BARAKICISAYE KAALMADA HA,UDIIDIN (Maqaal Xiiso Badan)

0
Thursday September 03, 2009 - 12:43:34 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BARAKICISAYE KAALMADA HA,UDIIDIN (Maqaal Xiiso Badan)

    Waxaan dhamaan shacabka Somaliyeed u soo bandhigayaa arin muhiim ah oo ku saabsan waxa sidaqada ay iska soo ururahaan jaliyaha ku nool Shanta Qaarad si isku mid ah logu qeeybin waxaan marar badan ku aragnay Tv iyo wargesyada in meela qaasa ay ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan dhamaan shacabka Somaliyeed u soo bandhigayaa arin muhiim ah oo ku saabsan waxa sidaqada ay iska soo ururahaan jaliyaha ku nool Shanta Qaarad si isku mid ah logu qeeybin waxaan marar badan ku aragnay Tv iyo wargesyada in meela qaasa ay marwalba geyaan midaas waxey nagu dhalisay hadaan nahay qeeb ka mida jaliyadaha

.Somaliyeed in aan u gurmano qeybaha sida aadka looga
bara kacay oo helin takuleyn lamda mid ay helaan qeybaha
kale ka dib waxaan sameynay gurmad gudi dhaqaale nasiib
wanaag mudo ka dib waxaa inoo surta gay in aan ka soo
aruurino Jaaliyadaha ku nool Magaalada aan daganay lacag
taakuleyn ah oo aan ugu talagalnay walaalaheyn Musliminta ah
ee ku dhibateysan Dalka gudahiisa markaas kadib waxaan bilownay
in laraadiyo ruux aamin ah oo garsiiya sidaqada inkastoo waqti badan
nagu qaadatay helida ruux lagu aaminkaro oo dalka gudahiisa joogo

Mudo ka dib waxaan helnay Telfoonka mid ka mida dadka kaalmoyinka ay
u marsiiyaan Jaliyadaha dibada inta badan laakin aqristoow wuxuu inagu
yiri ANIGU MEESHAAS MAGEYEN KARO WAYOO MEEL AMAANA MA.AHAN
LAAKIN WAXAAN GEYNKARAA MEELO KALE UU ISAGU INOO SHEEGAY

Intas kadib inagoo aad iyo aad u niyad xun oo ay nagu adag tahay sidaan
ku helikarto ruux aamina. raadin badan ka dib waxaan helnay hab kale oo
aad ula yaabnay oo ah sida kaliya ee lagu geyn karo meshaan ugu talagalnay
sidaqada oo ah melaha inta badan helin kalmooyin ee dhibaatada badan ka jirto

Waxaa nagulayiri hadaad doneysaan in kaalmdadiina gaarto Galgalato,Ceel cade
Waxara Cade, Cisaleey, Ceel Macaan, Gubadley, Sheekh Cali C/lle,
Waxaa jira Xafiis ay leyihiin Qolooyinka Dadka bara kiciyay oo lasiiyo lacag
dhan 150 us dolar markii arinkaas shaqsiyaadkii Sidaqada ka soo arurinay u
sheegnay oo ku niri 150 us dolar waxaa qadanaya Nimankaas waxey jawaabtu
noqotay 150 us dolarka sow dadka aan kaalmada u direyno lagu sii barakicinmaayo
jawaatu wey iska cadahay lacagtaas waxaa loo isticamalayaa ku soo iibsiga rasaasta


Ugu danbestii dhamaan inta ka naxeyso Shacbiga Somaliyeed ee dhibateysan
waxaan ka codsaneynaa cidii gacan inagu siin karto habkaan ku gaarsiin karno
deeqdaan ugu talagalnay dadka dhiban iydoo kuwa gumaadayo aan lasiin 150 us dolar
ee qasabka ah waxaan idinka sugeynaa walaalaha Somaliyeed ee samaha jecel gacan aamina
waxaan kaloo barakacayaalka ku nool melahaan kor ku soo sheegnay in ay hurdada ka
kacaan oo iska dul qaadaan kuwa barakicinaayo ee gashan shaardimeedka beenta ah
deeqdii loo soo dira dariiqa u taagan

Wabilaahi Towfiiq

Jaaliyada Banaadir ee Sweden

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip