Allow la arkaa Somalia oo dowlad leh, Faalo siyaasadeed dhab ka hadal qalinkii C/qadir Dulyar.

0
Monday October 26, 2009 - 16:29:22 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Allow la arkaa Somalia oo dowlad leh, Faalo siyaasadeed dhab ka hadal qalinkii C/qadir Dulyar.

    Soomaaliya, waa dal ka mid ah dalalka caalamka oo xor ah, gaar ahaan ku abtirsada Qaaradda Africa, hadana dowlad la,aan ah in ku dhow 20-sano, ka dib markii gacmaha dadka soomaaliyeed iyo maskaxo shisheeye oo is kaashaday, ay si miyir la'aan ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya, waa dal ka mid ah dalalka caalamka oo xor ah, gaar ahaan ku abtirsada Qaaradda Africa, hadana dowlad la,aan ah in ku dhow 20-sano, ka dib markii gacmaha dadka soomaaliyeed iyo maskaxo shisheeye oo is kaashaday, ay si miyir la'aan ah u dumiyeen dowladii kacaanka ee 21-kii sano ee ugu dambeysay dalka maamuleysay.

Soomaaliya, waa dal ka mid ah dalalka caalamka oo xor ah, gaar ahaan ku abtirsada Qaaradda Africa, hadana dowlad la,aan ah in ku dhow 20-sano, ka dib markii gacmaha dadka soomaaliyeed iyo maskaxo shisheeye oo is kaashaday, ay si miyir la'aan ah u dumiyeen dowladii kacaanka ee 21-kii sano ee ugu dambeysay dalka maamuleysay.


Ha jiraan eedo iyo khaladaad loo tiriyo in ay geysteen maamulayashii dowladdii Kacaanku, sababna ha looga dhigo waxyaabihii keenay in Aqoonyahano, Saraakiil,Siyaasiyiin, Ganacsato, iyo ciidamo, ka gadooday maamulkaasi ay mucaarad hubeysan kala horyimaadaan dowladii Kacaanka, iyaga oo ka faa'ideysanaya Taageeradda shisheeye iyo caradda shacabka soomaliyeed,aakhirkiina wax uu hardankaasi soo geed fadhiisto dagmo iyo tuulo, wax uu dhalay in si fowda ah xididadda loogu siibo Taliskii Malatariga ahaa,

"Shanta golihii Sare ee Kacaanka


S/Gaas
Max'ed Siyaad
Barre


S/Guud
Max'ed Cali Samatar


S/Gaas
Xussein Kulmiye Afrax


S/Guuto
Ismaciil Cali
Obokar


S/Guuto
Axmed Suleiman "Dafle"

 
Dabayaaqadii janaayo, 1991-dii, ayey aheyd markii ay isku milmeen dhawaqa rasaasta iyo alalaaska dumarku, iyadoo loogu dabaal dagayo dumistii xukuumadda iyo bixintii Madaxweyne Maxa'ed Siyaad Barre, Allaha u naxariistee, maxaase dhacay, !!!

Waxaa dhacay, wixii dhici lahaa !! waxaa fursad isku helay wax kasta oo kala caaganaa iyadoo aaneey jirin sharci kala haga, waxaa dadweyne careysani ku qamaameen xarumihii dowladda ilaa laga boobo Iskuuladii iyo Cusbitaaladii, mana jirin qof qofka kale ka qabanayey qaladadka uu galayo, waayoo maba loo arag xumaan,marna la isma weydiin, maxaa imaan, !! Maxaa dhici,!! maxaa xigi, !! toona maalmo kooban ayaana lagu bur-buriyay bilicdii goboladda iyo tii Caasimaddaba,
 
Waxaa yimi hanqal- taag iyo anaa mudan, maadaama jabhadihii wada socday iyo kooxo kaloo tareenka gadaal ka soo raacayba aaney jirin nidaam iyo qorshe ay hishiis ku ahaayeen oo lagu badalayo waxa la wada duminayey,marka laga reebo in la wada rido mooyee,waxaana mid waliba kan kale kula soo jeestay hubkii, markaleeyna huguntay, waxaa yimi yaab iyo amakaag !!! halkaana aan u daayo taa una gudbo marxalad kale.
 
Iskuma diidanin, dadka soomaaliyeed in ay is wada dileen, Qaran, Qabiil ilaa Qoys, dalkana ay ka dhaceen dagaalo aan ujeedo iyo ka jeeda laheyn oo cirif walba gaadhay, su'aashuse waxa ay tahay maxeey salka ku hayaan dagaaladan iyo isbadaladan aan dhamaadka laheyn ? yaase iska kaashanaya mushkulidda Soomaliya ka aloosan bur-burkii dowlada ka dib ?
Aan u kala qado labo qeybood 1:- Beesha caalamka, 2:- Soomali sheeganeysa siyasiyiin iyo wadaado aan wadaniyiin aheyn, ayaa la oran karaa waxa ay iska kaashadeen dhibaatada soomaliya lugaha kula jirto maanta,
 
1:- Beesha caalamka, oo muraayad ka daawaneysay waxa ka dhacaya soomaaliya ridistii xukuumadda ka dib, ayaa bilowday dadaalo iyo isku dayo la sheegay in soomaaliya loogu raadinayo dowlad iyo kala danbeyn afka baarkiisa ah, hase yeeshee maadaama ay ahaayeen kuwa aan ku imaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed, balse ay ahaayeen qorshayaal ay soo waarideen maskaxo shisheeye, laguna qabanayay dalka dibadiisa dhamaantood waxa ay ku soo idlaadeen natiijo la'aan iyo in ay uga sii daraan marxaladii markaa la taagnaa,
 
Tusaale ahaan:-Dowladii Madaxweyne, Cali Mahdi, ee ugu horeysay laguna soo dhisay jabuuti, Janaraal Ceydiid oo hogaamiye awood cidanle ahaa lagama qeybgalin maamulka Jabuuti lagu dhisayay, weyna muuqatay in uu dagaal kala hor imaanayo, waxaa dabadeed la dhaxlay dagaalo iyo bur-bur, iyo in uu dhacao dagaalkii la magac baxay 4-biloodle,waana dowladii soo jeedisay in ciidamadda xooga dalku ay isku dhiibaan hubkana ku wareejiyaan jabhadihii barigaa oo u abaabulnaa qaab qabiil,

 
Markaa ka dib, dhibaatada dalka ka dhacday waxa ay si xoog leh u saameysay dhamaan dalka gaar ahaan gobolada koofureed, oo dadka ku dhaqani ay ku noolaayeen tacabka beeraha, colaadaha oo ka hor istaagay beerashadii dalaga iyo abaaro ku dhuftay, awgood ayaa waxa ay sababeen in ay deegaanadaa ka dilaacaan cuduro iyo macluul, ilaa magaalada Beydhabo ee G/bay loo baxsho magaaladii dhimashada,mar kale ayayna beesha caalamku waxa ay go'aansadeen in wax laga qabto dhibaatada bini-aadanimo ee soomaaliya ka jirta, waxase jiray dano kale oo lagu hoos waday, inkastoo wax laga qabtay macluushii iyo gaajadii barigaa ka jirtay deegaanadaasi,hadana waxaa ka mug weynaa dhibaatada ay barigaa beesha caalamka gaar ahaan mareykanku, uu ka geystay ama ka abuuray soomaaliya.
 
Waa taariikh la wada xasuusto, umana baahna qalin dheer, balse bixitaankoodii 1995-tii, waxaa dalka ka soo ifbaxay hogaamiye kooxeedyo damacoodu kala fogaa, waxa uuna mid walba ka tala qaadananay gacan shisheeye, oo aan soomaali wanaageeda ka shaqeyneyn si uu isagu u fushado danihiisa, aakhirkiina waxey dhaxashay in masiirkii dalka iyo umadaba la hoosgeeyo Dowlada Ethopia, oo aan dowladnimadeenii u dhignay cashar aaneey iloobin balse soomaalidu ilowday, bur-burka soomaaliya ku dhacayna u aragta falaar ka fuqday wadnaheeda.
 
Qoraa soomaaliyeed oo goconaya sanadihii tagay iyo sanadaahan danbe isbadalka ku yimi Soomaliya iyo Ethopia, iyo waxa uu rag ahaa iyo sida uu maanta yahay ayaa waxa uu yiri, { Soomaaliya waa qaran la qabjabiyay}dulucda sheekadaan oo aad u dheereyd, ayaa tusaalaha ugu yar ee aan ka soo qaadanayo waxa ay tahay sidan:- In 1993-dii ay Janano soomaaliyeed oo ka mid ahaa ragii wax ka hogaaminayay dagaalkii taariikhiga ahaa 1977-dii, ay magaalada godeey kula kulmeen saraakiil hoose oo Ethopian ah waxna ugu yeeriyeen, bal eeg sida loo bah dilay soomaalidii isla weyneyd, lama qadarin oo meel munaasba laguma qaabilin, mana aaneey la kulmin saraakiil la daraja ah, kaaga darane halkii ay geesinimadooda iyo aqoontooda bari ku xoreeyeen, ayaa laga soo siiyay hub iyo rasaas, iyadoo weliba la soo faray in ay ku gumaadaan shacabkii ay shalay cadowga ka difaacayeen, taasi miyaaneey muujineyn in soomaalida la qabjabiyay.
 
Aan u soo noqdo sheekadeydii, Hogaamiye kooxeedyadii mudaa la daba cararayay dagaal mooyee waxa ay dadka u diideen nabad, marna ma aaneey dhicin in ay wax ku hishiiyaan,xataa qab-qablayaashii muqisho waxa ay ku dhici waayeen in ay unkaan maamul uu yeesho gobolka banaadir, waxaa jiray dhowr isku day hase yeeshee aakhirkii waa lagu hungoobay, sababtoo ah mid ama labo ayaa cod dheer ku lahaa, [Looma dhama] waayoo waxaa ku kala dhex jiray oo u diidanaa in ay caqligooda nabad ku maareeyaan, waa ay iska cadeeyd waana gacmihii shisheeye ee ay ka kala amar qaadanayeen.
 
Markii muddo marxaladaa lagu soo jiray, ayaa hadaba si loo dardargaliyo sii fogaanshaha xaaladda soomaaliya, maadaama lagu daalay dhaqankii Qab-qablayaasha dagaalaka,waxaa la abaabulay shirkii Jabuuti, iyadoo door la cayaarsiinayo bulshada rayidka ah,si aqoonyahanadii iyo ugaasyadii tiirarka u ahaa iyo iyaga loo kala reebo la isagana hor keeno, iyadoo markaana la takooray hogaamiye kooxeedyadii,
 
Waxaa la isugu tagay jabuuti, waxaana lagu soo dhisay Dowladii Carta, wey iska muuqatay wixii lagu soo dhabdhabo halkaa in ay ka hor imaanayaan qabqablayaasha dagaalku, waxa ayse ahayd siyaasad naga weyn, bal u fiirso iyadoo go,aanada ka soo baxay shirkaa ay ka mid ahaayeen, in la cunaqabateeyo safarada iyo dhaqdhaqaaqa hogaamiya kooxeeyada, ayaa markii uu soo idlaaday alalaaskii shirkii Carta, waxaa hogaamiye kooxeedyadii iyo inkaloo lagu biiriyayba isbaheysi looga soo dhisay Soodare, aan kuu daayo akhriste dadaladaa shisheeye ee is bar-bar socda.
 
Qorshishii Jabuuti, bilo iyo sanado wax loo tiriyaba waqtigii waxa uu kaga dhamaaday wax qabad la,aan,waa caadadoodiiye caalam ku sheegu markaleey iclaamiyeen dib-u-hishiisiin in loo qabto soomaalida,waxaa la isugu tagay Neyrobi,waxaana ku xaadiray intii dhibaatada soomaaliya ka waday iyo intii jabuuti loogu soo indha fiiqay, 2-sano ka dibna waxaa la soo maleegay guntin kale oo mushkilad ah oo loogu tala galay in ay soomaaliya ku qaraxdo,maadaama wax la isugu soo daray umad aan hishiis aheyn, balse caalamku hishiis ku yahay in aaneey waligood hishiin.

 
Bal u fiirso, hogaamiya kooxeedyadii wax ka soo saxiixay hishiiskaas, isla markaana wasiiro iyo xildhibaano ka ah dowladii lagu dhisay Kenya,ayaa waxa ay maalmo ka dib muqdisho kaga dhawaaqeeyn isbaheysi la magac baxay !!!Argagixiso la dirir,!!!oo uu Mareykanku ku maalgaliyay, su'aashu waxa ay tahay marka,!!! maxaa 2-sano loo fadhiyay Kenya, maxaa loo bixiyay dhaqaalaha intaa le'eg,maxaa odayaasha iyo habraha waqtiga looga lumiyay, maxaase loo waayay in soomaalidu ay fahamto qaab cayaareedka caalamku la cayaarayo,!!!
 
Waa yaab!!! soomaalidu waxa ay tiraah [hunguri wax ka weyn baa wadkiisa ah] saaxiibadii muqdisho dharaarbeey ku dhawaaqeeyn Isbaheysigoodii, waxaana dhacay isku dhac dhex maray iyaga iyo wadaadadii oo helay taageeradda shacabka ka dib markii ay wadaadadu ay la yimaadeen iyaguna boor uu ku qoran yahay !!!Ashahaada la dirir!!!,taasina waxa ay keentay in maalma dabadeed muqdisho laga waayo hogaamiye kooxeed, ayna ka qoomameeyaan wixii ay faleen ka fiirsasha la'aanta,balse Mareykanka oo dhaqalaha ku bixiyay awalba [ xashka bab dheh waxa ku jira ha ka soo baxeene] waxa uu calaamadiyay siduu rabay oo ah in soomaaliya ay hooy u tahay waxa uu ugu yeero Argagixiso,aan u gudbo marxalad kale.
 
Wadaadadii sida filan waaga ah ugu soo booday masraxa siyaasadda,waxaa la oran karaa waxaa ka tan badiyay howsha hor timi, sida ku dhacday 1991-dii ururkii USC,damacooda iyo talaabadooda oo kala dheereyay awgeedna waxa ay si talo la'aan ah isugu fidiyeen gobolo badan oo dalka ah,ilaa ay kaabiga u fadhiisteen magaaladii dowladu daganeyd ee beydhabo,waxaa timi kaalintii beesha caalamka, waana sidii la rabay in ay wax u dhacaane, waxaa loo soo jeestay Baarlamaankii oo markaa lagu hareereysan yahay, waxa ayna si naf lacaari ah u meel mariyeen, in ciidamada darisku ay gudaha dalka u soo galaan si ay u gacan siiyaan dowlada taagta daran.

 
Maalmo kama soo wareegin go'aanka baarlamaanaka, markii ay gobolka Bay,iyo deegaana kaleba  soo buuxiyeen guutooyin ciidamada Ethopia ah, oo awalba lagu tuhmayay in ay ku sugan yihiin saraakiil iyo ciidamo magaaladasi, balse su'aashu waxa ay tahay, maxaa dowlada Ethopia oo qura u dhaga fududeeyay yaboohaasi, oo ay uga dhaga adeygeen dalalkii kale hadii aneey, baroortu orgiga ka weyneyn,
 
Nasiib daro, awoodii wadaadadu meesha ayay ka baxday, sabab ay soomaalidu leedahay awgeedna, taariikhda markii ugu horeysay waxa ay ciidamada ethopia tageen caasimada Muqdisho,waxaana dhacay wixii dhici lahaa !!!!!!! balse markale ayuu shisheeyuhu la yimi qiyaanadiisii,waxa uuna u kala saaray wadaadaii isku hadafka ahaa, oo qaxaya, Xag jir iyo Qunyar socdod,bal u fiirso sida ay wax u dhacayaan.
 
Si door loo cayaarsiiyo wadaadada qunyar socdka lagu calaamadiyay, waxaa la iska horkeenay dowladii, waxaana dhimasho, dhaawac, barakac, iyo burbur 2-sano iyo bar ah ka dib, iyadoo loo qiildayayo bixitaanka ciidamada Ethopia, la is tusay labadii oday ee wadaadada hor kacayay, mid ka mid ah iyo xulufadiisana waxaa lagu casuumay in uu wax la qabsado dowladii jirtay oo qudheeda siyaasad ahaan la jahwareeriyay,wax qabad la,aan iyo is qab-qabsina waqtigii uga dhamaaday, halka midkii kale ee lagu calaamadeeyay xag jirka iyo saaxiibadiina laga horeeyay saaxadda siyaasadda, si intuu u caroodo birito uga hor yimaado wixii la soo dhiso, bal eeg waxa yaab is daba yaal !!!!!!oo hadba marxalad lagu tijaabanayo dadka soomaaliyeed,
 
Dowladii la kala dir,baarlamaankii shalay xaalkiisa la ogaa lagu soo kordhi intiiyoo kale oo aaneey isku siyaasad iyo isku hadaf aheyn,loo sacaba tum codeyn ay muuqatay cidda ku soo baxeysa, waxna lagu soo dhis Jabuuti mar 3-aad,nin waliba si ha u arkee, la soo gurya noqoy, waa sidii la qorsheeyee waxaa curtay mucaarad uu qeyb ka mid ah horkacayo Odaygii shalay laga careysiiyay, arinkuna waxa uu taagan yahay ka daroo dibi dhal !!!! tiiyoo ay u sii dheer tahay kooxda Al-shabaab oo ka farcantay bur-burka wadaadada iyo is qabadka hogaankoodii, ilaa iyo hadana aan la garaneyn waxa ay dadka iyo dalka ka damacsan yihiin, marka laga reebo xukun islaamiya,ayna muuqato qudhoodu in ay shisheeye ku xiran yihiin,
 
Iminka saadaasha laga bixinayo dagaalada socda waxaa weeye, hadii ay dowladu guuleysato, waxaan dhamaan doonin dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo cabsida la kala qabo,hadii mucaaradku guuleystana waxaa faltami doona Alshabaab iyo Xisbul-islaam sida hadaba caaradoodu socoto,Caalamkuna tilaabuu qaadi doonaa,iyadoo markaasna Ehlusunna ay kursiga keydka fadhido, balse waa hubanti in tii Allana ay gaar tahay.

 
Marka xaal sidaa yahay ayna kuu muuqdaan ifafaalayaal badan oo is daba yaal, isla markaana aan dadka iyo dalka u soo sidin horumar iyo dowlad kama danbeys ah, koox walibana ay sida cayaarta orodka ah ee qori isku dhiibka, sanado ka dib inteey lunsadaan deeqda shacabka ay u dhiibeyso koox kale oo ka daran, adna aad ka mid tahay marqaatiga aamusan oo ah shacabka, sow kugu soo dhici meyso sheekadii aheyd:-
 
=Nin baa bari jeclaaday inan aad u qurxoon oo cid u joogta, xaafadna wey wada daganaayeen, ninku xoolo ma heysan uu gabadha reerkooda kaga doonto, markuu iyada gaar ula hadlayna wey diiday, muduu dusha ka daawanayay ileyn daniba tiriye,markii danbuu inta is heyn waayay oo iyadoo socota horteeda istagay ku yiri:- !!!Alloow anoo ku qaba la arkaa!!!!

 
Marka hadda maadaama soomaalidu dowlad la'dahay ku dhawaad 20-sano, welina aan la heyn wadadii lagu gaari lahaa,inta wadaniyiinta ah ee misana dowlad ku noolka ah, una muuqdaan sida ay wax u dhacayaan, iyagana aaneey jirin cid wax ka maqleysa, sow xaq uma laha inteey meel gaar ah fadhiistaan,oo gacmaha kor u taagaan in ay yiraahdaan !!!!Alloow la arkaa soomaaliya oo dowlad leh !!!!!
 
C/qaadir Maxamed Faarax [dulyar]
dulyar21@hotmail.com
Neyrobi, Kenya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip