Ma Waxa Isku Raacdeen Quursiga Bili’adanka Aysan Lixdooda Lixaad Dhameen? W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

0
Saturday August 16, 2008 - 11:59:56 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Waxa Isku Raacdeen Quursiga Bili’adanka Aysan Lixdooda Lixaad Dhameen? W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

    Bulsha weynta degta geeska Afrika ma waxeey isku wada raaceen kala sooca iyo quursiga bili’adanka aysan lixdooda lixaad dhameen? Dadka Lixda lixaad qayb ka mid ah la'a aawday xuquuqdooda?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulsha weynta degta geeska Afrika ma waxeey isku wada raaceen kala sooca iyo quursiga bili’adanka aysan lixdooda lixaad dhameen? Dadka Lixda lixaad qayb ka mid ah la'a aawday xuquuqdooda?

 

Weli waxaan sii wadnaa qoraalkii aan ugu hadleeynay arimaha dadka naafada ah. Qaybtiisii sadaxaadna waxaan ku soo qaadan doonaan dadka aan wax maqlin ee soomaaliyeed xaalkooda.

Dhagool: Dhagoolnimo waa maqal la'aan, ama maqalka uu daciifo. Qofka dhagoolka ah wax ma maqlaayo, weyna ku adagtahay inuu fahmo waxa afkaaga ka soo baxaa. Laakiin waxaa ku jiro Illaah mahadiis dad fahmaayo markaad hadleysid ayaa ku jiro, oo qaabka erayga u soo baxaa la soconaa, laakiin waxeey ku qasbanyihiin in ay fiirshaan qofka afkiisa, qofka hadlaayane uu yahay qof si degdegn u hadlaayo, oo ixtiraam siinaa inuu la hadlaa qof aan wax maqlin ama maqalkiisa dafiic yahay.

Dhagoolnimada waxyaabo badan ayaa keeno, balsa sabab cad oo la eedi karo looma jeedo. Dadka dhagooladaa qaar waa la dhashaan maqal la'aanta, qaarna sababta dhaawac jireed ama maskaxeed ama cudur ayuu ugu dhacaan, sidoo kale waxaa jiro in caruurta sida xun loola dhaqmo, ama la bahdilo in ay isku difaacaan maqal la'aanta, oo siday maqalkooda wararka xunxun kaga qarinaayaan aaqirka dhagoolo isku bedelo, balsa xaaladada ayeey ku xirantahay oo markay ka baxaan sidoodii hore ayeey ku laabtaan. Dadkaan waxaa lagu caawin karaa in waxkasta oo maqal u baahan in lagu bedelo qoraal, lana baro luuqadooda qoraalkeeda, iskuulaad lagu barto luuqadooda iyo macalimiin yaqaano luuqadooda loo sameeyo, dadka ay la noolyihiina bartaan luuqadooda, una sharaxaan waxwalba si aysan u dareemin dhibaato ama u gelin cuqdada ah in ayaga wax laga sheegaa oo la caynaa iwm.

 Sidoo kale in waalidka si wanaagsan ula dhaqmaan, siiyaan xuquuqda ay leeyihiin caruurta wax maqlaayo oo kale, una dhawraan si fiican iyo dadka ay la noolyihiin guud ahaan, oo tusaan in ay iimeeynaayan, iskuna dayaayaan in ay fahmaan, lana noolaan karaan.

Dabcan kuwa badan/dhamaanteen waxaan la kulmeeynaa dad aan maqlin, amaba anaga ayeey la dhasheen/nala dhalan doonaa, hadii kale dhalnay. Ee Maxaan ku caawin karnaa qofka dhagoolka ah wadar iyo waaxid ahaanba?

- Markaad la kulantid/lahadleysid qof dhagool ah xasuuso waxyaabahaan:

Si degen u hadal, qofkane la hadal oo fiiri wajigiisa.
isticmaal luuqad fudud oo la fahmi karo iyo jumladu gaagaaban
hadii aad eray ku soo celineysid oo kula fahmi waayo/weyso bedel oo eray ka fudud ugu sharax ama isticmaal luuqada jirka/gamcaha, hubso inuu fahmay qofka waxa aad u sheegtay
wajigaaga ha qarinin/ ha ka sii jeesanin ama maro ha saarin
cabitaan, cunitaan, sigaar ama xanjo inta aad wada hadalkaas kula jirtid qofkaas ha isticmaalin, yareey qaylada, ama meel degen marka horaba ku wada hadla (qofka aan wax maqleynin ayeey dhibeeysaa qaylada iyo hadalka badan)
Diyaarso buug/warqad iyo qalan si aad ugu qortid oo u aqristo qofka erayga uu ka fahmi waayo hadalkaaga

Waxaa wax la hubo ah in ay dadkaan leeyihiin xuquuqda bili’adanka kale oo dhan, dhibaatooyinka ka soo gaaro dhinackastane aysan aheeyn kuwa ay muteyseen ama xataa lagu fiirsado. Dadka aan wax maqlin waxeey la mid yihiin dhalinyarta/bulshada kale ee dhibaatada naafada Rabaaniga ah lagu cunsuriyeeynaayo/nacaayo, oo waxbarasho la'aan, shaqo la'aan, qadarin la'aan, guur la'aan iyo in sikastaba loo bahdilo ayaa banaan iwm. waana in aan ka hortagnaa, kana digtoonaa waxyaabaha qaar in aan sii wadno, wixii aan ogaano in ay xunyihiin, bahdilaayaan oo horumarka iyo sinaanta bulshada ka soo horjeedaan waa in aan ka wada hortagnaa kana hormarina bulshadeena. Waa in aan aaminanaa in bili’adanka isku xuquuq yihiin, Illaahna kala jecleen, bili’adanimada iyo isku naxariisashada ay tahay wax muhiim ah oo diinteena iyo damiirkeenaba na faraayaan, waajibna nagu ah.

Waxaan suaalahaan weeydiiyay wiil soomaaliyeed oo beelay maqalka asigoo da'adiisa dhaaftay 16 sano, hadane ka mid ah dadka u ololeynayo xuquuqda dhagoolada Soomaaliyeed, kana ah gudoomiyaha koowaad ururka SONAD
 ( Midawga Dhagoolada Soomaaliyeed)
lana yiraahdu Abubakar Shiikh Abdulle.

Suaasha 1- walidkaa sidee kuula dhaqmi jireen dhagoolnimadaadii ka hor?

Jawaab1: ka hor intii aanan dhagool noqon way igu dadaali jiraan aniga waalid aabe lee kaheystay oo hooyday aniga oo 6 jir ah bay ku geeriyotay xamar 1991 dagaalkii afartii bilood waxaana dilay madfac marka aabe ayaan la noolaa aabahay waxaa weeye shiikh katirsan culumada suufiyada waxuu jeclaa inaan noqdo shiikh asiga camal ah oo aanba waligay dhigan iskuul. Balse aan barto cilmiga diiniga ah bes laakin walaalkay iga wayn oo ku nool dalka SWIZERLAND ayaa ku qasbay aabe in aan iskuulaan dhigto isla markaana aan baro cilmiga diinida labadaba si dhib ah buu ku aqbalay ugu danbeyn qarashkana wuu iga bixin jiray dhab ahaantii aabahay aad buu ii jeclaa waxaan ahay cunuga ugu yar ilmihiisa.

S2- Ardayda iyo macalimiinta iskuulka ayago ka faaiideysana in ad dhagool tahay o adna wax maqlin maxeey kugu sameeyn jireen?

J2- Wax wanaag ah iima sameyn jirin, weey iigu faquuqi jireen mar markii aan xisada ka baxno waxaana waydiin jiray macalinka waxii i dhibo ee cashirka ah laakin waxuu iigu jawaabi jiraan hadii aaadan fasalka waxba ku fahmin aniga buuq marabo ee iga tag!! Macalin asxaan ii sameeyo naadir bay ahayeen marka laga reebo kuwa privte school ah oo ayaga saxiibo aanu ahayn gacana isin jiray sida macalinkii ii dhigi jiray luqada ingiriiska private school
ardayda wayba ila yaabanaaayeen waraa dhagoolkaan wuu waalanyahay asigoo dhagool ah buu fasalkeena soo galaa iyo aflagaado farabadan adiga oo fadhiyo ayaa gadaal dharbaaxo lagaaga dhufaa marka aad dhahdo yaa waye? ma ogi ayay ku leeyihiin! Dhib badan waan kala kulmi jiray xaqiiqdii markii aan buundo fiican saarto imtixaanka wayba ila yaabi jireen markas waxay leeyihiin macalinka ayaa siiyay qash dhagool waaye see ku galay kaalintaas !!!!
Ka hor intii aanan dhagool noqan gurigayga waxuu ahaan jiray xarunta ardaydii aan isku fasalka ahayn ila degmooyin shishe bay ka imaan jireen lakin markii an dhagool noqday qof kuu imaanaayo maba arkaysid waxaa lagu leeyihay Abubakar wuuba waashay !!

S3- Marki adna iskuulka jirin maxaad qaban jirtay maadaama adna bulshada dhex geli karin, ardaydi iskuuulkane ay kugu naceen arinta Rabaaniga ah?

J3- subaxdii baan aadi jiray iskuulka waxaana ka imaan jiray 1:00pm kadib waan dukan jiray markii aan qadeeyo xogaa nasiino ah markan qaato 3:00pm waxaan aadi jiray iskuul private ah oo aan ka baran jiray maadooyinka typing, caafimaad, english, arabic . Waxaana ka imaan jiray maqribkii maadoonyinkan hal mawada baran jirin ee sanado uun baa midba mar baran jiran hadii ii dhamaado mid kale makri aan tukado salaada masaajidka waxaan aqrin jiran xoogaa quraan cishaha markii laga baxo waxaan aqrin jiray buugagtii ilaa 10:00pm kadibna waan seexan jiray waayo. Hadi aaanan waxba aqrin waxba ma baran kareen aniga cashirka 20%leba kafahmi jiray lakin waxaan xifdin jiray casharka markaas su aal iyo jawaabo imtixaanka markuu yimaadona buundo fiican waan keesan jiray ))

 Ururka Dhagoolada soomaaliyeed waxeey soo ogeen guul aad u weeyn, waxeeyna ka mid noqdeen ururka caalamiga ah ee dhagoolada aduunka, bishii janwari. Maamul aad u heer sareyso oo u taagan danaha bulshada dhagoolka ah ayeey sameeyeen, waana dhalinyaro waxgarad iyo wadaniyiin ah kana mid ah bulshadeena kana qayb qatay horumarka guud ee bulshada soomaaliyeed khaas ahaan bulshadeena aan wax maqlin.

Anagane waa noo sharaf iyo magac weeyn, in calankeena ka dhex muuqdo calamada aduunka, waxaana sharaftaas iyo maamuuskaas noo keenay dhalinyarta soomaaliyeed ee ka mid ah bulshada aan wax maqlin.

Kala xariir halkaan ururka Somali National Association of the Deaf, (SONAD!)
Email:
info@somalideaf.org
president@somalideaf.org
sonadeaf@hotmail.com
Website: http://somalideaf.org

Waxaa wax lala yaabo ah dhaqanka shaqsiyadada ama guud ahaan bulshadooda soomaaliyeed ee maantay, Xataa ma kala yaqaaniin jirooyinka kala duwan ee ku dhaca bili’adanka, ma is weeydiiyaan waxa sababay? Qof xanuunsan oo kasta ama wax u sameeynaa sida dadka caadigaa lagu tilmaamo u sameynin waa laga fiigaa, waxaana lagu tilmaamaa qof waalan ama dabaal ah. Mararka qaarna dil iyo xaqiraad ayaa la iskugu daraa, laguna bahdilaa bulshada hortooda.

Ma u naxariistaan qof kaga baahan naxariis, mana yaqaaniin sida loo qadariyo dadka dareenkooda, balsa Illaah ayaa joogo oo ka awood badan dadkaan dhaqmay, oo dabeylaha raacay, badweeynta dhex mara, hadane aan aqoonin dabaasha. Waxaana ku leeyahay bulshada aan wax maqlin ee soomaaliyeed isku duubnaada waligiin, kana soo horjeesta, oo maal iyo muruq ku baxsho si loola dagaalo waxkasta oo jiritaankiina diida, ama xaqiraa xuquuqdiina.

Aqristaha qaaliga ahaaw la soco qaybta danbe oo aan ku qaadan doono dadka cuuryaamka ah dhibaatooyinka u goonida ah iyo sida bulshada soomaaliyeed ula dhaqmaan qaybtaas bulshadeena ka mid ah.

NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la,aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaasho laga helo qoraaga sheekada iska leh. kala xariir: samsam_1989@hotmail.com.

W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip