Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 39-aad....‏

0
Friday October 16, 2009 - 21:33:05 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud Qeybtii 39-aad....‏

    Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa barnaamijkii aad inooga barateen Maalin walbo oo jimco ah, Wuxuuna xanbaarsan yahaymacluumaad fara-badan ee bal kaalay oo inala faa’iideyso

 


 

l Sheeg Magaca C/laahi Bin Zubeyr Hooyadii?
2-Jawab: Waxa Weye Asma Bintu Abii-bakar Rc.
3-Su’aal Sheeg maxaa lagu naaneesi jiray Asma Bintu Abii-bakar?
3-Jawab: Waxa lagu naaneesi jiray Bidaati Al-nidaaqayn.
4-Su’aal Sheeg  goorma ayuu dhashay C/laahi Bin Zubeyr?
4-Jawab: Wuxu dhashay sanadkii koowaad ee Hijriyadda.
5-Su’aal Sheeg wixii ugu horeeyey ee gala laabta C/laahi Bin Zubeyr?
5-Jawab: Waxay aheyd Candhuuftii Nebigeena (NNKH).
6-Su’aal Sheeg Asma Bintu Abii-bakar markii ay geeriyoneysay Imisa jir bay aheyd?
6-Jawab: Waxay aheyd 100 sano jir.
7-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhashay Ibnu Batuta?
7-Jawab: Wuxu dhashay 25 febraayo 1304.
8-Su’aal Sheeg wadankee ayuu u dhashay Ibnu Batuta?
8-Jawab: Wuxu u dhashay wadanka Morooko (Marocco).
9-Su’aal Sheeg goorma ayuu geeriyooday Ibnu Batuta?
9-Jawab: Wuxu geeriyooday 1368-1369.
10-Su’aal Sheeg Caasimadda wadanka Combodia?
10-Jawab: Waxa Weye PHNOM PENH.
11-Su’aal Sheeg Magaca lacagta laga isticmaalo wadanka Combodia?
11-Jawab: Waxa la-yiraahdaa RIEL.
12-Su’aal Sheeg Shayga kaliya ee haddii la-waraabiyo dhinta?
12-Jawab: Waxa Weye Dabka.
 
Dhex-taal Gaaban.
                                          Ogeysiis.
Haddii aad tahay qof cusub, doonaayana inuu kamid noqday bahda ku taxan barnaamijkaan xiisaha badan ee Kororso Aqoontaada Su'aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud, la-xiriir baashi053@hotmail.com si'aad u heshid casharadii horey ku dhaafay. Anagana waxaa  ku balan qaadeynaa inaad heli doontit wixi horey ku dhaafay oo dhan Insha’Allah.

Akhristayashayada qiimaha iyo qaayaha lahow ku soo dhawaada lix-dii Su'aaladood iyo jimcaha soo socda. Adingoo isticmaalaaya maskax degan, waayo Su'aalaha aan idin weydiin doono waxay la-socdeen casharadii hore.

1-Su’aal Sheeg goorma ayaa Muslinmiinta loo-baneeyey dagaal?
2-Su’aal Sheeg imisa Axadis ayey Bukhari iyo Muslim ay ka wariyen Asxabigi weynee Abuu Dar Al qifari Rc?
3-Su’aal sheeg Magaca Gabadhii Naaska la nuugtay Rasuulkeena (NNKH)?
4-Su’aal Sheeg Wadanka Caalamka ugu dalxiiska badan?
5-Su’aal Sheeg waa maxay cudurka loo-yaqaano Geerida madow?
6-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
Jawaabaha waxaad ku soo hagaajin kartaan gacal053@hotmail.com
 
Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email: kedis114@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip