Dhallinta Mustaqbalka iyo Siyaasada Maanta (Faalada Qamiista)

0
Thursday July 17, 2008 - 14:47:14 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3062
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinta Mustaqbalka iyo Siyaasada Maanta (Faalada Qamiista)

    Waxaa maanta kusoo qaadaneena Faalaada Qamiista "Dhallinta Mustaqbalka iyo Siyaasada Maanta……"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta kusoo qaadaneena Faalaada Qamiista "Dhallinta Mustaqbalka iyo Siyaasada Maanta……"


Dadka badawga ah oo keli ah ayaan u fiirsan meesha ay ka yimaadeen, sida ay kuyimaadeen,halka ay joogan, in ay aadaan halkaas, haday sidaas tahay waayo?, hadaanay ahayn waayo?.
si loo saxo ambashada dowlad kasta oo soomaaliyeed hadii midnimo laysku raaco iyo hadii kalaba. maxaa talo inoo ah??

Mar hadii nidaamkii suldaanimada ee dhaxaltooyada ahaa uusan maanta aduunka ka hirgaleynin, mar hadii dowlad xisbiyo badan aynu af-garan weynay, mar hadii xukun adag oo ciidanku awoodu haystaan ina wadi kari waayey....hadaba maxaynu yeelnaa mustaqbalka?? waa su aal culeyskeeda leh oo u baahan in ay ka baaraan degaan dhalinyarada aqoonta siyaasadeed lihi si laysu waafajiyo xaaladeena dhabta ah iyo nidaamka dowladnimadeena, dhllinyarada soomaalida oo dhami waxay maanta diyaar u yihiin in ay si aan ku qasab ahayn uga gudbaan siyaasadaan dhallanteedka ah ee laysku qaldayo laguna daneysanayo.
 
Waxaynu maanta wada qaadnay cudurka cusub ee aynu ku dari doono cudurada caruurta laga talaalo oo magaciisa aynu u bixin doono (sas qabyaaladeed) laakiin wadada loo maryo wa tee???

Waa inaynu baadi doonaa fikrad soo bandhigeeda iyo fullinteeda ay u dhexeeyaan mar xalado is-daba jooga oo midba midda ka dambeysa ay u gogol xaadheyso ugu dambeyntana ina gaadhsiineyso higsigeena. qof kastna waa inuu ku xisaabtamaa heerka garaadkeena siyasadeed, diinteena, aqoonta dadkeena, dhaqaalahooda, hab-nololeedkooda, taariikhda iyo dhaqankeena, dabeecada dadkeena, cimilada aynu ku noolnahay, bar-juqrafiyeeda dhulkeena, wadamada inala ologa ah siyasadooda, waxa aynu haysano, waxa suura galka inoo ah, iyo ugu dambayntii nidaamka calamka cusub.

Lakiin wa inaynu si fudud oo lab la kac ah u odhan nidamka mareykanka, ruushka, ama kan south africa aynu qaadano inagoo eegin kala duwnashaha ama waxa aynu wadaagno waana inaynu ku xisaabtanaa xaaladeena runta ah iyo murtida soomaliyeed ee odhaneysa (dani wa seeto).

Si kastb ha ahaatee waxaynu u bahnahay aragtiyo siyaasdeed iyo hab-siyasadeed cusub oo aynu ku wajahno siyasadeena manta.

Madab kasta aynu qadanee marka hogamiyayashu ku socdaan siyaasad uu jiheeyay rabitaanka dadku isla markana dad weynuhu ay u arkaan sidii ubad ay dhaleen ayey muteysan karaan kalsoonida shacabk, dad weynuhuna marka ay madaxdooda uga dambeeyan sida ubadku walidka u ixtiraamo ayey madaxdooda ka kasban karaan maamul dacadnimo sal u thay.

Waxaa hubal ah in xukun kasta oo dhulka dushiisa ka jira qalad galo isla markana aanu raali gelin karin ummada oo dhan
 
Waxaa kale oo an farta ku fiiqayaa inanu jirin xukun dimuqradiyadiisu dhameystirantahay , hdii ay jiri lahaayeen dad muqadas ahi xukunku isagaaba dimuqraadi iska ahaan lahaa hase ahatee xukunka sidaas u dhameystirani kuma haboona bani-adamk.

Waxaa haboon inaynu xal baadi goobno umadaha aduunku waxay soo mareen taariikh taxane ah oo da,iba da,dii ay badashay ay saxayeen khaladkooda inagase waxaa la modaa jiilasha cusubi in ay gabeen kaalintoodii iyagoo mid weliba sawir ka qaadanayo sidii awoowgii u dhaqmi jiray taasoo ka hor imaneysa taxanha nolosha. dabeedna jaha-wareer keeneysa waxaase layaab leh aqoonta aynu baranay iyo il-baxnimadii xageey inaga martay??

Maxa keenay in aqoonyahanka da da yari ee soomaliyeed ee shahado sre ee jamcdeed sita inuu daba galo oday qabyalda shahado ka sita oo sidiisa kale aqoon daro dhega tirtay.
aqoon darida lafteeda ayaa loo qeybiya saddex nooc oo kala ah.
1-aqoon lawe isu qaba inuu wax yaqano.
2-aqoon laawe og inanu wxba aqoon.
3-aqoon yahan isu qaba inanu waxba aqoon.

Sifada koowaad waxa laga dareemayaa siyaasiyiinteena madaama kuwii afartan sano iyo ka badan joogay ay manta dhinac inoo dhigi waayeen marka waxaa la odhan karaa waxay isu qaban inay aqoon siyaasadeed leeyihiin lakiin siyaasd iska dayoo naftooda ayey aqoon darro ka haysa maadaama ay is garan kari wayeen inaanay aqoon siyaasadeed lahayn.

Sifada labad waxaa laga helayaa dad weynha cadiga ah halkasoo qofkii aan wax baranin uu is ogyahay inaanu aqoon lahayn taas oo aan jaahilnimo lagu sheegi karin balse loo baahanyahay in wax la barro.

Sifda saddexaad waxaa qaatay dhallinyarada soomaliyeed ee wax baratay ee hadane isu arka inanay waxba ka aqoon wax ka qabashada wadankooda iyagoo daba galaya kii jaahilnimadiisu aynu soo sheegnay, kuwasoo mant aad moodo in ay yihiin maxaabiis-maskaxeed u xidh-xidhan qab-qablayaal dagaal oo tafaraaruq dhex-geliyey da, dii ku xigtay si aan loo weydiin sax iyo qalad waxay sameeyeenba.

Waxaase is weydiin mudan miyaney dhallinyaradaasi fahansaneyn adaygaan rug-cadaaga ah ee ay qabyaalaada ku taageerayaan inuu ka qaaday fursadoodii markii uu tiisii dhameystay
dhallinyarooy waase adinka iyo yeelkiin hadaad iga ogolaataan in aad ii dhibatootaan oo ii dhimataan si aan aniguna daruurha dhexdooda ugu noolaado.

waxaanse rajeynayaa dhallinta wax bratay inay dhulka ka kici doonaan mar hadii ay manta kala garanayaan kan daneysanaya iyo kan u daneynaya, maah maah soomaliyeed baa odhaneysa ( mar i dage alle ha dago mar labaad i dagase anaa isu dagay)

Waxaa manta la wda fahmay oo aan qofna caad ka saarneyn ereyada af-gobaadsiga ah ee ay adeegsadaan daneystayaasha qabyaalada ku dhuunta.

A/rahman Adow Ahmed
cc-yare@hotmail.com
Adis-ababa,Eithopia
tell_+251911723246

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip