Maansadii Muran iyo mutaxan qaybtii 3AAD

0
Wednesday October 14, 2009 - 07:54:45 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii Muran iyo mutaxan qaybtii 3AAD

    Maanso xasaasiya oo ah dood sadex geesooda oo dhexmaraysa madaxweyne sheikh shariif , sheikh xasan daahir iyo axmed ow cabdi godane

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanso xasaasiya oo ah dood sadex geesooda oo dhexmaraysa madaxweyne sheikh shariif , sheikh xasan daahir iyo axmed ow cabdi godane


 
 
Waxaan hada ka hor sanadkan horaantii soo bandhigay laba qaybood oo hore oo maansadani lahayd oo midna ay doodi dhexmaraysay  wadaada ama ururada islaamiga ah oo isku dhinac ah iyo madaxweyne shariif  waqtigii la dioortay  febrayo ayay tan kalena soo baxday oo waxaa  isugu  jawaabayay  Garabkii asmara ee maxaakiimta ka hadhay iyo alshabaab oo ka doodayay qaabkii ay howlahooda u sii wadi lahaayeen
Iyo sida ay xalka u arkaan   hadana waxaa mar labaad doodii dhexmaraysaa
Si wada jira madaxweyne shariif iyo sheikh xasan  iyo godane
Nin welibana ujeedadiisa ayuu hadlayaa ee bogasho wacan
Haddii aadan arkin labada hore waxaan ku soo lifaaqayaa  qoraalka dhinaca hoose
 
 
 Madaxweyne shariif_
 
Murti hadal ninkii yidhi
Macne gabayna  tiigsaday
Ma huraanka suugaan
Ninka maalin iyo layl
Ku mashquulay baan ahay
Madaxweynihii iyo
Maskaxdii dalkeeniyo
Mufti caalimaan ahay
Marna Ruux masuuloo
Dadku wada majeerteen
Milge lagu tilaamimiyo
Maamuus u gaar yahay
Nin macquula baan ahay
Markii aan wadaadoow
Mareeg qura ahaynee
Maalmihii maxkamadaha
Sawtaynu maqalkiyo
Mushaawira lahaynoo
Magaceenu wada jiray
Maxaad qoonsateenoo
Muranka iigu beerteen
Madfaciyo dagaalkiyo
Maxaa keenay gaalnimo
Inaad igu mislaysaan
 
H  xis Sheikh xasan
 
Ilaah baan ku mahadshoo
Isagaa murtida gabay
Geeraaro maaxweyn
Maskaxdayda geliyoo
Maahir caana iga dhigay
Maqal sheikh shariifoow
 
Meeshaan jeclaa,iyo
Madaxtooyadii weli
Maskaxdayda kama jarin
Hadaad tahay macquuliyo
Nin maraykan soo diray
Ama Ruux masuulnimo
Duniduba la maagtoo
Loo maqsuuday xaajoow
Ma ogtahay inaad tahay
Maalmihii dagaalada
Madaafiicda nimankii
Maatida ku madhiyoo
Muf ka siiyay shacabkii
Madaxweynahoodii
Ma ogtahay inaad tahay
Ninka maal aduunyo
Ku maqsuuday keligii
Ma huraanadiisii 
Midigtiisa  nimankii
Mar walbaba agtaanaa
Magacyada u bixiyee
Maafiyada ka wada dhigay
Mufti  caalimaad tahay
Maxaabadii islaamkiyo
Mabda,eenii weynaa
Maxaakiimta lagu furay
Aaway lama huraan kii ?
 
H . alshabaab Godane
 
Inaan miinka geeraar
Maansooyiinkaygii
Magacyada lahaa,iyo
Sida mayay aroor yaad
Maskaxdiina  ugu shubo
Waa lagama maarmaan
Xasan maahiroow maqal
Muunee shariifoow
Ha masuugin arartiyo
Macnaha iyo ujeedada
 
Maalmihii maxkamadaha
Midowgaan ahayniyo
Mooshinkeeni wuxuu haa
In mooryaanta laga raro
Muqdishiyo dalkoo idil
Mid kalena la soo raro
Midabkeed cadaan yahay
Malaayiina keentoo
Maal aduun lagu helo
In mujaahidiin iyo
Rag muhaajiriina
Magacooda laga dhigo
Adigaa ka mudhuxsaday
Madaxnimo ka doorbiday
Mashruucii fashiliyoo
Keligaa maroorsaday
Kursigii macaanaa
Maal waanu haynaa
Magac iyo madaxnimo
Iyaguna marbay iman
Balse maqal wadaadoow
Madfacani ujeediyo
Macne weyn inuu yahay
Markaan gaadho meertada
Xasan maalin keliya
Iyo miridhaan ka dhigayaa
Waan muquuqin doonaa
Adiga iyo madowgana
Maraykaanka oo idil
Malaayiin ciyaaliyo
Masaakiin qarxaysaa
Miinada ku rarayaaa
Ka macaashi maysaan
Murtad baan ka dhigaa
Kii muaran bilaababa
 
Madaxweyne shariif
 
Anigu kama masuul ihi
Maatada la laayiyo
Madfaca lala dhacaayiyo
Masaakiinta roobkiyo
Mahiigaanku qaadee
Minan ay galaaniyo
Mooradoodaa laga raray
Idinkaa mucaraada
Idinkaa masuul ka ah
Mooryaanka godanow
Mahaad maanta joogta
Muqdisho dalkaygii
Minankaygii weeyaan
Mar uun baan ku soo qaban
Xasan macangagoow maqal
Maanta waad ujeedaa
Milgahaad lahaydiyo
Masuuliyada tuurtayoo
Meel kalaad u socotaa
Madaxweyne waad noqon
Masuul laga danbeeyee
Mooryaankan godoniyo
Raga miinada ahee
Maryaha dumarka qaata
Ka mamnuuca dunidee
Magacooda laga baqo
Haku mowqif noqonine
Kaalay madasha hadalko
Mar uun aan heshiino!!!
 
H  xis Sheikh xasan
 
Mar waxaan idhaahdaa
Meeshaa ragaagii
Madaxdii dalkoo idil
Madashooda gaadhoo
Mugdigiyo colaadaha
Mashaqada ka guuroo
Dadku nabad macaanoo
Maamul dowla oo wacan
Mar uun inay arkaanoo
Mahlakadaba laga baxo
Marna waxaan idhaahda
Ma ninkii shariifbaa
Madaxtooyadii iyo
Minankii qasriga iyo
Minbarkiisa hoos tagi
Madfaciyo dagaalkiyo
Murankaa ka fiicane
Mooryaanta godaniyo
Midigtooda joogoo
Mab,daooda beenee
Maanta ugu danbayntii
Ama madax ayaan noqon
Meeshaan rabaan heli
Ama ruux maxbuusoo
Uu godane maamulo
Ama madasha nabadiyo
Mawduuc heshiis baan
Mar uun qaadan doonaa
Sadexdaa midkoodee
Maanta igula talin lahayd?
 
H . alshabaab Godane
 
Muqdisha dagaaliyo
Madaafiic ka dhacayaan
Maataa qaxaysiyo
Masaakiin ayuu dilay
Muslimiin ayaa dhiman
Muruqyada gacmaha iyo
Madaxay ka gooyeen
Mudo waad  maqlaysaan
Umadaha madoobee
Maabkaa aduunyada
Maanta joogta idilkeed
Dadka macnaha daran
Ee ugu majhuulsani
Macnihiina weeyaan
Maad aragtid degelkay
Moorada dadkaygiyo
Maatadaydu joogaan
Maamul iyo amaaniyo
Macnaha dowladnimo
Nabad iyo macaaniyo
Milgaa yaala meeshaas
Madafac iyo dagaaliyo
Mootaar hadalkiis daaye
Mindi ruux laguma dilo
Idinkuna ismadhisee
Maxaad aniga keligay
Mooryaanka ii tidhi
Isku wada mid baan nahay
Madaxnimo rag wada raba
Maal aduunyo awgiis
Umadii u madhiyee
Muusoonoowga joojoo
Muruqiin ku meel mara!!!
 
 
Halkan waxaad ka dheehan kartaa ama ka aqrisan kartaa labadii qaybood ee kale
Ee maansadan muran iyo mutaxan
 
 
http://soomaalidamaanta.com/sm/index.php?option=com_content&view=article&id=5899:maanso-xasaasi-ku-saabsan-sheeko-dhex-martay-sheikh-shariif-iyo-wadaadada-mucaaradka-&catid=8:fanka-iyo-dhaqanka&Itemid=5
 
http://somaliswiss.wordpress.com/2009/02/04/maanso-xasaasiya-oo-ah-dood-dhexmaraysa-alshabaab-iyo-wadaada-mucaaradka-ah-garabka-asmara‏/
 
 
Waa Qalinkii iyo Hall_abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Abdirihiin1@hotmail.com
 

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip