Taariikh Nololeedka Sh: Max’ed Sh: Ax’ed Sh: Max’ed (Sheekh Abba) Alshaashi, Almaqdashi, Ashaafici, Al Ashcariyi, Alqaadiriyi.

0
Thursday August 21, 2008 - 19:08:07 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 4239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh Nololeedka Sh: Max’ed Sh: Ax’ed Sh: Max’ed (Sheekh Abba) Alshaashi, Almaqdashi, Ashaafici, Al Ashcariyi, Alqaadiriyi.

    Sheekh Abba waxa uu ku dhashay Degmada X/Weyne ee Magaalada Muqdisho, Sanadka marka uu ahaa 1936kii, waxa uu kusoo barbaaray waxna kusoo bartay Beytu Sacaada oo ku yaal Xaafada Koodka, Sheekha Wiligiisa Cilmi uma doonanin Dibada sida Awowgiis Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Abba waxa uu ku dhashay Degmada X/Weyne ee Magaalada Muqdisho, Sanadka marka uu ahaa 1936kii, waxa uu kusoo barbaaray waxna kusoo bartay Beytu Sacaada oo ku yaal Xaafada Koodka, Sheekha Wiligiisa Cilmi uma doonanin Dibada sida Awowgiis Sheekh Suufi oo kale.


Aabihiis waxa uu dhintay isagoo yar kadib waxa gacanta kusoo qabtay Awowgiis Sheekh Max’ud Sheekh C/raxman (Dabiye), Macalin kiisa Qur’aanka waxa uu ahaa Macalin Yuusuf Nuur Faqi Cali “Ashaashi”, Waxana udhameestiran Macalin Xeydar “Reer Faqi”, Kadibna waa uu guda galay Barashada Culuubta nuucyadiisa kala duwan sida Addabta, Fiqhiga, Tafaasiirta Axaadiista, Tasawufka, Dhibiga, Falaga, Ansaabta.
 
Sheekha waxa uu ahaa nin aad ugu xeel dheer Taariikhda Islaamiga,Taariikhda Umadaha kale iyo Tan Soomaalida sidaa darted Soomaalida waxa ay ka dhigteen Marjaca ugu horeeya ee lagu kalsoonaan karo:
 
Sheeekha asagoo aad uyar waxa uu bartay Cilmiga Dibiga, Ansaabta, Falaga iyo Taariikhda waxana sheekha uu ahaa Awowgiis Sheekh Max’ud” Dabiye” kunasiiyay Ijaaso .
 
Waxa kale oo ka mid ahaa Masha’iqdiis Sheekh Cabdal Majiid Sheekh Maxamed Sheekh Suufi Sheekh Cade waxa uuna ka bartay Naxwaha, Sarfiga, Balagada, Mandiga Caqiidada, Fiqhiga, Tafsiirka, Axaadiista iyo Tasawufka iyo Masha’iqda kale oo ay ka mid yihiin.
1.      Sheekh Cumar Reer Shiikhaal Ow Xasan
2.      Sheekh Max’ed Sh: Muxidiin Macalin Mukaram
3.      Sheekh Abiikar Sh: Muxidiin Macalin Mukaram
4.      Shariif Xuseen Cumar Askar
5.      Sheekh Qaliif Faarax Nuur
6.      Sheekh Munye sheikh Qaasim |Baraawi
7.      Sheekh Yuusuf Reer Qudub
8.      Sheekh Ax’ed Muxidiin (Baafadal)
9.      Sheekh Max’ud Cabdi Matajali-(Qaliifatu Ashar ugana sheikh ahaa Ijaasada Naqshad bandiya)
10. Siid Calaawi Maaliki oo ijaaso ku siiyay Aqrinta Axaadiista
 
Magacayada Masha’iqdaan waa inti aan kazoo qornay sheekha afkiisa, Sheekha inta uu noolaa Culuumta oo sheikh Abba aqriyay waxa ka mid ah
1.      Tafsiir Jalaaleyn Maca Ruuxu Bayaan
2.      Axaadiista sida Riyalo Saalixiin, Saxiixul Bukhaari, Jaamicu Saqiir iyo Majmacu Zawa’id
3.      Luqadaha sida Ajruumiga, Cabriidhi, Sarfiga, Balaagada, Mandiqa,
4.      Fiqhiga sida Minhaajka,
5.      Cilmiga Tasawufka
6.      Cilmiga Mawaaqiitka
 
Isagoo sameeyay Mawaaqiitu Salaad ee Soomaaliya oo lagu adimo Waqtiga Salaada ee Masjidyada Muqdisho.
 
Sheekha waxa uu leeyahay Maktabad marjac u ah Culimada Soomaaliyeed.
 
Karaamadiisa iyo Sifaadkiisa oo aan lasoo koobi Karin taariikh nololeedkiisi oo faahfaahsan waxa uu kusoo baxayaa Kutubka: Kashfu-Siri Muqaba Fi Tarjumati Sheekh Abba Insha’alaah oo uu qoray Talmiidka Sheekh Aba oo ah Sheekh Axmed Cisman Max’ed (Sheekh Axmed Muniir)

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip