Ramadaan Kariim dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeedda kala duwan, intaas ka dib, maadaama lagu jiro Bishii barakeysned ee Ramadaan, ma-rabo inaan dhaho wax koox ama qof bani'aadam ah aay dhib-sanayso, balse waxaan si weyn u aamin sanahay wixii shaki kaa galo inay bannaan tahay in su'aal ahaan loosoo bandhigo, si aay jawaab uga bixiso ciddii ay quseyso, sidaas awgeed.
Walaalkey Sh. Yusuf Mohamed Siyaad ( Indhacadde) maxow ula jeeday "Sheekh Shariif Sheekh Ahmed Jowhar waa imaan karaayaa?" dadka qaar ayaa qaba in uu Sheekh Indhacadde ula jeeday xushmad uu u haayo Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ( respect), laakin dadka intiisa badan waxay qabaan in uu Indhacadde ula jeeday, bah-dileyn (humiliation) uu ku samey naayo Sheekh Shariif oo la qabsaday masraxa Siyaasadda ilaa heer caalami ( (International level).
Murunkaan xoogan waxaa keenay, waxaa inta badan la ogyahay in uu Sheekh Shariif ku dhashey Jowhar kana soo jeedo beesha Mudulood ee degta goballadda leysku yiraah ex- Banadir oo uu ku leeyahay taageerayaal aad u badan una hubeysan oo horey loo oran jirey Shaalalley.
Murankaan ma uusan imaan lahayn haddii uu Yusuf Indhacadde oran lahay Sheekh Shariif Sheekh Ahmed waa imaan karaayaa Guri-ceel, ee Soomaliyey Sheekh Shariif Sh. Ahmed ma oran karaayaa Sheekh Yusuf Indhacadde waa imaan karaayaa Guri-ceel?.
Soomaliyey waxaan wada ognahay, ciyaarta lawada dheeley ee Soomaliya ka soconaysey sideed iyo toban (18) sano ku dhowaadka, waa koreyda qalabka warbaahinta leyska maqashiinaayo inay ku hoos jirto, waa hoosey iyo looltan wejiyo badan leh.
Inta badan Soomalidu, gaar ahaan Soomalida koofureed waxaa aad loo ogyahay in uu taagan yahay dareenkii ( tension-kii) Ali Mahdi iyo Moh'ed F. Ceydiid ee 1991kii ee fadlan dadkaan wada dhashey yaan mar labaad qoryo leesugu dhiibin.
Soomaliyey Sheekh Yuusuf Mohamed Siyaad ( Indhacadde) maxow ula jeedey " Sheekh Shariif Sheekh Ahmed Jowhar waa imaan karaayaa?"
Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
Jowhar53@hotmail.com
Wixii Su'aal qoraalkaan aad ka qabto u dir email qoraaga soo qoray ka fiiri emailkiisa xaga danbe qoraalka
Shabakada Warsheekh Mas'uul kama aha qoraalka akhristayaashu kusoo bandhigaan Ra'yigooda, mas'uliyada Qoraalka waxaa leh qoraaga, Shabakada Warsheekh Kaalinteedu Waa Baahinta Ra'yiga xorta ah.. Mahadsanid
Ma doonaysaa fikirkaaga inaad soo bandhigto? U soo dir webmaster@warsheekh.com , soo raaci magacaaga oo buuxa, iska ilaali ereyo gef ku ah Diinta Islamka, Qabiil ama Qof.
SOMALIYEY SU'AAL: SH: INDHACADDE MAXOW ULA JEEDAY SH. SHARIIF JOWHAR WAA IMAAN KARAAYAA? (RA'YI)
Ramadaan Kariim dhammaan Muslimiinta meel kasta oo ay ka joogaan dunida dacaladeedda kala duwan, intaas ka dib, maadaama lagu jiro Bishii barakeysned ee Ramadaan, ma-rabo inaan dhaho wax koox ama qof bani'aadam ah aay dhib-sanayso, balse waxaan