Jaaliyadda Mudulood kulan ku yeeshay Magalada Gotenberg Dalka Sweden Maxaa looga hadlay?

0
Friday September 19, 2008 - 15:55:59 in Maqaallo by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadda Mudulood kulan ku yeeshay Magalada Gotenberg Dalka Sweden Maxaa looga hadlay?

    kulanka balaran oo ka dhacay hoolka weyn ee Jaaliyadda Mudulood Magaalada Götenberg ee Wadanka Sweden Taariikhda marki ay ku beegneed 17/09/2008 oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Beel weynta waxaa shir udoominayay Gudoomiyaha Jaaliydda Mudulood U

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kulanka balaran oo ka dhacay hoolka weyn ee Jaaliyadda Mudulood Magaalada Götenberg ee Wadanka Sweden Taariikhda marki ay ku beegneed 17/09/2008 oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Beel weynta waxaa shir udoominayay Gudoomiyaha Jaaliydda Mudulood Ugu horeentii waxaa warbixin ku saabsan muhimada shirka maantayBeel weynta Mudulood isugu timid ka soo jediyay Xaghayah Warfaafinta.


Wuxuu yiri waxaan maantay isugu nimid halkaan waa lasocotaan in Somailya 18 sano dhibaato faro badan ka jirtay midaas oo sababtay Fowdo iyo Dowlad a.aan oo saameysay dhamaan Umadda Somaliyeedhaba ugu badnatee Magalada amar oo ilaa iyo hadda Maamulkiisaleysku heysto waa maxaay sababta?

Jawaabta waa isbarbar yaaca Mudulood iyo kala danbeny la.aantamidaasnawaxey sababtay in wax kastoo Mudulood xaqiisa ah lagu qabsado waxaa usaale cad ah waad lasocotaan Prf Cali M Geedi waxaa uu ahaa R/wasaare waa la socotaan wixii dhacay sheegid uma baahano waxaa yimid Nur Cadde  ilaa iyo hadda waxaa lala daba joogaa Fashilin iyo dibin daabin haba ugu horeyaan kuwa sheegto magaca beenta ah ee hawiye uu shalay isgu xabsiga ka sii daayay wayoo waxaa la yiri doqonta walaalkeed  ayeey u duud weyntahay

Waxaan kaloo indin xususunayaa Cadde Xassan wuxuu ahaa Gudoomiyaha

Gobolka Banaadir wuxuu qeyb weyn ka qaatay sidii Hogaamiye kooxeedkii Magaalada looga saaray ka dib Maxkamadihii waad la socotaan in lagu yiri ma shegan kartid Gudoomiye waa maxaay sababta loo yiri?

Jawaabta waa isbarbar yaaca Mudulood laakin waxaa la yiri (CADAWGAADA HADUU BATO CINDIGAADA AYAA LAMIDEYAA)

 Isagoo hadalka sii wata Ayuu yiri waxaa wali muuqdo qaladaadkii Mudulood waxaa tusaalo u ah waa ogtahiin in Magaalada Muqdisho 18 dagaal ka jiray waa maxaay sababta?

 
Waa ogyahiin inta wax garadka ah laakin waxaan
u sheegayaa kuwa wali run mooday waxa maanta ka socdo Magaalada Xamar oo ah KULA LIHI TEYDANA ANAA LEH oo micnaheeda tahay Gaalkacyo Boosaaso dhuuso Mareeb Cadaado waa la kala leeyahay laakin Muqdisho dadka u dhashay kama tali karaan dagaanadooda oo la micno ah ANAA KUGU TALINAYO hadaad yeli weydo ilaa ka
ogolaato DILKA barokicinta iyo fowdada waa soconeysaa
Waxaa tusale u ah waad la socotaan Sheekh Shariif waa Gudoomiyaha Maxkamadaha  shalay markuu yiri hala dagaalamo looma kala harin laakin maantay markuu yiri nabad hala qaato waxaa loogu jawaabay wuxuu raacay gaalo waa in uu toobad keeno midaana wax kale mahee
waa maxaad nabad u raadineysaa wayoo hadii nabad la helo waxaa ku xiga cadaalad markii cadaalad timaado waxaa suulaya xumaanta

Ugu danbeentii isbarbar yaaca Mudulood waxey dhaxal siisay in maantay dagaanadoodii lagu dilo laguna barakiciyo loona diido maamulkiisa.
 

Kadib waxaa hadalkii qaatay Xooghayaha Abaabulka Jaaliyadda Wuxuuna aad ugu hadlay tariikhda dagaanada Mudulood iyo Marxaladihii la soo maray iyo wali dhibatada Somaliya salka ku heyso Maamulka Gobolka Banaadir oo aan filayo dadka dagaanka 18 sano hantida ka sameystay sida Xawaaladah Isgaarsiinta Ganacsatada NGO iyo dhamaan kuwa yimid 1991 waxii ka danbeyay
lagama yaabo maamul ay ayaga raali ka aheyn in uu ka hano qaado ama ku najaxo Gobolka Banaadir sababtu waxey tahay hadii lahelo nidaam iyo kala danbeen waxaa imaanayo xisaabtan waana waxa ay ilaa iyo waqtigaan u abaabulayaan dagaalada aan dhamaadka laheyn mida kaliyo oo looga gudbikaro waa iyadoo lajoojio isbarbar yaaca iyo damaca shaqsi lana mideeyo hogaanka Beel weynta Mudulood
 
 
Waxaan kula talinayaa  kuwa sheegto Mudulood oo hada ku hadaaqaya waxaan ahay musharax Gudoomiye Gobolka bal isweedii horta malaguu ogolyahay inaad Adiga Gobolka Banaadir maamulkiisa ledahay?

hadad maantay yeeshaan Gobolka Banaadir in ruux kasta iska soo sharixi karo 18 sano kadib markii dadka inooga leday midaas waa doqon nimo waana godob aad ka gasheen dhamaan dadka dagaanka nala wadaago waxaana ka mas.uul ah inta maanta isku sheegto
siyaasi .oday dhaqameed iyo Xildhibaanada Mudulood iyo kuwa ku qarwaya waxaan ahay MUSHARAX Muduloodow hadaad sidaan tihiin 2008 goormee garaad idiin siyadayaa?
 
 
Waxaa ugu dabestii hadlay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudlood ee Gotenberg waxaana uu nasiib dara ah ku tilmaamay siyasiyiinta iyo wax garadka Mudulood ilaa iyo waqtigaan ma jirto cid ka hadashay hadalkii lagu yiri maamulka Gobolka Banaadir lakalama laha laakin Gobolada kale waa lakala leeyahay waxaa cajiiba Doowlada waa Fidaraal Xamarna maamulkeeda dadka u dhashay malaha bal isweeydii Muduloodow maxaad shalay ula dagaashay rajiimkii Milatariga soow ma.aheyn cadaalo daro 18 sano ka dib ayaa la rabaa in markale ruux ka yimid 1500 km ama kabadan in uu daganadaada sharci daro kuugu taliyo wayoo Dowlada waa Fidaraal oo micnihiisu yahay Gobol kasta waxaa Maamulkiisa leh ruux u dhashay laakin Muwaadin kasta oo Somali iyo Ajnabi waa ku yelan karaa dagaan iyo hanti ayuu yiri Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee Gotenberg .
 
 
Ugu danbestii waxaa lesla meel dhigay in laga soo saaro qodobo muhiim ah
 
(1)In Imaamka.Ugaaska.Malaaqa. Siyasidiinta iyo dhamaan wax garadka Mudulood u istagaan midenta Beesha si loo joojiy  Isbarbar yaaca.

(2)In dhamaan Bel weynta Mudulood yelataa hogaan mideysan.

(3)kadib markii la helo hogaan loo dhanyahay ayaa Musharax imaan karaa.

(4)In lahelo Aqoon yahan soo diyariyo xeer uu ku dhaqmo Mudulood.

(5)in la tageero shirka dib u heshinta ee ka furmay Dalka jabuuti.
 
                              Wabilaahi Towfiiq
 
                             Abdirahman M Nor  (Cowsey)  
 
                Xogheynta Jaaliyadda Mudulood Götenberg Sweden

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip