba ubaahneyd in ay hesho Deked Caalamiya.

Waxaa iga talo ah xildhibaanoow in aad u'olalayso sidii Deked looga her gelin lahaa Magaalada Hobyo lana kaa shatid Wasiiradiina,xildhibaanadiina iyo inta saaxiibadaa ah si markaas codsi ugu dirsataan Dowladda in ay wax ka qabato baahida loo qabo in ay Hoyo hesho Deked ogana kaaftoomaan wax oga yimaada Xamar iyo Boosaasaba.

Marka aan in yar uguda galno taariikhda Hobyo. Hobyo waxa ay aheyd Magaalo weyn oo xiriir la laheyd wadamo badan oo ay kamid ahaayeen sida Hindiya,Yemen,Faarisiintii,Turkiya iyo Afrikaba marka ay aheyd taariikhda 1894kii Dadka Hobyo daganaa waxay ganacsigooda oga iman jireen wadamaas waliba Hindiya,Yemen iyo Tansaaniyaba. waxaa anigu iga sii yaabasan Nin dhulkiisii isaga in kiraya oo waliba xaqiraya umaleyn mayo in uu wax uqabanayo.

Illaahoow Ummadda Soomaaliyeed wixii Kheyr ah la kulmi dhexdoodana dhig is jeceyl iyo wallaaltinimo aan marnaba aan dhamaan.

Aamiin

Qore cabdi cali

Usrababdallah@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip