Arintaan ayaa waxay noqotay mid ay saxaafadda Caalamka si’aad ah uga wada faaloonaayeen. Taasoo lagu soo wada daabacay wargeysyada caalamka qaarkood. Dhanka kale dalkaasi Malaysia ayaa waxaa lagu qaxweynaayey arintaan layaabka leh ee ka dhacday Gobolka Selangor.
Waa arin ku wada cusub dadyowga caalamka iyo kuwo u dhashay dalkaasi Malaysia.
Seddexdaan Nin ay is dhalay ayaa da’doodu lagu kala sheegay 78 Jir. 35 Jir iyo 28 jir.
Maxamed Osman oo 78 jir ahna aaba dhalay Sawiah Awang ayaa sheegay iney aad iyo aad ugu wada faraxsan yihiin, ayna ogyihiin inuu yahay wax caalamka ku cusub, balse ay taariikhdu xusi doonto. Isku soo wada-duuboo waa markii ugu horeysay aroos noociisa oo kala ah uu ka dhacay dalkaasi Malaysia.
Akhristayaashada qiimaha iyo qaayaha lahow, bal sida aad u aragtiin wixii fikirkiina ah inoogu soo dira laacib143@hotmail.com.
Aroos halhabeen ku Aqal Galeen Aabe, Wiil uu dhalay & Wiil uu odayga Awoowe u ahaa (Sawiro)
Aroos la-yaab leh ayaa wuxuu ka dhacday Gobolka Selangor ee Magaaladda Madaxdiisu tahay Shah Alam, kadib markii aroos halmar oo qura ay wada galeen, Aabe iyo Wiil uu dhalay iyo Wiil uu odayga Awoowe u ahaa.