GALBISKII CISMAAN CAATO IYO FASHILKII AL SHABAABKA QEYBTII 2 AAD

0
Wednesday September 03, 2008 - 16:34:36 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GALBISKII CISMAAN CAATO IYO FASHILKII AL SHABAABKA QEYBTII 2 AAD

    Waxaa magalada ku soo haray Axadii 1aad iyo Axadii 2aad oo kala dagay labada qeybood ee Magalada Muqdisho waxaa ka furmay mashruuc lamagac baxay daga ee diirta intaa ka did markii Caasimada xaaluf laga dhigay ayaa waxaa firmay mashruuc loogu magac d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa magalada ku soo haray Axadii 1aad iyo Axadii 2aad oo kala dagay labada qeybood ee Magalada Muqdisho waxaa ka furmay mashruuc lamagac baxay daga ee diirta intaa ka did markii Caasimada xaaluf laga dhigay ayaa waxaa firmay mashruuc loogu magac daray (waa XUREYSTAY)


Mashruucaas  waa uu wajiyo badnaay laakin inta ugu muhiimsan ayaan ku soo qadan doonaa  (Qeebta koobaad) dhofinta hantidii qaranka sida warshadihii. fiilooyinka iyo talooyinka  maarta ah mashruucaas waxaa qandaraas ku qaatay MD Xildhibaan Cismaan Caato oo  maanta besha uu ka dhashay abaal marin u siisay darajada Xildhibaan iyo in AL SHABAAB amaankiisa ilaaliso kuwa kalana madaxa laga jaro ama guryahooda bam lagu tuuro midaana  waa fashilkii AL SHABAAB oo lamida burburkii USC sidaan lawada socono USC halgankedii waxa fashilka u keenay ka dib markey heyb qabiil u soo dhawasatay qaar ka mida madaxdii rajiimkii milatariga 21ka sano wadanka maamulayay la soo dhaweyay qaarna casimada laga eryay arin qabiil awgeed
 
 (Mashruuca 2aad) waa dib u dajinta XAQ U DIRIRKA waxaana la soo raray ama  xaalufiyay suqyadii hore ee magaalada Muqdisho sida suqii XAMAR WEYNE .VIA ROMA  CABDALLA SHIDEEYE. AFAR IRDOOD CEELGAAB. KU DHACDO.dhamaan gobihii gadiidka gobolada iyo kan gudaha ka bixi jiray xataa waxaa la soo raray BUUR KAROOLE IYO BARAAKO CABDOOW oo ah halka dumarka jirkooda ka ganacsada dagaan u aheyd waxaana saldhig looga dhigay halka maanta dhibatada magalada Xamar laga soo abaabulo oo ah BAKAARAHA wayoo halkaas waxaa dagaan ka dhigtay labadii kooxood ee kala yimid labada AXAD oo ka dhistay daaro dhaadheer kana sameystay ganacsi kala duwan sida Xawaladaha. isgaarsiinta. baqaaro waaweyn xafiisyo laga kireeyo kooxda labaxday  hey.adaha samafalka iyo ururada bulshada waxey noqotay  inta badan shacabka Xamar meel ay u soo shaqo tagaan si ay nolol maalmedka uga helaan
 
 
17sano ka dib Axadii 1aad iyo Axadii 2aad waxey xaraan ku milkiyeen hantidaas faraha  badan ka dibna abuuraan kooxo ka amar qaata oo ku shaqeeyo danahooda gaarka oo ah in la dilo ama la barakiciyo Aqoonyahanka wax garadka saraakiisha Culumaa.udiinka Fanaaniinta oday dhaqameedka kooxdii 2 Axadood waxey ku guuleysteen in Magalada Muqdisho ayaga awood ahaan gacanta ku dhigaan hadii loo bahdo ODAY DHAQAMEED  iyo URURADA BULSHADA waa ayaga hadii loo bahdo CULUMAA.UDIIN waa ayaga hadii loo bahdo AQOONYAHAN waa ayaga hadii loo bahdo REER MUQDISHO waa ayaga hadii loo bahdo GANACSATO waa ayaga.waxaa taa u dheer inta badan wargeesyada ka soo baxa dalka in ayaga leyihiin kuwa kalana cabsi dardeed hadli karin midkii diidana dila  aqristoow imisaa ladilay ama dalka isga cararay arimahaas awgood


 Wax kasta waqti ayey dhamadaan waxana filayaa in xiligoodii gabagabo yahay waxaaa tusaale u ah kooxdaan 17 sano Dalka fowdada ku heysay in magacyo fara badan la soo bexeen xiliyo ama marxalado kala duwan soo mareen 1991 ilaa 1993  waxey wateen magac QABIIL 1994 ilaa 1996 magac XAQ UDIRIR 1997 ilaa 1999 magaca reer MUQDISHO 2000 ilaa 2005 WALAALAHA GALGADUUD

2006 ilaa 2007  Magaca MAXKAMADAHA MIDOOBAY oo aan filayo in uu yahay magacii ugu  danbeyay ama kaarkii jeebkooda ku haray wayoo sidaan lawada socono Maxkamadaha waa fakir ka yimid labada kooxood inkastoo
markii danbe qaba.ilada intooda badan ku soo bireen tira ahaana looga fara batay  oo Culumaa.udiin faro badan oo daacad ah ku jiraan ayaa mudo ka dib markii awooda 

Magalada Muqdisho looga guuleyastay HOGAMIYE KOOXEDKII shacabka mudada dheer dhibka baday midaana waxey ku heleen soo dhaweyn fara badan oo gudaha iyo dibada ah waqti kadib waxaa soo baxay amar ah in laga boxo GURYAHA iyo beeraha xooga lagu heysto laakin waxey u cuntami weyday qolyaha xooga wax ku heysta waxeyna radiyeen hab ay ku fashiliyaan wuxuuna noqday in la magacaabo gudoomiye shuuro ama Baarlamaan oo ka hortaga halaga boxo Guryaha iyo Beeraha waxaana la qabtay shir  lagu magacabay Gudoomiye Shuuro Korneel Xasan Dahir kadina Gudoomiyaha
 
 
 Midowga Maxkamadaha oo ah Sh Shariif loo magacaabo Gudoomiha fulinta markii la dhisay gole shuuro ama Baarlamaan madaxna loga dhigay kornel Hassan Dahir Waxaa si dadban xilkii looga qaaday Sh Shariif laguna magacaabay Gudoomiyah fulinta waxey noqotay in uu fuliyo amarka ka soo baxa kornel Aweys wayoo waa Gudoomiye fulin xooghayaha Gashaandhiga waxaa loo magacaabay Indha Cade oo ah Gudomiyaha Gobolka Sh/Hoose xiligaas xoog ku heystay kana mid ahaay hogamiye koxeedkii midaana waxey shaki badan ku abuurtay tagerayaashii Maxakiimta oo filayay in Indha cade iyo qaar kale oo lamida la marsiiyo wadadii Hogaamye Kooxeydkii oo ah in dalka laga saaro ama laqabto laakin midaa badakedii waxaa dhacday in loo dhiibo xil sare

Markii la weydiiyay Korneel Xasan Daahir oo xiligaas ahaay Gudoomiyaha Shurada  ayaa cod dheer warbahinta ugu sheegay in Hogamiye INDHA CADE oo xiligaas xoog ku hestay G/Sh/Hoose yahay maamul lamida mamulada ka jira Somalilaan iyo Budlaan  Aqristoow Maxkamadihii soow maraacin wadadii USC ku burburtay waxaana dhihi karaa USC xiligeedii majirin in xil loo dhiibo Masuul ka mid ah Rajiimkii Milatariga laakin xiligii Maxaakimta way dhacday in Hogamiye Kooxeeed fara baden xil loo dhiibo sida Indha Cade. Macalin Xaashi. Cirfo iyo qaar kale .
 
 
 LASOCO QEYBHA KALE HADII ILAAH IDMO
 
 
 QORE Abdinur M Nur
rah_9@hotmail.com


Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka

Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid

Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir
webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip