Axmed godane somaliland miyuu gubaabiyay ? Mise wuu u goodiyay? (Ra'yi)

0
Sunday September 06, 2009 - 14:36:31 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed godane somaliland miyuu gubaabiyay ? Mise wuu u goodiyay? (Ra'yi)

    Bismilaahi Raxmaani Raxiim Waxaa dhamaan shacabka soomaaliyeed dhagaysteen hadalkii hogaamiyaha alshabaab Axmed cabdi godane ee la magac baxay abuu zubeyr hadalka axmed cabdi godane Ayaa ahaa mid qofba si u arkay oo dhinacyo badan taabanayay. Waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Raxmaani Raxiim Waxaa dhamaan shacabka soomaaliyeed dhagaysteen hadalkii hogaamiyaha alshabaab Axmed cabdi godane ee la magac baxay abuu zubeyr hadalka axmed cabdi godane Ayaa ahaa mid qofba si u arkay oo dhinacyo badan taabanayay. Waxaan hadaba doonayaa inaan qeexo hadalka axmed cabdi godane ma gubaabo uu dadkiisa iyo dalkiisa gubaabinayaybaa mise wuu u goodiyay oo hanjabaad ayuu ka waday.



Axmed godane ayaa colaadiisa waxay bilaabatay ka dib isaga oo arday ah markii loo sheegay inay koonfur dhamaan gobolada waqooyiga caadaadis ku hayso taas oo sababtay inuu halgankii SNM Ka qayb galo isaga oo arday ah xiliyadii 80meeyadii , markii dagaalkii dhamaaday ee SNM soo gaashay waxaa uu filaayay in SNM ay ku soo duuli doonto koonfur balse may dhicin cadhadii ayuu afgaanistaan aaday nasiib wanaag waxaa uu ka helay meeshaas barnaamij la yidhaahdo dadka islaamka ah diinteey jecel yihiin fekerka aad qabtona diintaa loogu gaban karaa sidaa awgeed manta waxaa noo muuqata inuu caadawad xeeldheer oo fog u qabo gobolada koonfureed habeena uusan jeclayn in hargaysa iyo baligubadle war xun ka soo yeedho waxaana taas cadaynaysaa gubaabada maqalka ah ee uu dalkiisa iyo dadkiisa siiyay.

Waxaa maalmahan idaacadaha wargaysyada iyo warbaahinta oodhan qaadaa dhigayeen

Arimaha siyaasadeed ee murugsan ee dhinaca doorashooyinka soomaaliland
Axmed cabdigodane oo ka war helay inay itoobiya mucaaradka u cago juglaysay
Ayaa isaguna isku dayay inuu riyaale u sheego inuu yahay nin somalilander ah
Oo ciidan iyo awood ku haysta soomaaliya gudaheeda tolkiisna waa la dardaarmay

Oo waxaa uu yidhi sida koonfur ha noqonine ee dalka iyo dadka inoo ilaaliya.
Gubaabada godane ayaa waxaa uu adeegsaday gabayo iyo suugaan iyo hadalo muhiima

Marnaba afkiisa kamay soo bixin inay mucaaradka rido yihiin inay muxaafidka dowladu gaalo yihiin inay shacabka soomaaliland cadawga ilaahay afkiisa lagama maqal

Mar walbana waaxaa uu gaalaysiiyaa dowlada soomaaliya ka jirta shacabka aan isaga taageersanayna waxa auu ka dhigaa cadawga ilaahay
Sida aad ogtihiin isaga iyo saaxiibkiis fu,aad shangole midkoodna waxba kama sheego Labada maamul ee ay kasoo jeedaan .

Hadaba miyaysan ahayn sheekadu lafo maroodi iyagaa laysku jebiyaa
Oo dadkii reer koonfureed maadaama qabiil ahaan iyo qawmiyad ahaan aan waxba lagaga qaadi karayn bal xaga diinta aan ugu gabano si gumaaadkoodu noogu sahlanaado.

Dhamaan shacabka soomaaliyeed waxay marqaati ka yihiin alshabaab inay sii daayeen oo ay dhaqaale dhaafsadeen ninkii cadaanka ahaa ee faransiiska ahaa waxayna maalin walba gacmaha ka gooyaan dhalinyaro aan waxba galabsan oo ka biyo diiday fekerkooda iyaga oo qiil u sameeyaa waxay qoorta ka gooyaan shacabka iyo maatida iyo dhamaan waayeelka iyo waxgaradka iyo aqoonyahanka iyo culumada intii wax fahmi karta .

Maxaa la gudboon shacabka reer koonfureed ma inay habaaraan mise inay gacanta wax iskaga dhiciyaan sheikh bashiir oo ahaa hogaamiyayaashii gumaystaha la dagaalami jiray ee reer togdheer ayaa hada ka hor shirayay culumo waxaa uu dhahay aan cadawgan dalkeena ku soo duulay la dagaalano waxay ugu jawaabeen sheikh waynu habaaraynaa waxaa uu yidhi habaar waxba ma taro ee aynu gacanteena ku ciil baxno waa laga batay

Waxaa uu soo qaaday koob bakeeri ama bilaale qofba sida uu u yaqaan salaadii subax ayuu culamadii hor dhigay waxaa uuna yidhi waxaad ku aqridaa nin walowba waxaad taqaan waa inaad ku jebisaa koobkaas oo uu kala faniinaa markay ilaa maqribkii wadeen koobkiina jabi waayay ayuu bakoorad qaaday oo ku dhuftay oo yidhi ducada iyo habaarka iyo quraanka gacan ayaa la raaciyaa ee cadawgeena aan iska celino sidii ayayna ingiriiska kula dagaalameen waxaana lagu dilay magaalada burco sheekha ilaahay haw naxariistee.

Hadaba shacabka reer koonfureedoow waxaan idin leeyahay mooryaanta axmed godane iyo fu,aad shangole waxba idiinma hayaan ee gacantiina maala oo laba dhimasho tii roon doorbida. Haddii kale waxaad ku sifoobi doontaan kuna danbayn doontaan dad aan macno iyo milgo lahayn. Nafteenaa iyo maalkeena iyo muruqeenaba waa inaan kaga hortagnaa alshabaab iyo intii la feker ah.

Wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip