Gafuur duubaataa iyo Gadhka xiirtaa ama Godod qodotayaaba Gaadhbaa laguu diray

0
Saturday September 19, 2009 - 14:14:19 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gafuur duubaataa iyo Gadhka xiirtaa ama Godod qodotayaaba Gaadhbaa laguu diray

    Waxaa bisha ramadaan aan marqaati ka wada ahayn in xarakata alshabaab Ay diideen in nabadu muhiim tahay . oo colaada muslinka soomaan ee ilaahay u af xidhan laga daayo maadaama lagu jiro bilihii xurmaysnaa .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa bisha ramadaan aan marqaati ka wada ahayn in xarakata alshabaab Ay diideen in nabadu muhiim tahay . oo colaada muslinka soomaan ee ilaahay u af xidhan laga daayo maadaama lagu jiro bilihii xurmaysnaa .



Waxaa kale oo hore ay u diideen inay wax wada xaajooda galaan ama heshiis qaataan
In badan ayaan maqlay , waxay gaalaysiiyeen umada waxaana muslinimada isku koobay iyaga oo keliya , hadaba waxaa is weydiin mudan muslinka iyo diinta islaamka meesha ay kaga jirto inaan nabad iyo heshiis la gelin gaal iyo muslin kuu doono ha ahaado.
Waxaa kale oo isweydiin leh diinta islaamku bilow iyo dhamaad ma diin ka hadlaysaa
Dagaalbaa?
Mise waa dastuurkii nolosha aadamaha ilaahay ugu talo galay lana dhahay waxaad ku gaadhaysaan guul iyo badhaadhe.
diinta islaamka waxaa loo soo dhiibay salawaatulaahi wasalamu calayhi nebi muxamed
isaga ayaan kaga daynaynaa , waxaa nebigu heshiisyo la galay quraysh oo gaalo ah ,
waxaa nebigu heshiisyo la galay yuhuud oo ilaahay u sheegay inaysan xitaa weligood
rumaynayn diinta islaamka reer bani,israa,iilsida ku cad siirada iyo taariikhda islaamka nebigeenu kuma xadgudbi jirin heshiisyada waana dhawri jiray nabada, haddii nebigeeni CSW uu diro asxaabtiisa inay dad ku xadgudbay ama jebiyay heshiiskii lala galay
waxaa uu u sheegi jiray inay diinta ugu yeeraan oo ay marka hore wada hadal la galaan
haday diidaan inaysan maatida iyo birimagaydada oo ah, duqayda, caruurta , haweenka, ninka aan hubka sidan kuwa bukaanka ah ama laxaadla ku xadgudbin
ee ninka hubaysan ay la dagaalamaan waxaa nebigu hada ka hor u diray Qaswo ama dagaaal oo cali ibnu abii daalib waxaana u sheegay oo ku yiri hal qof oo dartaa diinta islaamka dedaalkaaga ku soo gala ayaa ka qayr badan geela gadguduudan.
Hadaan intaas ku soo koobo dhaqankii rasuulka CSW ee suubanaa hadaan nahay bulshada soomaaliyeed miyaynu ku aragnaa alshabaab qodob ka mida ??
Halkii nebigu CSW nabada iyo wanaaga ka raadinayay iyo in umada muslinimada loo baro si haboon oo aan dhibaato iyo adayg laga dhigin
waxay ka raadinayaan colaad iyo dhiig iyo xumaan iyo iyaga oo keligood saxan dadka oo dhamina qaldan yahay.
Halkii nebigu CSW umada soo dhawaynayay ee isku dayay inuu manhajka ilaahay hirgalo dhibka badan u marayay waxay iyagu isku dayayaan inay dadku diinta nacaan oo ka cararaan oo karaahiyaystaan oo hadaad hada istidhaahdo qof wax u sheeg waxaa uu kuugu jawaabaayaa ma sheekadii alshabaabka ayaad bilowday !!
sababtoo ah islaamku waa naxariis iyo hanuun ayuu ilaahay ku sheegay
Waa jidkii toosnaa ee raaca ayaa la dhahay .
Alshabaabse jidkaas ma iyagaa ku taagan mise masaakiinta ay maalin walba colaada iyo dabka iyo dagaalka ku huriyaan ayaa ku taagan.?
Nebigeena CSW waxaa la waydiiyay markii reer daa,iif uu tegay ee ay dhagaxtuureen labada buureed ee daa,iif reer daa,if maysugu dhufanayaa oo malaga buuraaha amarkaaga ayuu sugayaa CSW maya maya ayuu ku jawaabay haday iyagu xumaaden waxaan ka sugayaa dhabarkooda kuwa ku jiraa inay ilaahay diintiisa u gargaaran.
Alshabaab iyo xisbul islaam dariiqaas ma taagan yihiin oo ma leeyihiin shacabku hadaysan maanta fahansanayn aan wacdino wax u sheegno oo aan ilaahay dariiqiisa ku dedaalno sidaan
Guul ugu gaadhi lahayn.
Hadaba alshabaab waa shufto shuftadana waxaa daba taagan shufto kale ilaahay reer bani waxay ku jiraan halkii sidii reer bani isra,iil waxaa uu balan qaaday ilaahay markay kibraanba inuu wax kibir jebiyaa u soo diro
Alshabaabna waa kibreen xaqii ay ku xadgudbeen diintii ayay ku xadgudbeen dhaqankii suubaanaa iyo asluubtii islaamka ayay ka dhigeen wax dadka iyo muslimiinta lagu xasuuqo.
Ilaahayna waxaa uu daba dhigay maraykan iyo gaalo oodhan inay iyaga gantaalaha ay la dhacayaan masaakiinta nin nin loogu dhufto.
Hadaba waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa tixdan gaaban
godane iyo xertiisoow
gafuur duubanlaydaa
gadhka xiiraan laydaa
guntiga dayn lahaydaa
godod qodon lahaydaa
geeska afrika oo idil
iska guurilaydaaa
gaade iyo guuriyo
gaadhbaa laguu diray
waana laydin gubayaa
gacmaha jarayseen
godobtaad gashaybaad
gashigeeda sugaysaaan
Wabilaahi tawfiiq
Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip