Warqad furan oo ku socota Mr. Rayale , Madaxweynaha Somaliland (BY: Bashiir Goth)

0
Wednesday September 16, 2009 - 23:33:58 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1175
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warqad furan oo ku socota Mr. Rayale , Madaxweynaha Somaliland (BY: Bashiir Goth)

    Marka ugu horreysa waxaan kugu hambalyeynayaa hawsha aad qabatay. Waxqabadkaaga waad ku ammaanantahay marka la eego duruufaha adage ee ka jira gobolka iyo kadaraha waaweyn ee ku horyaalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka ugu horreysa waxaan kugu hambalyeynayaa hawsha aad qabatay. Waxqabadkaaga waad ku ammaanantahay marka la eego duruufaha adage ee ka jira gobolka iyo kadaraha waaweyn ee ku horyaalay.

 Runtii sida aad u ilaalisay nabadda iyo xasiloonida dal faqiir ah, aan la icitiraafsanayn oo  rukumo jilicsan oo qabiil ku fadhiyaa waa mid mucjiso ku dhaw. Waxa sidaas kuu suurto geliyey samirka iyo adkaysiga lagugu yaqaano iyo sida aad mar walba ducada uga doorato dagaalka xataa marka ay noloshaadu halis gasho. Ujeedadaydu ma aha, Mudane Madaxweyne, in aan sheegsheego wax qabadkaaga ama aan taataabto waxqabad darridaada, laakiin waxan hubaa in taariikhda iyo dadku xusuus naxariis leh kuu hayn doonaan.

Hase yeeshee waxad ogaataa sida had iyo jeerba dhacda in waxa xusuusta ku hadhaa ay tahay waxa ugu dambeeya. Sidaa awgeed ayaan maanta kugu boorrinayaa, Mudane Madaxweyne, in aad xukunka iskaga degto. Waan garanayaa in aanay arrintani fududayn oo ay kuwa kugu xeersan ee kula taliya ay taladaydan ku qaabili doonaan cadho iyo gacan ku saydh. Waxa laga yaabaa xataa in aanay akhriyin maqaalkan si ay u ogaadaan afkaarta meesha aan soo gudbinayo oo ay marka ay mawduuca mildhadaan ay markiiba igu daraan dadka Rayaale nacaybka la buka.

Mudane Madaxweyne, aniga qudhayda maqaalkani iigama soo bixin si dhib yar. Markaan in badan ka fikiray ayaan goostay in aan raaco hadalkii uu yidhi ninkii Martin Luther King Jr ee ahaa “Marka ay wax walba dhammaadaan waxa keliya ee aan xusuusan doontaa ma aha eryada cadawgeena ee waa aamusnaanta saaxiibadeen.”  Sidaa awgeed waxan goostay in aanan kaa aamusin aniga oo arkaya in aad dayn ka sii dhacayso. Waxay ila noqotay in aan dhawaaqa kor kuugu qaado oo aan kaaga digo khatarta aan ka arkayo anigoo sheed jooga oo uu si fiican iigu muuqato dildilaaca gidaarka haleelay. Mudane Madaxweyne, dildilaaca ballaadhkiisa iyo qotadiisa cid walba meel fog bay uga muuqdaa. In uu aqalka kartoonka ka samaysani dumayo cid walba way u jeedaa laakiin  waxa muuqata in aanad adigu arkayn. Maxaa yeelay dadka kugu xeersan baa kugu wareejay gidaar sabbad ah oo kaa qarinaya waaqica siyaasadeed ee dalka ka jira hase yeeshee gidaarka sabbada ahi waxba kaaga tari  maayo daadka kugu soo food leh. Haddaba marka uu daadku soo jabiyo moosaska beenta ah, kuwa kugu xeersan oo dhani way kaa yaaci doonaan oo kelidaa ayaad daadka is haleeli doontaan.

Mudane Madaxweyne, taariikhda waxa ka buuxa cibaaro badan. Ma jecli inaan tusaalooyin soo qaato, laakiin waxa muuqata in aad hayso jid taariikh xumo ku jirto. Jidkaasi waa kii ay mareen boqorro iyo hoggaamiyeyaal badan oo nasiib darran oo ay indha-tireen gidaaradii ay ku wareejiyeen kuwa ku xeersanaa. Way adag tahay in aad maqasho dayaanka iyo buuqa dibadda ka socda maxaa yeelay waxad maqashaa oo aad aragtaa oo keliya waxa ka dhacaya afarta gidaar ee qasrigaaga iyo warbixinta laguu keeno ee kuu sheegaysa in wax walba ay fiican yihiin shicibkuna weli kuu gadh lulayo.

Mudane Madaxweyne waan hubaa in aad u malaynayso in aad wax walba ogtahay oo aanu hadalkaygu wax micno leh kugu kordhinaynin hase yeeshee arrin laga yaabo in aanad niyad ku haynin baa jirta oo ah in aad kursiga ku fadhiday mudo dheer. Habase ahaatee waxa buuqu ka dhacayaa ma aha kursiga ee waxa weeyi adiga oo gacanta ku haya isha keliya ee dhaqaale. Toddoba sanadood waqti dheer ma ahaateen haddii dalku qani yahay, haddii dadka badidiisu shaqo wada haysto oo dawladu tahay il ka mid ah ilaha dhaqaale ee dalka. Laakiin mashkaladu waxa weeyi sida ka dhacda dalal kale oo adduunka saddexaad ah dawladda ayaa ah meesha keliya ee dhaqaale laga helo. Sidaa awgeed ayaa shicibka gaajoonaya ay siyaasiinta gaajoonaysa si dhib yar ugu kicin karaan oo ugu dhirri gelin karaan in ay ku qamaamaan kuwa qasnadda dawladda gacanta ku haya. Cidina dan kama laha haddii ay qasnadu madhan tahay waxa keliya ee loo dan leeyahay waxa weeyi in la wareejiyo weelka baryada. Taas baa toddobada sanadood ka dhigtay waqti dheer in weelka baryadu ku jiro qof keliya ama koox keliya gacantood. Arrintan baa sal u ah dagaalada ka dhaca qaaradda Afrika sida aan waa hore ugu tilmaamay gabay aan u tiriyey wiilkayga markii uu ku jiray uurka hooyadii oo aan idhi: “dhawrtay isku laayeen tolkay, dhiigna loo qubaye, waxa dhagarta loo galay anaan dhiilka la ii shubine...”

Mudane Madaxweyne, dhiirrigelinta aan kugu dhiirrinayo in aad xukunka iska dhiibto macnaheedu ma aha in ay nimanka mucaaridka hoggaaminayaa kaa fiican yihiin, mana aha in aanad doorashada ku guulaysan karayn. Waxan kuugu boorrinayaa in aad meesha ka tagto waxa weeyi aniga oo doonaya in aad soo mudh bixiso runta nimanka mucaaridka ah oo aad u diido sababta keliya ee ay u adeegsanayaan in ay dalka fawdo kaga dhaliyaan oo dagaal sokeeye ku ridaan. Hawl badan iyo waqti badan ayaad u hurtay sidii aad uga ilaalin lahayd guriga kartoonka ahi inuu kala daato mana ahayn hawl fudud. Laakiin xikmad iyo dulqaad aad u lahayd awgeed ayaa kuu suurto gelisay in aad kartoonada isku hayso inkasta oo ay jireen xoogag badan oo doonayey in ay kala tuuraan. Sidaa awgeed waa dantaada Mudane Madaxweyne in ay meeshu kaa dambayso oo aad guriga oo weli taagan wareejiso wixii hore u soo gaadhayba yeelkiiye. Sida keliya ee ay arrintaasi kuugu suurtoobi kartaana waxa weeyi in aad tidhaahdo aniga intaas bay igaga dhan tahay.

Arrintaa si xarrago leh ayaad u yeeli kartaa oo ah in aad hadal ummadda uga jeediso televisionka oo aad u bayaamiso sobobaha aad meesha uga tagayso. Taasi waxay noqon doontaa  dhaxalka ugu weyn ee aad ka tagto. Wuxu noqon doonaa hadal si fiican loogu dheg-raariciyo waxanu noqo doonaa hadal taariikdha ku hadha oo weligiiba si weyn loo xusuusto. Cid kasta oo kursiga kaaga dambaysaana ma yeelan doonto qiimahaaga oo kale. Ujeedadaydu ma aha in aan hoos u eegayo tayada mucaaridka ee waxa weeyi aniga oo arkaya yoolka keliya ee ay leeyihiin in ay tahay siday kursiga ugu fadhiisan lahaayeen. Waayo halkay mustaqbalkooda siyaasadeed ugu salayn lahaayeen ajandha siyaasadeed oo qurxoon iyo istraatiijiyad waddaninimo waxay aayahooda siyaasadeed ku xidheen ujeedo keliya; taas oo aah in ay adiga ku ridaan. Waxay muujiyeen in aanay waxba ka xishoonayan  oo aanay ka libiqsanayn in ay isticmaalan qabiil ama ay dagaal sokeeye ridaan si ay meesha kaaga eryaan. Waxay adeegsadeen baaruuudii la yaqaanay oo ah qabyaalad, baahi iyo jahli si ay farriintooda u gudbiyaan.

Nasiib darro Mudane Madaxweyne farriintan sumaysani waxay si dhib yar u gashay qalbiga iyo maskaxda dadweynaha gaajaysan. Markaa sida keliya ee aad arrintaa aad mawjadda ku celin kartaa ee aad ku mijo  xaabin kartaa mucaaridka waa in aad meesha iska dhiibto oo keliya. Haddii aad rabto in aad isbedel keento waa in aad meesha iskaga tagtaa. Haddii aad rabto in aad qiimayso sida xukunkaagii ahaa, bal in uu fiicnaa iyo in uu xumaa, sida keliya ee aad ku ogaan kartaa waa adiga oo meesha iskaga taga oo oggolaada in cid kale xukunka qabato dabadeedna aad sheedda ka daawato bal sida ay u galaan. Mararka qaarkood, Mudane Madaxweyne, waxan gacanta ka qaadnaa carruurta aan dhalay si aan ugu oggolaano in ay wadadooda jeexdaan. Somalilandna waxay ahayd ilmahaaga muddo toddoba sanadood ah, haddaba waxa muuqata in la gaadhay waqtigii aad gacanta ka qaadi lahayd si aad u ogaato bal in aad kaalm u ahayd iyo in aad kardad ku ahayd horumarkeeda iyo koritaankeeda ama sida ay tidhaahdo weedha ingiriisida ahay: “ Mararka qaarkood waxa wanaagsan in aad gacanta ka qaado si aad u ogaato in wixii aad ku dhagaysay istaahishay ku faro-adayga iyo in kale.” Sidaa awgeed faraha ka qaad Mudane Madaxweyne, faraha ka qaad, si aad adduunka u tusto in aanay Somaliland ahayn dal kale oo Afrikaan ah oo uu haysto hoggaamiye diidan in uu xukunka wareejiyo.

Bashir Goth, Abu Dhabi, UAE
Email:
bsogoth@yahoo.comThis

Xigasho: Wargeyska GeeskaAfrika ee kasoo Baxa Somaliland

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip