sheekhu wuxuu ka hor tagay 77 maraakiib bishii rajab 20keeda sannadka markuu ahaay 779 hijriya oo soo weerareen bandar muqdisho
wuxuu sabab u noqday quusadii ay ku quuseen badda bi qudratil waaxidil qahaar sheekh faqih nuur faqih oo ka mid ahaay owlaadii sheekh faqay aboor wuxuu ka hortagay dowladdii malikil mudafar sanadkii 1600 miilaadiya isla sanadkaasi 1600 milaadiya7dii ramadaan wuxuu sabab u noqday ka
guurintii xamar geedkii caanka ahaay ee loogu magac daray (geed faqay) bi qudratil caziizil jabaar
sheekh faqih axmed faqih cilmi faqih abba xaaji oo isaguna ahaay owlaadii sheekh faqay aboor wuxuu ka hortagay 7 maraakiib oo weerar lixaad ah ku soo qaadeen bandar muqdisho sanadka markuu ahaay 1112 hijriya wuxuuna sabab u noqday quusadii ay ku quuseen badda biqudratil waaxidil axad
dowladahii isticmaarka ee ingiriiska iyo boortaqiiska jab xoog leh ayaa ka soo gaaray weerarka ay ku soo qaadeen bandar muqdisho sheekh cismaan cashirow faqih cilmi faqih abba xaaji wuxuu ku dugan yahay gendershe wuxuuna degenaay xamar gendershe wuxuu u tagay inuu khilaawo ku galo ka dib isagoo khilaawada ku jira rabbi wuxuu u soo diray haatif waxaana sheekha loo yiri muraadkaaga waa heshay
gendershe joog haka tegin muddo ka dib waa ku owlaad dhalay ka dib wuxuu ku geeriyooday gendershe geeridiisana waxaa reer faqay soo gaarsiiyey haatif rabbiga caza wajala oo diray taasna waxaa daliil cad u ah karaamaadka eebe ugu deeqay culumada reer faqih qoraalkaan waxaa ka oo qaadanay kitaabadii awoowayaasheen eena dib usoo cusbooneysiiyry allaha u naxariisto awoowgeena sheekh maclin mukaram
w/d sh cali cumar abati alfaghi email
ao_abati@hotmail.com
haddii aan ka hadalno ama wax idinka sheegno taariiiqda Sheekh Faqay Aboor waana sida soo socota
Al Waliyul Mucadam Sheekh Maxamed Bin Faqih Abuubakar Al Sheekhul Faadil Al Mulaqab (Sheekh Faqay Aboor)