Si ay Somalia ku xukunto, Kharyraadka Dalkana uu ayaga ku ekaado,
Somalida kalena ay u ahaadaan masaakiin gacantooda suga oo hadba wixii ay u soo tuuraan qaata.
Waxay sameeystaan Ciidamo nooc kasta oo ay dowlad lahayd. Waase kuwa u edeega Beeshaas oo kaliya laakiinse Somalida & Caalamkaba waxaa loo tusaa in ay yihiin Ciidamo Qaran Somaliyeed.
Waxay arintaasi ku guuleeysteen oo ay kaligood magac dowlad Somaliyeed ku daaro ama guryo dhisteen, ku beero qoteen ku tagri falayeen, mudo dheer oo ka soo bilaabatay 1960kii xoriyo qaadashadii ilaa laga soo gaaro 1991dii. Waxaad u baratay waa baaskaada. Dawoco meeshay macal idaad oga barato ayeey macaluul ogu dhimataa.
Beeshaasi hore waxay arintaasi gacantooda ka baxday 1991dii. ka dib markii ay beelihii kale u adkeeysan waayeen duligaasi ay ku jiraan. Halkaasna lagu cayriyey xukunkii dhiigmiiradka ahaa.
Waxay irid walba qaraacaanba, waxaa mar labaad u suurta gashay in ay Xukunkii dib ogu soo laabtaan. Waloow ay dhibaatooyin badan ka haystaan sidii ay u wada hanan lahayeen dhamaan Xukunka Dalka Somalia.
Beesha kalana waxay dooneeysaa in ay khayraadka dalka Somalia kaligeed ku cunto, qaab dowlad la,aan ah. Waxay sameeystaan Ciidamo ay dadka u yaqaaniin, maleeshiyo ama mooryaan isbaarooyin dhigta wadooyinka.
Waxaynaba arki karin wax dowladnimo ah oo ku dhisan qaabkii uu maamul dowladnimo uu lahaan jiray. Sida in ay Caalamka la xiriiraan oo ay soo casumaan oo ay dhisaan wax qaab dowladeed leh oo calaamad dowladeed leh. Si Caalamka uu u aqoonsado. Sida mida hore ay sameeyso oo kale markaasi sidaas ay ku hogaamiyaan dalka kuna cunaan Khayraadka ay doonayaan in ay cunaan sida Beesha kalaba ay yeesho. Digaagtu ama Doorada, Xaarka way cuntaa laakiinse af tirtirasho ayeey is dheertahay.
Hadaba si ayan u waayin nolosha noocan ah oo rafka, waxay iyaguna gashtaan, shaarar kala gadisan. Si ay dadka shacabka ah ay u khaldaan. Si markasta hamigooda ay ogu guuleeystaan. Shaararkaasi oo aan ahayn kuwo qurxoon oo soo jiidan kara dadka Somaliyeed ee dhibka soo daashaday una baahan Dowladnimo Cadaalad ku dhisan & indhaha Caalamkaba.
Labadaasi Beelood oo sheegta in ay yihiin, kuwaa ogu tirada badan marka loo eego Beelaha kale ee Somaliyeed ee masaakiinta ah ee lagu kortumanayo mudada Nus Qarniga ah
Waxaa ka mid ah ama ku jira labada Beeloodba, kuwo nadiif ka ah Ficiladaasi ama Hadafyadaasi khaldan ee aan ku soo xusay oo ilaahay ka cabsada. Laankiinse waxaan ka hadleeyno ama soo qadaneeyno waa waxa la yiraahdo inta u badan qoomkaasi
(The Majorit People)
Aniga waxaan ka dhashay mid ka mid ah labadaasi Beelood ee aan soo sheegay. Waxaanse bari ka ahay ficiladaasi xun ee aan soo xusay.
Arar.
Waxaay iga tahay in aad labadiinaba ka waantoodaan hamigiinaasi xun, oo aad raadisaan dariiq Cadaalad & Sinaan ku dhisan. Isla markaasna aad cafis waydiisataan Ummada Somaliyeed ee aad dhibaysaan har & habeen.
Mohamed Omar Osman
worldpeace@yahoo.com
Somalia waxay ka dagi la,dahay, laba Beelood oo midba doonayso in ay Somalia ogu noolaadaan qaab kala gadisan
Brothers and sisters Beel waxay doonaysaa in ay khayraadka dalka Somalia kaligeed ku cunto ayada oo adeegsaneeysa qaab magac dowladeed. Beeshan doonayso in ay Khayraadka Dalka Somalia ku cunto oo ku maamusho kaligeed qaab magac dowladeed, waxay s