“Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow.

0
Sunday August 24, 2008 - 15:28:50 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow.

    HAMBALYO “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow. Waana qeybtii koowaad ee suugaantii Maxamad Gacal Xaayoow oo ka kooban 25 maanso oo isu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HAMBALYO “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” waa buug cusub oo lagu soo aruuriyay maansooyinkii abwaankii aad wada taqiinneen ee Maxamad Gacal Xaayoow. Waana qeybtii koowaad ee suugaantii Maxamad Gacal Xaayoow oo ka kooban 25 maanso oo isugu jira gabay, guuroow, shirib, masafo, iyo geeraar.

 

 

 Maansooyinkaas ayaga ah oo intooda badani ku saabsan yihiin kuwii uu abwaanku tiriyay 18kii sano ee dagaallada sokeeye, waa maansooyin aad u qiimo leh oo tilmaamaaya taariikhinaayana dhacdooyinkii xilligaas asaga ah, kuwaas oo marka aad akhriso kuugu muujinaaya xaaladda ay ka hadlaayaan sidi muraayad oo kale ama kaa dhigaayaba sidi qof joogay meeshi ay ka dhacaayeen.  Waxaana ka mid ah gabayada noocaas ah haddii aan wax uga soo qaato,  -tusaale ahaan- gabaygii Su’aal Furan oo uu tilmaan ka bixinaayay sida jidgooyeyaashu (isbaarooleydu) ula dhaqmaan dadka:

Su’aal furan

“Suluf iyo abaar baa dhiciyo sabin colaadeede
Dadki sabir iyo iimaan la’aan lagu siyaaddeeye
Seef iyo ninkii faal sur weyn subixi soo qaatay
Ee surun istaagee qofkii socota soo leexsha
Ee wixii sakaallada ku juray sahal kusoo qaatay
Sar qabyaana haystee si wacan loo sallixi waayay
Saf ballaaran oo wada socdee wada sinaysaaya
Sajadtuna lahayn oon salaad subax u hiiraysan
Haddii sidaa Islaannimadu tahay sadarka loo raaco
Soohdinbaa u tiillaye wallee seera-gudub maahin.

Waxaa suulay dhaqankii hiddaha saafi ku ahaaye
Safar-dhibe’ jidgooyaa batiyo saancaddiyo tuuge
Adoo sarar ku-miinliyo carruur saad u jirihaaya
Ma sabraan ma seexdaan haddaan soorta loo karine
Haddaad socoto suuqiyo guryaha meesha kala soocda
Nin surwaalka gaabsaday haddoow subixi kuu yeero
Soo soco, gacnaha sare u taag waa silloon tahaye
Sandullowna kugu baarayaa seedda muruqaahe
Sabool baahan wixii laga dhacana waa sun iyo booge
Dhallinyarada Soomaalidee sida xun caadaystay
Sinjigay baddalatiyo wixii sababay ceebaalka
Sahalaan jawaab uga rabnaa waa su’aal furane.”

Abwaan Maxamad Gacal Xaayoow waa abwaan caan xagga suugaanta ku ah, haddii ay noqon lahayd; murtidiisa, luuqdiisa, hannaan gabayeedkiisa iyo farshaxannimadiisaba.

Abwaanku wuxuu ka gabyaa inta badan; waddaniyadda, wacdiga iyo waanada, baraarujinta ummadda, diinta, dhaqanka, hiddaha, kheyraadka dalka iyo dhammaan wixi dan u ah bulshada oo markaas la tebaayo ama ah dhibaato taagan  loona baahan yahay in laga gudbo. 

Abwaanku wuxuu daggan yahay magaalada Xamar, halkaasoo ay iigu suurto gashay inaan kula xiriiro khadka hawada anigoo ah Siciid Sh. Cumar kuna nool waddanka Canada(si ku-meel gaar ah).
M.G.X. waa abwaan aad looga yaqaan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaanna caan ku ah dhegaha dadka iyo dhageysteyaashii Radio Muqdisho.  Waxaa kale oo uu abwaanku ka qeybgalaa intooda badan shirarka lagu raadinaayo xalka arrimaha murugsan ee Umadda Soomaaliyeed, asagoo lagu yaqaan inuu ka muujiyo qiirada gobannimo doonnimo iyo kaalinta ummaddu ku leedahay.

Hadal badan haan ma buuxhsee, waxaa sharaf ii ah inaan idiin soo bandhigo Buuggaan la magac baxay “Midnimaa Wanaag Lagu Guntaa” anigoo filaaya inaad ka heli doontaan tixaha iyo tiraabta uu xanbaarsan yahay.  

Intaas kaddib, waxaan idiin raacinaayaa qaar ka mid ah dadkii akhriyay buugga iyo wixi ay ka yiraahdeen.


ARAGTIDA SKHRISTAHA

MIDNIMAA WANAAG LAGU GUNTAA

Buuggaan loogu magac daray Midnimaa wanaag lagu guntaa oo ka kooban suugaan laga soo minguuriyay cajalado (giraamo) laga duubay abwaanka caanka ah ee Maxamed Gacal Xaayow, waa buug qiime iyo qaayo badan ku fadhiya. Buuggu waxuu xambaarsan yahay murti iyo maahmaahyo wanaagsan oo tusaaleynaya dhaqankii suubanaa ee somalida. 

Sidoo kale markii la rabo in ummad tagtadeeda wax laga ogaado waxaa la tixraacaa suugaanta nuucyadeeda kala duwan oo  ay laheyd ummaddaas. Suugaantu waxay iftiimisaa xilligaas la joogo wixii dhacayay, hiddaha iyo dhaqamadii xilligaas caanka ahaa iyo dhibaatooyinkii jiray, haddaba abwaanka oo ku gabya xaraf walba oo afsoomali ah kuna caan baxay wanaagga iyo waanada ayaa xilligan cakiran ee jirintaanka soomaaliduba yahay mid ay dhibaatooyin badani haystaan, ayuu abwaanku waxaa uu umadda xasuusinayaa  dhaqamadii suubbanaa ee ay lahaayeen kuna waaninayaa wanaagga iyo wax wada qabsiga iyo  in laga fogaado isqabqabsiga, qabyaaladda iyo kala qeybsanaanta, waxaadna arki doontaa markaad aqriso inuu gabyaagu la hadlay ummadda qeybaheeda kale duwan sida aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka, dhallinyarada IWM, uuna ku baraarujinayo sidii soomaalidu ahaan jirtay iyo siday maanta tahay iyo waliba sidii xal waara loogu heli lahaa dhibka ka taagan gayigeenna soomaaliyeed.

Qoraha buuggan oo kaalinta ugu weyn ka qaatay diiwaan galinta iyo sii jiritaanka suugaantaan muggeeda leh, ayaa sidoo kale waxuu gabay walba ka hor sheegayaa xilligii la tiriyey gabayga, sababtii loo tiriyey, dhacdooyinkii taagnaa iyo asbaabihii abwaanka ku dhaliyay inuu gabayga sameeyo taasoo uu kala sheekeystay abwaanka .  Intaas oo dhan waxa u sii dheer qoraha inuu u sameeyay gabay walba erey bixin uu ku macneynayo erey walba oo mugdi ka gali kara aqristaha .

Haddaba waxaan kula talinaya dadka soomaaliyeed ee si gaar ah u xiiseeya suugaanta inay buuggan  ka faaiideystaan waayo waxa uu xambaarsanyahay miidda murtida Soomaaliyeed iyo suugaan muhiim ah oo ay ku dheehantahay taariikhda 60kii sano ee la soo dhaafay.

June 28,2008  pakistan                                               
Eng. C/nuur Sh. Abuukar.
                                                      


Midnimaa wanaag lagu guntaa

Qoraalka buuggan oo ku saleysan soo xigasho toos ah oo uu qoraagu la sameeyay abwaan Maxammad Gacal Xaayoow oo ogaanteen ku sugnaa hoygiisa ku yaalla degmada Kaaraan, Muqdisho, Soomaaliya iyo waliba cilmi baaris dheeraad ah oo uu qoraagu ku sameeyay abwaanno badan oo wax ku cabbiray gabayo, guuroow, shirib iyo masafooyin kuwaasoo kala ah kuwo codkoodu baahay iyo kuwo aan la maqal intaba.

Qaabka tayeysan ee qoraagu isu saaray erayada iyo macnahoodab waxay sahleysaa in dhammaan akhrisayaashu u wada fahmaan micno la mid ah tan abaanku ula jeeday erayadaas.  Fahamkan wanaagsan ee qoraagu sahlay waxa uu uga gol lahaa inuu tixraac u sameeyo qorayaasha hadda iyo kuwa danbe ee fanka iyo suugaanta ku hamminaaya inay wax badan sii gudagalaan suugaanta hooyo.

Ma jirto diin, dhaqan, iyo suugaan si dabiici ah isaga horumara ilaa dadkoodu u howshoodaan gaarista himiladan muqaddaska ah.

Muqdisho juun 25, 2008           
Muxuddiin m. ahmed.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip