Udiyaargarowga Maalinta Ciida Oo Siweyn looga Dareemayo Suuqyada Hargeysa (Sawiro)

0
Wednesday September 16, 2009 - 22:39:14 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Udiyaargarowga Maalinta Ciida Oo Siweyn looga Dareemayo Suuqyada Hargeysa (Sawiro)

    Diyaargarowga Maalinta Ciida oo si weyn looga dareemayo guud ahaan Suuqyada kala gedisan ee Dunida Muslimka ahi ayaa hadana waxa qormadaani kusoo qaadan doonaa qaabka ay ugu diyaargarowayaan dadka ku dhaqan magaalo madaxda Dalka Somaliland ee Hargeys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaargarowga Maalinta Ciida oo si weyn looga dareemayo guud ahaan Suuqyada kala gedisan ee Dunida Muslimka ahi ayaa hadana waxa qormadaani kusoo qaadan doonaa qaabka ay ugu diyaargarowayaan dadka ku dhaqan magaalo madaxda Dalka Somaliland ee Hargeysa.







Magaalada Hargeysa oo ah magaalo aad ubalaaran isla markaana ku talaabsaday horumar lixaad leh hadii ay ahaan leheed dhanka ganacsiga iyo waxbarashada, ayaa iminka waxa ay umuuqataa in ay gashay kaalinti ay baneesay Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho oo halakeeyeen dagaalada sukeeye ee dhamaadka laheyn.

Qeybaha kala gedisan ee ka kooban yahay Suuqa magaalada hargeysa ayaa waxa indhahaagu qabanayaan dadweynaha reer hargeysa oo si raxan raxan ah wax uga iibsanayo isuna diyaarinayo maalinta ciida ee inagu soo fool leh.



Masjidka Jaamacada oo ah Masjidka ugu Weyn ee Hargeysa



Wadooyinka magaalada Hargeysa halbowlaha u ah sida wadada wadnaha ay marta inta badan xarumaha ganacsiga sida shirkadaha isgaarsiinta iyo kuwa xawaaladaha ayaa gabi ahaan xirmay kadib kolka uu xamili waayay suuqa in si wadajir ah ay isula maraan wadada gaadiidka iyo dadweynaha.






Carwooyinka Daarisalaam, Dolar Store, Hadiya iyo kuwa kale oo dhoor ah ayaa ahaa kuwa ugu badan ee sida weyn usoo jiitay dadweynaha reer hargeysa halka shirkadaha isgaarsiinta ka howlgala dalka somaliland ay iyagana si weyn ay usameeyeen qiimo dhimis aad uhooseeso iyadoo kolka hoena ay farqi weyn oo sicirka kuhadalka telfoonka ka hooseeyay dhinaca kowfurta soomaaliya.

kala sareenta sicirka ku hadalka telfoonka ee gobolada kowfureed iyo kuwa waqooyi ayaa waxa ay yihiin farqi aad ubalaaran oo aad larumeesan karin iyadoo shirkadaha isgaarsiintuna yihiin mid qura oo ay labada dhinacba xarumo ku kala sameesteen.

Tusaale 1$ ayaa waxa lagula hadlaa gudaha G/koofureed 10Minits
Dhinaca Kale 1$ ayaa waxa lagula hadlaa gudaha Somaliland 25Minit
Shirkadaha Telkom iyo Nationlink ee ka howlgala somaliland ayaa waxa ay sameeyaan tartamo iyo soo jiidashada macaamiisha cusub iyagoo usameeyo Adeegyo gaar ah iyo Baqtiyaaniibyo muhiim ah oo lagu helayo lacago adag inkastoo aad dareemeeso in sibalaaran ay uqaateen dadka somaliland Simcarada Shirkada Telsom oo kowfurta looga Yaqaano Hormuud.






Hadaba Horumarka Balaaran ay ku talaabsadeen Bulshada Reer Somaliland ayaa waxa uu kaga dhigan yahay mid aanu laheen mataan la tartanta waayo waxa meesha ka maqan hooyada magaalooyinka Afrikada bari ee Muqdisho oo Nasiibsatay Dagaalo aan dhamaad laheeyn oo ay daabka u hayaan wax magarat ku Abtirsada iyo Ajaanib Daaha Hoose ka cayaarto








W/D: Webmasterka Shabakada Warsheekh
Abdirahman Sheikh Abdullaahi
E-Mail:
Farxad95@hotmail.com
-
webmaster@warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip