SHEYBKA REER SHAATIYO BADAN OO SHEEGTAY, SHIR GUDDOONKA SHIDO WADAYAALKA SOOMAALIYA OO DHAN.(RA'YI)

0
Saturday August 23, 2008 - 14:02:27 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHEYBKA REER SHAATIYO BADAN OO SHEEGTAY, SHIR GUDDOONKA SHIDO WADAYAALKA SOOMAALIYA OO DHAN.(RA'YI)

    Waxaa ah wax laga naxo wareysi uu dhowaan siiyey BBC da Xasan Daahir Aweys oo loo yaqaan ( Sheybka reer shaatiyo badan), sheybka mar wax laga weydiiyey sida uu u arko guud ahaan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska ay dhowaan magaalada Djibouti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ah wax laga naxo wareysi uu dhowaan siiyey BBC da Xasan Daahir Aweys oo loo yaqaan ( Sheybka reer shaatiyo badan), sheybka mar wax laga weydiiyey sida uu u arko guud ahaan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan heshiiska ay dhowaan magaalada Djibouti ku gaareen DFKMGS iyo Isbaheysiga dib uxoreynta?.


Wuxuu sheybku ku bilaabay hadalkiisii  "  marka hore waxaad ii ogolaataa inaan u  tacsiyadeeyo dadkii  Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKMGS ku xasuuqeen  deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Carbiska", sheybku ma uusan xusan tacadiyaddii kale ee ka dhacey meelaha kale sida : Baladweyne, caasimada Soomaliya ee Muqdisho iyo Kismaayo iwm.
 
 Sheybku mar uu ka jawaabaayay heshiiska dhowaan  DFKMGS IYO isbaheysiga dib uxoreynta ku saxiixeen Jabuuti, wuxuu sheegay in uu meelaha ka maqlaayay in  la saxiixey heshiis aan isaga iyo beeshiisuba ku qanacsaneyn, wuxuuna ku tilmaamay shaqsiyaadka  Jabuuti ku saxiixey heshiiskaas la sheegaayo insaysan faham-saneyn hadafka dhowrka iyo tobanka sano taageerayaashiisu, ayagoo hadba shaati gashanaayay ay dhiigga shacabka Soomaliyeed u daadinaayeen.
 
Tala-xumada Sheybka, waxaa lagu xusuustaa sannadkii 2006kii, iyadoo Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ee uu hogaaminaayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo inta badan taladii dalka  gacanta ku dhigey, shacabkii Soomaliyeedna 97% caleemen qoyn u  ruxaayaan, lana helay ammaan iyo kala danbeyn Dawladnimo oo la la'aay dhowr iyo toban sano, ayaa nasiib darro Sheybka reer shaatiyo badan wuxuu sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha Guddiga  Golaha Shuurada ee Midowga Maxaakiimtii Islaamiga, is-magacaabidiisii  Sheybka, dhowr saacadood ka dib waxaa soo baxey tobaneeyo (10) maqaal oo lagu naqdinaayo is-magacaabidiisii, maqaaladdaas waxaa ka mid ahay maqalkii ciwaankiisu ahay " Xiisihii loo qabay xukunka xerta, xukun jaceylka Xasan Daahir Aweys ayaa xumeeyey iyo qaar kale".
 
Dhowr asbuuc ka dib is-magacaabidii Xasan Daahir Aweys iyo carrab-dheeriddii taliye maleeshiya beeleedkiisa ninka isku magacaabay General Yusuf Siyaad M Indhacadde, waxaan filaayaa in laga wada dheragsan yahay sidii uu u dummey shucaacii ifaafey ee MMIS, ka gadaal markii uu sheybku yiri Adduunka oo dhan ayaan ku xukumeynaa Diinta Islaamka iyo Yusuf Indhacaddeoo iclaamiyay inaay tobobo casho(7) ka dib aay madaxda Maxaakiimtu ku dukan-doonto magaalada Baydhabo oo xarun u aheyd DFKMGS, Maxaakiimtii waxay  bilaabeen dagaalo aan qorsheysneyn, si xun ayaa dagaalkii loogu jebiyay Maxaakiimtii, waxaana laga dhigey mid haadey iyo mid heybshey, markii aay arintu xumaatay ee aay gaartay yaa Dooli iga dhiga ayuu Yusuf Indhacadde Xaj beenaad u aadey Suadi Arabia, arintiina waxay noqotay reer hebelow labada orod mid daaya.
 
Sheybka oo wakiil ka ah beeshiisa wuxuu taagan yahay, dhiggii shacabka Soomaliyeed ee la soo dadinaayay laga soo billaabo sanadkii 1991dii, cid aan  aniga aheyn kuga shir tagi karto, runtii waxaa hadda moodaa inaay  muuqanayso astaan  muujinaysa in aay sheybka  u rumoobi rabto riyo maalmeedkiisii ( day dream) waayoo R/W Nuur Cadde oo aad u nabad jecel ayaa hogaanka Xukuumaddiisa ku aaminay  kuxigeenkiisa Axmed Abdisalaam  Aden oo aay isku hadaf  iyo heyb yihiin sheybka, ee Soomaliyey  haddii aan Ilaahay xal kale keenin, ha loo digaar garoobo dagaaladdii sagaashameeyaddii 1990dii oo kale.
 
Sheybka reer shaatiga badan oo sheegtay shir guddoonka shido wadayaalka  Soomaaliya oo dhan.
 
 
 
 
Warsaame Yusuf@hotmail.com

 

Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

 

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

 

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip